Qore: Axmad Cabbas (Gacma-Gaab)
Arar

Qaran ahaan, Puntland waxay hanatay meekhaan ay si wax ku ool ah uga qayb-qaadan karto dib-u-yagleelidda dawlanimo qaran. Axdigi ku-meel-gaarka aha wuxuu soo bandhigay hindise lagaga fursan karo kala googo’, isla markaana lagaga raysan karo nidammkii ay awoodda dawladnimo oo dhammi ku urursnayd dawladda dhexe.
Dhanka Caalamka, curashadi Puntland waxay abuurtay hannaan hay’adaysan oo suurta gelinaya in beesha caalamka iyo Puntland ay iska kaashadaan horumarinta adeegyada bulshada, aminga mandaqadda iyo addunweynaha.
Qiimayn Kooban
Qiimayn isu-dheellitiran oo lagu sameeyo waayihi Puntland, waxay ka marag-kacaysaa in uu jiro horumar la gaaray. Dhinac kale waxaa jira guulo la gaari karey oo laga gaabiyay, iyo dhinacyo uu la soo gudboonaaday dhibudhac, marka laga tilmaan qaato xaaladdi jirtay asaaski Puntland.
Haykalki maamul ee Puntland wuxuu noqday mid tabbagal ah, rabitaanka dadweynaha ka sokowna, asaga ayaa sugay jirtaanka iyo kor-u-qaadidda adeegyada bulshada Puntland. Dhinaca kale marka laga eego, waxaa jira saluug la xariira heerka tayada maamulka, taasoo loo aanayn karo in la gabay horumar aad uga sarreeya heerka hadda la marayo.
Dimuqaraaddiyaynta Puntland waxay ka mid ahayd himilooyinkii ugu mudnaa ee uu gaaray shirweynihi lagu asaasay Puntland ee ka dhacay Caasimadda dawlad goboleedka Puntland, Garoowe, muddadii u dhexaysay 15ki May iyo 1di Agoosto 1998. Haddii laga dhabayn lahaa go’aanki shirweynaha iyo qodobbadii Axdiga ee ku aaddanaa dimuqaraaddiyaynta hannaanka siyaasadda, 30kii Juun 22 sannadkii 2001, ayay Puntland ka hirgeli lahayd doorasho toos ah oo xor ah. Sidaas awgeed, hirgelinta dimuqraaddiyaynta Puntland wuxuu dib-dhacsanyahay 12 sano iyo 2 bilood. Sii Akhri
No comments:
Post a Comment