Friday 22 August 2014

Xog: Abdi Iley oo Qurbaha lacago u soo diray si uu xilkusheega ugu sii dheraysto.


Friday, August 22, 2014      1 Views
Wararka naga soo gaadhaya magaalada JigJiga ayaa sheegaya in Abdi Iley wali xaaladu ku cakiran tahay oo si uu yeelo garan la yahay waxaana la sheegaya in ay soo tureen Tigreegii mudada dheer u ku shaqaysanahay.
Warar hordhac ah oo hadda soo gaadhay Qorahay Media ayaa tibaaxaya in Ina Iley markii si weyn loogu soo canaantay Addiss Ababa oo uu garwaaqsaday in uu gaadhay xiligii la caydhin lahaa in uu bilaabay qorshe uu ku doonayo sidii uu xilku sheega ugu sii dheeraysan lahaa bilo.
Abdi Iley ayaa horaan dhacay lacago uu geeyay meelo kale duwan kuwaas oo la sheegay in uu qaar kamid ah lacagahaas u dhiibay laba nin oo lagu kala magacaabo Dhoombe & Cabdirashiid Colaad lacagaas ayaa la sheegaya in uu haatan adeegsanayo si loo bad baadiyo, waxayna u egtahay wado walba oo uu u arko in uu ku bad baadi karo in uu adeegsanayo wuxuuna hadda ka hor Abdi Iley dhaqaale badan siin jiray saraakiisha Tigreega ayaga oo mudo dheer u doodi jirin oo ku ilaashan jiray dhaqaalaha ay ku qabaan balse hadda isa soo afjartay.
Dhaka kale magaalada JigJiga ayay dadku aad ugu faraxsan yihiin dhibaatada soo foodsaartay kooxda wakiilada u ah gumaysiga kuwaas oo meeshii ugu xumayd isla gaadhay ayaga oo dagaalka ka dhexeeya ay ku kala dhex jiraan Wayaanaha oo ayagu u arka hadii ay isku dhuftaan in meesha lagu kale carari waxayna si dhab ah ugu shegeen in ay joojiyaan dagaalka ka dhexeeya oo ah mid meshii ugu sareeyay gaadhay.
Isku soo wada duuboo Abdi Iley ayaa garan la meesha laga raacay isaga oo halmar uun laga wada horyimid taas oo ku noqotay yaab & dhafoora haysad wuxuuna qaadan la yahay filimadii uu dhigi jiray oo socon la & meel walba oo isa soo xidhay.
Qorahay Media JigJiga, Ogaadeenya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...