Saturday 4 June 2011

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka iyo Ciidamada Dowladda oo Jidka Wadnaha isku sii dhiririyay

Dagaalo saaka waabarigii hore ka bilowday qeybo ka mid ah aagaga Waqooyi ayaa haatan si goos goos ah ku socda, iyadoo saaka Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah ay ku jermaadeen deegaanada dhanka waqooyi oo Al-Shabaab gacanta ku hayeen.

Saraakiil ka tirsan Dowladda oo diiday in magacooda aanu baahino ayaa u xaqiijiyay Shabakada Jowhar.com in Ciidamada Dowladda ay la wareegene fariisimo cusub oo ku yaala degmooyinka Shibis iyo Boondheere, kadib markii ay weeraro ku qaadeen.

Saraakiisha ayaa waxay tilmaameen in Ciidamada Dowladda ay xaqiijiyeen Isgoyska Siinaay ee Jidka Wadnaha iyo xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Boondheere.

Dagaalka oo iminka si goos goos ku socda ayaa la soo sheegay in Taangiyada AMISOM ay gudaha u galeen Xaafado ka tirsan Shibis iyo Boondheere, waxaana dad ku sugan xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ay noo sheegeen in rasaasta habawga ay ku soo dhaceyso.

Madfac aroortii hore ee saaka ku dhacay Xaafada Towfiiq ayaa geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, inkastoo aan heynin cadad rasmi ah dadka wax ku noqdeen.

Ciidamada Dowladda ayaa isku dhiririyay Wadada Wadnaha oo ay horay uga xaqiijiyeen min Tarbuunka ilaa Isgoyska Aadan Cadde, iyadoo haatan qorshuhu yahay inay fariisimo ka sameystaan Isgoyska Sanca, Afarta Jardiino iyo kan Siinaay oo ah Jidka Wadnaha.

Wali Dowladda KMG si rasmi ugama hadlin gulufka dagaal ee ay saaka ku qaadeen aagaga waqooyi, waxaana howl galkan uu qeyb ka yahay duulaan ballaaran oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidamada AMISOM, kaasoo maalmihii la soo dhaafay ay kula wareegeen goobo ka tirsan dhanka Koofureed ee Magaalada Muqdisho.

La soco wixii ku soo Kordha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...