Burburka Dagaalada ka Soo Gaarey 
Muqdisho (RBC) Dagaaladii cuslaa ee sanadihii u dam,beeyey ka socday magaalada Muqdisho ayaa khasaaraha nafeed ee ay geysteen ka sokow, waxay saameyn weyn ku yeesheen deegaanka iyo dhismayaasha muhimka u ah bulshada kuwaasi oo ay ku jiraan goobahaa taariikhiga ah iyo masaajidada oo dadku ku cibaadeystaan.Inkastoo la wada og yahay in dagaalo markay dhacaan ay sababaan burbur dhan kasta ah haddana waxaa xusid mudan in dagaaladii ka dhacay Muqdisho ay si weyn u baabi’iyeen goobihii cibaada iyadoo madaafiicda iyo hubka culus ee loo adeegsado dagaalka ay burburiyeen masaajidada.
Wixii ka dambeeyey 6-dii August ee sanadkan markaasoo ururka Al-Shabaab ay ku dhawaaqeen inay isaga bexeen fariisimihii ay ku lahaayeen Muqdisho, isla markaana ciidamada DKMG oo kaashanaya kuwa Amisom ay bilaabeen inay isku fidiyaan guud ahaan degmoyinka caasimada ayaa dadweynihii ka cararay magaalada waxay bilaabeen inay dib ugu laabtaan guryahooda.
Marka aad booqato xaafadaha kala duwan ee magaalada aad ku arkeyso guryo dib loo dayactirayo. Waxaana aad u yar inaad aragto masaajid la dayactirayo taasoo aan dhihi karno weli ma jirto hay’ad ama urur dhaqaale ku bixiya dayactirka masaajidada ku burburay dagaalada si jameecaadkii ku tukan jiray iyo xertii wax ka baran jirtayba ay markale u soo buuxiyaan.
Dhanka kale wasaaradda caddaalada DKMG iyo culimo kala duwan oo wariyaasha Raxanreeb ee Muqdisho arintan wax ka weydiiyeen ayaa waxay sheegeen in dib u dayactirka masaajidada ay tahay arin loo baahan yahay, balse ay ku rajo weyn yihiin in dhaqaale loo helo si wax looga qabto masaajidada ku burburay dagaalada.
Muuqaaladan waxaan ka soo qaadnay masaajidada qaar ee ku burburay dagaalada intii aanu gaari karnay, waxayna degmooyinka ay tageen wariyaasha Raxanreeb ka mid ah Hawlwadaag, Hodan, Shibis, Boondheere, Yaaqshiid, Wardhiigley.
DAAWO SAWIRADA MASAAJIDA BURBURSAN:


_______________________________________________
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho
E-mail: Raxanreebmuqdisho@gmail.com








No comments:
Post a Comment