Friday 22 August 2014

Daawo: Sawirada qaar kamid ah Jawaasiista ay Ethiopia u soo dirtay Bariga Africa.


Sunday, June 22, 2014      1 Views
Qaar kamid ah Sirdoonkanaga qarsoon ee ku sugan Gudaha Ogaadeeniya ayaa noosoo gudbiyay Macluumaadka iyo Sawirada labo nin oo kamid ah Jawaasiista ay Xukuumadda Gumeysiga Ethiopia u soo hawlgaliyeen Bariga Africa gaar ahaan waddamada Kenya iyo Uganda.
Ninka Sawrikan leh waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Maxamed ( Shaakir ) waxuu kasoo jeedaa Gobolka Qoraxay ee Ogaadeeniya, waa nin dhanka Jawaasiisnimada Number kore ka galay oo ay Xukuumadda Gumeysigu si adag been ugu sheegtay, waxuu ku sugan oo loosoo hawlgaliyay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha.
shaakir
Warqadan hoose waxay kasoo baxday ama soo qortay Safaaradda Gumeysiga Ethiopia ee Magaalada Kampala, sida aad u jeedaan ama aad ka aragtaan waxay Safaarada Ethiopia ee Kampala warqaddan ku cadaynaysaa Jaajuusnimada Axmed Cabdullaahi Maxamed ( Shaakir ) iyo waliba qaar kamid ah hawlaha uu qabto.
shaki
Ninka Sawirkan hoose leh waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Xaaji Yuusuf Xayle, waxuu kasoo jeedaa Gobolka Jarar ee Ogaadeeniya waxuu kamid yahay Jawaasiista ay Ethiopia u soo hawlgalisay qurbaha gaar ahaan Dalalka Ugandha iyo Kenya, sida ay dadka aan xogtan ka helay noo sheegeen waxuu hadda ku sugan yahay Magaalada Kampala ee dalka Ugandha waloow sida la sheegay uu mararka qaar si qarsoodi ah ku yimid Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.
a
Mr Xayle Sawirkan waxaa laga qaaday markii ay Magaalada Adiss Ababa kasoo hawlgalinayeen Saraakiisha Tigreegu waxaana sida aad aragtaan Sawirkan kuwada jira Jaajuus Xayle iyo Saraakiil Ethiopian ah oo Amarkii Jawaasiisnimada siinaya.
Waxaan aad ugu mahadcelin haynaa Sirdoonkanaga Gudaha ee sida quruxda badan xogta iyo macluumaadkan noogu soo gudbiyay.
Qorahay Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...