![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Thursday, 05 September 2013 17:34 |
![]() Marka hore waxaan salaamayaa Maamulka Shacabkamedia,salaan kadib Anigoo ah Xildhibaan General Cabdi Bare Yuusuf,waxaan Baarlamaanka sharafta leh uga digayaa inay il-gaar ah ku hayaan shirkan shirqoolka ah ee Muqdisho ay hordboodayaan raggii horay u bedelay Dastuurka.Kooxahan ma metelaan Shacabka Soomaaliyeed,waxaana loogu tala-galay inay kala dilaan Soomaalidi la donayay in la isku soo jiido qaarkoodna hadda kalsoonidii kala noqday Dawladda Federaalka,waxayna doonayaan intii ka hartay qodobadii horey loo bedelay intii ka sii hartay inay sii bedelaan.Raggan ayaa hadda u tafa-xaytay inay Soomaaliya dagaal iyo colaad sokeeye dib ugu celiyaan,waxaana Beesha Caalamka ku wargalinayaa in shirkan shirqoolka ah ee Muqdisho lacago hey*adaha(NGO-yadda) looga cunayo inuu yahay,iyadoo loogu sheekeeyay inay shirkan ay ka soo qeyb-galeen 18-ka Gobol ee Soomaaliya ka kooban-tahay.Hadaba waxaan Beesha Caalamka iyo Shacabka-Soomaaliyeed intooda caqliga u saaxiibka ah ku wargelinayaan in Shirka Muqdisho uu yahay shirqool ay soo abaabuleen raggii horey Dastuurka Federaalka qodobo ka mid ah bedelay,hadan doonaya inay ka saaraan qodobka Federaalka.W/Q:Xildhibaan General Cabdi Bare Yuusuf JabriilEmail:immigrationtfgs@gmail.comShacabkamedia-Beyra-PuntlandRunta Kama-XıshoonoEmail:Shacabkamedia@live.com |
No comments:
Post a Comment