Aabaha barbaariyey ee caqiiqada Wahaabiyada ah baray ilmaha yaryar iyo kuwa waaweyn ee caqligoodu wareegay sow maaha Culuma kusheega Wahaabiyada Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Maxamed Cabdi Umal. Isagoo calaacalaya ayuu Mohamed Umal haatan ka hor ka sheegay Telefishanka Universal in ay halaag iyo baab’a ku dhowdahay Caqiiqadii Salafiyada(wahaabiyada) ee ay soo dhisayeey ilaa 30 sano ku dhowaad. Caqiiqadada uu ka hadlayo waa tii uu soo alifay Maxamed Ibn CabdulWahaab oo ahaa aasaasihii Wahaabiyada aafeysay manta meel walba oo dunida ka mid ah. Kheyr laawe ma oga inuu ku cayaaray Caqiido iyo Diin in ka badan 1400 sano soo jireen ahayd oo laga dhaxlay Suubanihii(csw).
Ma la yaabtay sida uu ninkan Shiikha sheegtaa uu ugu dikrinayo aqwaasha Imaamyada waaweyn ee Islaamka sida Shaafici oo kale isagoo hore u odhan jirey waxay iska ahaayeen niman ijtihaaday oo warkoodaiyaguun ku egyahay laakiin ay ka daba yimaadeen Culumada Mucaskarka ah ee Ibn Taymiyah, Albaani, Ibn Baz, Utheymiin, Jazaairi, Zeno iwm. Markaa waxaanu hadaladooda kaga kaaftoomeynaa Quraanka iyo Sunnaha oo keliya. Haddaba Khawaarijka Aabaha u ah ciyaalka waashay sow maahA Umal! Imisuu ka diray Nairobi oo uu u maxaadareyn jirey.
Soomaalidu caadifad iyo damiir xumaa! Marba waa qofkii ku daneeya uun iyo nin jecleysi. Ninkani sida uu dadka u galay ee Diinta Muqadaska ah ugu cayaaray ma eegayaan. Cajaladihii hore ee laga duubay ma dhegeysanayaan. Wixii uu ku hadaaqi jirey dheg loo dhigi mayo. Waa uun Sh. Umal ayaa nimankii karbaashay ma maqashay? Wallaahi waa runtiis?
Sh. Umal iyo Al-Shabaab maxay kala yihiin? Sow isku caqiida maaha oo Midna Seefta ma haysto Midna dadka uma keeno lacagahana uma xawilo! Marka laysku afgaran waayo Dhuunigii iyo Madaxtinimadii ayaa laysku kacaa! Markaa laysku afgaranwaayo sida Manhajka Wahaabiyada(Salafiyada) loo wadayo iyo in la qafiifiyo oo Tusbaxyo laqaato maadaama ay Soomaalidii fahmeen Wahaabiyada ayaa laysku kacaa!
Haddaba war badan ma wanaagsanee bal nala daawada Sh. Umal oo Dawladihii Soomaaliya Gaaleynaya, Dastuurka Gaaleynaya, Xildhibaanada Gaaleynaya iyo Fu’aad Shangole oo Sheegaya in Isaga iyo Umal ay isku Manhaj yihiin Isna jecelyihiin islana aaminsan yihiin Caqiidada Salafiyada ee Wahaabiyada.!
Soo dhegeysta Ninka Wahaabiga Khawaarijka ah ee Umal oo Amaanaya Belaayada Socota!
Sh Umal oo dowladii ku meel gaarka ee C/llaahi Yusuf Gaaleysiinaya
Sheekh ku sheeg Umal oo gaaleysiinaya Dowlada ku meel gaarka ee Shariifka Taageerayana Al- shabaab
Sheekh Fu’ad oo amaanay Sh. Umal sheegayna in ay isla aaminsan yihiin Caqiidada Salafiyah(Wahaabiyah).
No comments:
Post a Comment