Kampala (RBC) Warar goor dhow naga soo gaaray madasha shirka ee kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ay ku leeyihiin magaalada Kampala ee wadanka Uganda ayaa sheegaya in shirkii uu soo dhamaaday balse la isku mari waayey war murtiyeedkii gabagabada ee shirka.
Mid ka ah xubnaha ergada Soomaalida ee shirka ku sugan ayaa RBC Radio u xaqiijiyey in galabta markii uu shirku dhamaaday lana filayey in war murtiyeedka gabagabada la soo saari lahaa in mar kaliya la arkyey hadal qabyo ah oo suuqa soo galay kaasoo saxaafadana ay heshay.
War murtiyeedkaasi qabyada ah ayaa waxaa ku qornaa “In shirka kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ICG uu ku baaqay in madaxda DKMG ay ku heshiiyaan qabashada doorashada marka la gaaro bisha August”.
Sidoo kale warka qabyada ah ayaa waxaa uu ku baaqayay “in Barlamaanka KMG Soomaaliya uu sii jiro mudo kale oo dhan 2 sano”.
Haddaba markii arintaasi ay suuqa soo gashay ayaa waxaa gaashaanka ku dhuftay wafdigii madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hogaaminayey ee ku sugnaa madasha shirka, waxaana wararka na soo gaaraya ayaa sheegayaan in madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ay haatan kulamo gooni gooni ah ay la yeelanayaan madaxda kala duwan ee caalamka kuwaasoo ka qeybgalayey shirka.
Waxaana socda kulmo hoose iyadoo ergooyinka shirka ee Soomaalida ay siyaabo kala gooni ah ula kulmayaan xubnaha Mareykanka, UN-ka iyo Afrika u metalayey shirka.
Wixii ku soo kordha kala soco RBC Radio
RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
No comments:
Post a Comment