Wednesday, 12 October 2011

DAAWO SAWIRRO: Ciidamada DKMG oo ku sugan SOS, Warshadda Baastada iyo Ex-koontarool Balcad





Isniin, Oktoobar 10, 2011 (HOL) — Ciidamada dowaldda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo garabsanaya ayaa saakay dagaal ay la galeen xoogagga Xarakada Al-shabaab ku qabsaday deegaanno ka tirsan degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir oo ka mid ahayd degmooyinkii ay Al-shabaab kaga suganayd Muqdisho.
Haddaba, waxaa sawirro laga soo qaaday ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ku sugan isbitaalka SOS, isgoyska ex-koontarool Balcad iyo warshaddii baastada oo xarun u ahayd xoogaggii Xarakada Al-shabaab.
Saraakiisha dowladda KMG ah ayaa waxay sheegeen inay ciidamadooda ku sugan yihiin isgoyska SOS, iyagoo diiday inay ka hadlaan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, waxaase intii ay hadlayeen saraakiisha dowladda la maqlayay rasaas xooggan oo ka dhacaysa goobta.
Dagaalkii saakay ayaa ahaa mid xooggan midkii maalin ka hor ka dhacay degmada Karaan qaybo ka tirsan, halkaasoo ay ciidamada dowladdu la wareegeen, iyadoo aysan weli Al-shabaab wax war ah kasoo saarin dagaalka.


No comments: