Monday 9 September 2013

Somalia - Wararkii Maanata

KASHIFAAD: Dhaqtarkii ugu sareeyay kooxda AL-SHABAAB oo la toogtay

 Baardheere - Waxaa la dhaawacay Subaxnimadii Axada, Dhaqtarkii ugu sareeyay ee Qaliimada ku fulin jiray Dhaawacyada Al-Shabaab, kaasoo kooxo hubeysan ay ku toogteen degmad Baardheere ee gobolka Gedo.
Dhaqtarkan oo lagu magacaabo Dr. Cabdiraxmaan Xaaji ayaa waxaa la dhaawacay xili uu kusii jeeday Masaajid, iyadoo kooxihii falkan geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ay baxsadeen.
Maliishiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerarka kadib howlgal ay ka fuliyeen degmada Baardheere waxay kusoo qabqabteen dad fara badan oo buux dhaafiyay saldhiga degmada Baardheere.
Lama oga cidda ay ka tirsan yihiin kooxaha falkan geystay, mana jirto cid ka hadashay falkan lagu dhaawacay Dhaqtarkii ugu sareeyay ee dhinaca qaliinka Al-Shabaab.
Axmed Madoobe oo la dejiyay Xarunta uu ku xiran yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys
Sida Newsomali.com u xaqiijiyen ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho Axmed Madoobe Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubbooyinka iyo Gedo ayaa la dejiyay Guriga Habar khadiijo (Xarunta Nabad sugida Qaranka) iyadoo weliba si gaar ah loo dejiyay Guriga Taliyaha Nabad sugida Qaranka Bashiir Goobe.
Wararka ayaa sheegaya Axmed Madoobe inuu xalay gurigaas ku hoyday iyadoo weliba qeybta hoose guriga uu ku xiran yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo dhawaan gacanta u soo galay Dowladda Soomaaliya.
Dhamaan xubnihii Axmed Madoobe la socday ayaa la dejiyay hotel city place laakiin Axmed Madoobe kaliya ayaa la dejiyay xarunta nabad sugida qaranka sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho.
Guuxa Magaalada Muqdisho la isla dhex maraya ayaa ah in Axmed Madoobe oo Madaxweyne ah iyo Xasan Dahir oo Maxaabuus ah ay wada joogan guriga nabad sugida.
labada nin waa Axmed Madoobe iyo Xasan Dahir Aweys ayaa ka wada tirsanaa hogaanka sare ee Xisbul islaam iyo Maxkamadihii Islaamiga.
 Lama oga sababta Dowladda Soomaaliya Axmed Madoobe u dejisay xarunta Nabad sugida iyadoo Magaalada laga helayo Hotelo waa weyn dadka qaar ayaa waxay leeyihiin waa fariin Siyaasadeed ku wajahan Xasan Dahir Aweys halka kuwa kale leeyihiin si loo adkeeyo amaankiisa waa lagala baqay Hotel meesha kaliya lagu aamini karo waa xarunta Nabad sugida oo si aad ah loo ilaaliyo.
 DF oo maanta xarigga ka jartay Mashruuc Qiimo badan.

 Muqdisho -  Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xaya xarigga uga jartay mashquurac aada Dugsiyada oo ay soo qaban qaabisay wasaarada adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya qeybteeda waxbarasha.
Xalada furotaanka waxaa ka qeyb galay qudbad dheerna ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana uu si qoto dheer uga hadlay Faa’iidada Waxbarashada ay Bulshada Soomaaliyeed u leedahay.
Sadaxda sano ee nogu soo aadan, in kabadan hal milyan oo caruur soomaali ah ayaa helaya fursad dhab ah oo ay dib ugu bilaabayaan, ayna helayan waxbarasho lacag la’aan ah 20-sano kadib.
Mashruuca “Aada Dugsiyada” waa fikrad ka timid wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada. Waxaa la dhisayaa ama la dayac tirayaa boqolaal skuula ah, waxa la bixinayaa qalab dhalinyaro wax ku bartaan, waxa la taageerayaa lana tabo barayaa macalimiin cusub, sido kale waxa lagu dhiiro gainayaa waalidiinta iyo bulshada iney waxbarashada gabdhaha mudnaanta kowaad siiyaa iyo wiilashaba. In badan oo kamid ahna, waxey u noqoneysaa marki ugu horeyse ee waxbarasho helaan. Tani waa ololaha ugu weyn oo caruurta Somaalia fasalada lagu geeynayo in kabadan 20 sano.
Mashruucani wuxu noqonayaa mid badala barta dhibaatooyinka iyo dowlad la’aanta ee Somalia caanka ku noqotay dagaaladii sokeeye.
“Caruurta iyo dhalinta yar oo waxbarasho la siiyo waxey muhiim u tahay mustaqbalkooda, kan reerkooda iyo bulshada guud. Laakin waxbarashadu sido kale waxe y muhiim u tahay nabadeynta iyo xasiloonida. Waxbarashada waxey noqon kartaa calaamada nabadeynta Somaaliya. Aye tiri wasiirka horumarinta iyo adeega bulshada, Dr. Maryan Qasim.
Waqtigan xaadirka ah, tobankii canug ee Somalia ku nool, afar kaliya ayaa iskool ka hesha, halka sadax meelood meel gabdho yihiin.
Sida ugu fiican uguna haboon ee faqriga iyo sinaan la’aanta lagu yareen karo waa in la maalgaliyaa waxbarida caruurta iyo dhalinta yar-mustaqbalkeena. Sidaas darted ayaan manta u daahfureynaa qeybti koowaad ee mashruuca “Aada dugsiyada”. Tani waa tilaabada kowaad o aynu ku gaareyno hadafkeena ugu dambeeye ee ah in waxbarasho tayo leh oo lacag la’aana ey helaan dhamaan caruurta ku nool wadanka Somaalia.
 Dowlada Federal ka ahi waxa ay ku dhawaaqday furitaanka barnaamjika 8da Sebtember, waxayna qoreysaa 100,000 oo caruur ah dugsiyada dowliga ah, taasina waxay noqonaysaa qaybta ugu horeysa ee AADA DUGSIYADA.
8 da Sebtembar waxa kaloo ay calaamad u tahay maalinka qorida iyo akhrinta ama tacliinta, himilada caruurta Soomaaliyeed iyo hogaanka bulshda ay u qabaan AADA DUGSIYADA waa mid weyn oo xad dhaaf ah.
Wasiirka wasaarada waxbarshada ee Puntland, Mudane Cabdi Farax Juxa ayaa yiri “caruurtu waa inay ugu horeeeyaan, inagoo dhami waa inaynu ka tashano sida caruurta wax loo bari lahaa, cidkastaa waa inay doorkeeda ka ciyaartaa dowlada, waalidka, macalimiinta, iyo bulshada guud ahaan.”
Ganacsatada gudaha, Siyaasiinta, Hogaanka culumada iyo Odayaasha ayaa taageeray abaabulka. Qurba joogtauna waa lala hadlay inay lacag ku deeqaan iyo dhiiri galin ba.
“Aniga, wax barshada wey igala weyn tahay akhrin iyo qorid kaliya,” ayey tiri Dr. Maryam Qasim. Iyadoo hadalka sii waday ayey tiri “ wax barshadu waan aalad muhim ah oo loo addegsan karo hormarinta nabada iyo xasiloonida iyo weliba hormarinta dhaqaalaha iyo barwaaqada. Caruurta joogta Soomaaliya oo idil wey madunyihiin in loogu deeqo waxa ugu fiican si ay u tiigsadaan himiladooda, ma ahan dugsiyada oo qura balse noloshooda oo dhan.”
AADA DUGSIYADA waa barnaamij dalkoo idil ku baahssan, “tani waa fursad qaali ah oo hormarinaysaa sanadadii lasoo dhaafay, akideysana in caruurta Soomaaliland in helaan wax bada ay mudan yihiin.” Ayuu yiri Mudane Axmed Nuur Fahiye, wuxuu intaa kusii daray “tani waa mudnaanta ugu horeysa ee dowlada in caruurtu farxad iyo mustqbal dhalaalaya ay yeeshaan
R/W Saacid oo Faroole kala hadlay qilaafka DF iyo Puntland
Djbouti -Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhexeeya Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa xalay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda Djibouti Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole.
Kulankan cashadda ah oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Wafdi ee Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay in ay hakad galisay.
Kulankan waxaa dhanka Wafdiga Ra’isul Wasaaraha kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiiru Dawlaha Arimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah, Wasiir ku-xigeenadda Ganacsiga iyo Khayraad, halka dhinaca Wafdiga Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamuud faroole ay kamid ahaayeen Wasiirrada Arimaha Gudaha iyo Caafimaadka ee Puntland.

Markii ay cashadu soo dhamaatay waxaa Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah oo saacado qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamuud faroole.
Kulankan waxaa la qiyaasayaa in uu u xuubsiiban doono wada hadalo kale oo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta Maamulka Puntland iyo Dawladda Federlaka Soomaaliya.
Cali Geedi oo ku baaqay in la kala diro laamaha Amniga ee DF Somalia
Nairobi   -Iyadoo amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo ayaa waxa jirta siyaasiyiin DF Somalia dhaliilo u soo jeedineyso iyaga oo sheegayo in ay fashilantay dowlada halkii sano ay jogtay.
Cali Max’ed Geedi oo haray R/wasaare ugu soo noqday dalka Somalia ayaa waxa uu sheegay in amni darada ka jirta dalka Somalia ay mas’uuliyadeeda qaadayaan laamaha amaanka ee dowlada kuwaas oo dayacay howshooda .
Cali Geedi ayaa shacabka ugu baaqay in qof kasta uu noloshiisa ilaashada isaga oo ula  jeeday in aysan jirin cid sugi karta amaankooda loona baahan yahay in qof kasta isaga oo iska ilaaliyo dadka dhibaatada wada.
Sidoo kale Cali Geedi ayaa M/weyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu badalo dhamaan laamaha amniga ee dowlada kuwaas oo sheegay in ay fashilmeen hadii kale isaga ay dhibaatada soo gaari doonto oo qaraxa goobtiisa ugu imaan doono.
Dhanka kale Cali geedi ayaa sheegay in sababaha ay dowladaan u fshilantay ay ka mid tahay Aqoon daro dhanka maamulka ,daciifnimo ,karti yaro iyo wax qabad la’aan oo ku eedeeyay.
Cali Geedi ayaa sheegay in laamaha amniga loo baahan yahay in is badal dhaqsi ah lagu sameeyo si aysan u badan dhibaatada Shacbiga soo gaareysa isaga oo ku baaqay in la magacaabo dad ku wanaagsan dhanka Amniga.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku wajahan magaalada Kismaayo
 Muqdisho (Caasimada Online) - Guddoomiyaha shirkii Kismaayo ee lagu dhisay maamulkii Jubaland ee iminka noqday Jubba, ayaa shaaca ka qaaday in lagu wado in madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud uu dhowaan tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Macalin Maxamed Ibrahim, ayaa arrintan ka sheegay shir jaraa’id oo uu shaay ku qabta magaalada Kismayo.
Hadlkiisa, ayaa imanaya ayada oo dhowaan madaxa maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo wafti la socda ay gaareen magaalada caasimada ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin.
Shirka jaraa’id ayuu Macalin Maxamed sidoo kale kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaaladda magaalada Kismaayo iyo qorshooyin halkaas ka socda
Maamulka Afgooye oo ku wargaliyay DF Somalia in aysan qaadeyn Canshurta
Afgooye   -Wararka laga helaayo degmada Afgooye ee gobalka Sh/Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkas uu iminka ay ka jirta amaan daro aad u xoogan iyado ay ka dhacaan dilal joogto ah.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka ee Afgooye Mahdi Xasan ayaa sheegay in maamulkooda ay jojiyeen dhamaan Canshuurihii ay ka qaadi Jireen Afgooye sababo amaan daro darteed.
Sidoo Kale Mahdi Xasan Ayaa sheegay in markasta ay jiraan kooxo ugaarsada ciidanka qaada Canshuurta kuwaas oo dilal u geysta sidaas darteed ay joojiyeen in ay qaadaan Canshuurta maadaama uusan sugneyn amaankooda.
Mahdi Xasan ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay ku wargaliyeen in aysan marnaba qaadi doonin Canhuurta maadaama aysan heysan ciidan ku filan amaanka ayna isbarbar yaac ka dhax jiro ciidanka halkaas jooga.
Ugu danbeyntii Mahdi Xasan ayaa sheegay in aysan badneyn lacagaha ay ka helaan Canshuurta sidaas darteed la dilayo dadkii canshuurta qaadayay iyadoo aysan jirin cid soo qabaneysa dadka dilka geystay.
Wiil Soomaaliyed oo maanta lagu dilay Dalka Switzerland
Wiil Dhalinyaro oo Soomaaliyeed oo lagu Magaacabi jiray Maxamed Ibraahim Xasan ayaa maanta lagu dilay Dalka Switzerland sida ay xaqiijiyeen Booliska Dalka Switzerland iyo Ehelkiisa.25 jirkan la dilay iyo kan wax dilay waxay wada deganaayan hal guri sida laga soo xigtay Maxamed Good oo ehelo la ahaa Marxuum la dilay.
Marxuumka la dilay ayaa dalkaas ku noolaa muddo 5 sano ah waxaa uu deganaa guri ku yaalo Magaalada Solothuran iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeen sababta ka danbeesay dilka Marxuumkan.
Booliska dalka Switzerland gaar ahaan qeybta Magaalada Solothun ayaa waxa ay wadaan baartinaano la xiriira qaabka uu dalkan u dhacay, iyadoo ninkii wax dilayne aan weli gacanta lagu soo dhigin.
Dhowaan eyey markii Magaalada Zurich uu Muwaadin Soomaali uu isku uu dhigay geeriyooday kadib markii uu isku dhigay tareen.
M/weyne Xasan Sheekh oo kulumo ku leh Magaalada Baladweyn
Baladweyn   -Wararka laga helaayo magaalada Baladweyn ee gobalka hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in M/weynaha Somalia Xasan Sheekh uu kulamo gaar gaar ah uu hada halkaas ku leeyahay.
Xasan Sheekh ayaa waxa uu kulan qaatay waxgaradka iyo culumada ku sugan Baladweyn isaga oo kala hadlay sida ay u arkaan habka uu hada ku socdo maamulka gobalka Hiiraan iyo waxa ay ka tabanayaan
Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa la kulmay maamulka gobalka Hiiraan isaga oo kala hadlay waxa u qabsoomay mudadii lixda Bilood ay halkaas ka talinayeen iyo caqabada heysta.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladiisa ay diyaar u tahay in ay kala shaqeeyso maamulka Hiiraan dhinac kasta isaga oo tilmaamay waxa ay dadka Baladweyn ay doonayaan iyagana ay diyaar u yihiin in ay u qabtaan.
Ugu danbeyntii Xasan Sheekh ayaa la kulmi doono saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo Itoobiya oo halkaas jooga isaga oo kala hadli doono sida gacanta loo soo galin lahaa deegaanada ka maqan Hiiraan.
Qodobo Xasaasi ah oo looga hadlay Shirweynaha guud ee Xagjirnimada iyo xal u helida mushkiladda ku talax tagga Diinta. (Sawiro)
Shirweynaha guud ee Xagjirnimadda Soomaaliya iyo xal u helidda mushkiladda Guluwiga “Ku talax tagga Diinta” ayaa maanta galay maalintiisii 2-aad , iyadoo lagaga doodayay qodobo badan oo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen, Amniga dalka, Siyasadda, Warbaahinta,  dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda,iyo Qodobo kale oo ku aadan xaladda dalka uu maraayo xiligaan.
Dadkii ka hadlayay arrimaha amniga ayaa waxa ay talo ahaan soo jeediyeen in qofkii lagu soo qabto fal dambiyeed ah in uu tuurayay bam gacmeed lagu dhibaateynayo shacabka, aan xabsiga la geynin oo lagu qaado waxa ay shareecada Islaamku ka qabto oo ah in la toogto, si aysan u dhicin in eedeysanahaasi la iska sii daayo, iyagoo aanan wax maxkamad ahi la soo taagin, ama damiin lagu sii deeyo Dimbilahaasi dadka iyo dalka ka galay dimbiga intaas la eg..
Waxaa kaloo shirkaasis diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda oo ah daruufaha siyaasadeed ee sababay baahitaanka xagjirnimada kooxdda Al- shabaab, iyadoo arrimahaasi ay si weyn uga doodeen Xubnaha ay ka mid ahaayeen Af-Hayeenka Golaha sare ee ahlusumah waljamaaca Shiikh C/qaadir Shiikh Shiikh maxamed Shiikh Soomoow, Dr.C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte iyo Prof Xasan Sheekh Cali Imaam ooItaba siweeyn ugu qeexay habka qaldan ee ay siyaasad ahaan u adeegasadaan kooxaha xagjirka ah ee Al shabaab.iyo ajaaniibta la joogta ee ka yimid dalalka shisheeye.
Waxaa kaloo shirkaasi laga soo jeediyay in aan cidna siyaasadda loo diidin inay ka qayb galaan, balse loo baahanyahay in wax kasta loo maro habka sharciga waafaqsan si loo helo kalsooni waarta ee shaqeyn karta.
DHAGEYSO: Milkiilaha Village: Waa been inaan u shaqeeyo sirdoonka MI5
 Muqdisho- Milkiilaha Makhaaxida Village Axmed Jaamac Maxamed  oo shaley la qarxiyay makhaaxi uu ku lee yahay meel ku dhow aqalka madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay in weerarkaas uusan u hakin doonin howlaha ganacsiga ee uu ka wado Muqdisho.
 Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in ilaa hadda uusan si dhab ah u ogeyn sababaha loo beegsanaayo xarumaha uu Muqdisho ka furay, waa markii labaad oo makhaaxidan la weeraro.
Ururka Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarka ayaa ku eedeeyay ninkan oo loogu yeero Axmed Village in uu la shaqeeyo hey’adda sirdoonka UK ee MI5.
Wuxuu beeniyay eedeenta uga timid Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in uu isaga la shaqeen MI5 iyo xitaa dowladda Soomaaliya isla markaana uusan tagin xarumaha dowladda iyo hey’adda shisheeye ee dalka.
Axmed Village ayaa ku celceliyay in uu magaalada Muqdisho u yimid sii uu uga qayb qaadan lahaa dib u dhiska dalka iyo horumarinta ganacsiga.
Isagoo sheegay in uu shaqooyin u abuuray dhallinyaro badan oo magaalada ku sugnaa, iyo in uu baray sida loo kariyo cunto macaan maadama ay ragga Soomaalida aqoon cunto karinta.
Ugu dambeen, wuxuu sheegay in haddii uu fursad u helo in uu ganacsigiisa ku ballaarin doono dalka oo dhan si cunto macaan oo nadiif ah ay u heli lahaayeen dadka Soomaalida.
Si kastaba, hadalka Axmed Village ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley qaraxyo labo oo mid ka mid loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay wax yaabaha qarxa lagu weeraray afaafka hore ee makhaaxida The Village oo ku taalla degmada Xamarweyne.
Inta la ogyahay ilaa hadda waxaa ku dhintay qaraxyada 20-qof in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacmeen.
Col. Barre Hiraale iyo madaxweynayaal is-magacaabay oo Muqdisho ku shiray iyo qodobbo ay soo saareen
 Muqdisho - Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaal isku magacaabay maamulka Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo hadda hoggaamiyaha kumeel gaarka ee maamulka Jubba.
Kulanka dadka ka muuqday waxaa ka mid ahaa Barre Aadan Shire Hiraale, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed iyo Iftin Xasan Baasto, kuwaasoo  horrey isku magacaabay madaxweynayaasha maamulkXa Jubbooyinka.
 Shirkooda oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, waxaa looga hadlay qoddobo badan,oo ay ka mid tahay in ay qaadaceen heshiiskii dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa kula gaartay maamulka Axmed Madoobe.
Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu dhawacay Baardheere
Baardheere   -Wararka laga helaayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay is kuday dil uu ka mid baaday mid ka mid ah saraakiisha Shabaab ee jooga magaaldaas.

Mid ka mid ah dadka degan Baardheere ayaa sheegay in xalay kooxo hubeysan ay isku dayeen n ay dilaan sarkaal shabaab u qaabilsan dhanka Caafimaadka balse waxaa la sheegay in uu dhaawacmay.
Sarkaalka la dhawacay ayaa la sheegay in lagu magacaabi jiray Ramadaan kaasoo ka mid ahaa saraakiisha ugu magaca dheer ee Shabaab ee ku sugan magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Ciidamado ka tirsan Shabaab ayaa baaritaano hada ka wada Baardheere iyaga oo la xaqiijiyay in ay dad u xirxireen dhaawaca loo geystay sarkaalka ka tirsan Ururka iyadoo qaar ka mid ah dadkaas hada la soo daayay.
Ilaa iyo hada ma jirto cid si sax ah u sheegtay in ay ka danbeysay dhaawaca loo geystay sarkaalkan ka tirsan ururka Shabaab iyo sababta loo dhaawacay.
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safar Caafimaad Ugu Baxay Imaaraadka Carabta
 Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta u amba-baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxwayne ku xigeenka oo ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Berbera, ayaa waxa sii galbiyey masuuliyiin ka mid ah xukuumadda iyo maamulka gobolka Saaxil, kuwaasi oo gaadhsiiyey madaark.
Madaxwayne ku xigeenka oo safarkiisu ku soo beegmayo xili ay dalka Imaaraadka ku sugan yihiin Wasiirrada Caafimaadka iyo arimaha dibada Somaliland, ayaa hadal kooban oo uu saxaafadda siiyey ka hor intii aanu dhoofin ku sharaxay ujeedada safarkiisa.
Mudane Saylici, waxa uu sheegay inuu dalka Imaaraadka ku tagayo safar shakhsi ah isla-markaana la xidhiidha caafimaad “Safarkaygu waa safar shakhi ah oo hawlo caafimaad u badan” ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Waana safar gaaban oo 7 maalmood ah”



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...