Friday 22 August 2014

Maqaal: Doontii uu Cabdi Iley Naakhuuda ka ahaa oo Dufaan Hareereeyey, iyo Asaxaabtii la saarnayd oo mid mid uga boodaya:

OgadenToday Editorial Policy: Xasuusnow Maqaalkan wuxuu khaas u yahay wariyaha ku Saxiixan mahan mid OgadenToday ka turjumaya waana mid aragtidiisu uu qorey Wariyaha hoos ku saxiixeen.
Cabdi-Maxamud-1-267x300Doontii uu Cabdi Iley Naakhuuda ka ahaa oo Dufaan Hareereeyey, iyo Asaxaabtii la saarnayd oo mid mid uga boodaya:
Waxaa dhawaanahanba hadalhayntiisu ay aad u badnayd safarkii Madaxweyne Cabdi Iley , 3da ku xigeen iyo Gudoomiyaha Xisbigu ay ku tageen Addis Ababa, waxaana kazoo baxayey  warar farabadan oo kala gadisan, Halkan waxaan idiin ku soo gudbinaynaa warka rasmiga ah ee arintaas ku saabsan iyo sababihii loogu yeedhay:
Bilowgii Bishan ayaa waxaa Addis Ababa, Xafiiska Raysul Wasaaraha Ethiopia  looga yeedhey, madaxda ugu saraysa Kililka oo ugu horeeyo Madaxweynaha, Gudoomiyaha xisbiga ahna Af-hayeenka Baarlamaanka iyo 3da Madaxweyne ku xigeen:
Isla markii ay halkaas gaadheen waxaa ka bilowday qiimayn, ay goob jog ka ahaayeen madax kasocota Xafiiska raysal wasaaraha, madaxa  Sirdoonka Ethiopia (Getaajew), Abaanduulaha Ciidamada Ethiopia(Samoore) iyo madax sare oo xisbiga EPRDF ta ka tirsan, ugu horeeyn waxaa loo sheegay Cabdi Iley iyo ragii la socday  in manta waxa loogu yeedhay ay tahay, in laga hadlo dhibaatada ka jirta kililka ee maamulkoodu uu masuulka ka yahay;
Intaas ka dib waxaa hadalkii qaatay Madaxa Sirdoonka Getachew Assefa oo Cabdi Iley si toosa ugu eedeeyey arimo aad xaasi u ah, kana mid yehiini:
  1. In Cabdi Iley uu kaligii talis noqday, taasna ay u suura galisay in isaga oo caruur uu isagu gacanta ku samaystay xilika ugu muhuumsan maamulka u dhiibay.

  1. In uu hantida shacabka u isticmaalo dano shaqsiyeed, oo ay ka midyihiin xoojinta awoodiisa , naaxinta qaraabadiisa, una badaley dowladii kililka shirkad uu isagu iska leeyehay, oo wuxuu rabo ka sameeyo, markii ay kudhahaan dadka la shaqeeya Madaxweyne arintani sharci maaha ee armay dhib inoo soo jiidaa, ugu jawaaba….”war sharcigu ma quraan baa?”, intaas waxaa sii dheer isaga oo TV u gaara leh, kana shaqeeya amaantiisa, oo ay ka heesaan koox hobolo ah oo isaga u gaara, oo ka miisaaniyad badan wasaaradaha qaarkood.

  1. In howlgalda nabadgalyada iyo miisaaniyada loogu talagaly uu uga faa’iidaysto inuu ku wax yeeleeyo shacabka, aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta diida inay inay u sacaba tumaan. Cidii uu ku tuhmo inay maamulkiisa dhaliilayaana uu ku sheego inay nabad diid yihiin, xabsigana u taxaabo.


  1. Inuu kala garan la’ayahay inuu wasiir arimo dibad yahay iyo inuu hogaamiye kilil yahay, taas oo markhaati ay ka tahay, howlaha uu ka wado dalalka dariska ah, oo ay ugu dambaysay dilalkii ka dhacay dhawan magaalda Gaarisa, oo lagu qabqabtay, dadkii fuliyey dilalkaas oo iyagu qirtay in laga soo direy kilika shanaad.

  1. Inay hayadaha Federaalka ah ee ka howl gala Degaanka Soomalida, Sida Xooga Korontada, Telecomunikashinka, Airportiyada…….iyo iwl  uu dhamaantood dhibaato ku hayo shaqooyinkoodiina ay gudan kari la’yihiin, waxaana ugu dambeeyey is rasaasayntii ka dhacday Airportiga Jijiga, kadib markii ay ilaalada Cabdi-Iley ay khasab ku galeen Airportiga iyagoo hubkoodii wata.


  1. In dadka ku xidhan Jeel Ogaaden  intooda badan ay isaga shaqsiyan u xidhan yahiin, wax dambiya ooy galena ayna jirin, wax maxkamada oo lasootagana ayna jirin, ama wax dambiya oo lagu soo eedeeyo, dadka isagu markuu rabona uu xidho markuu rabana sii daayo, isagoo haba yaraatee sharciga iyo hayadaha sharciga aan wax ixtaarama siinin.

  1. Inuu maamulkiisu sida maafiyada u shaqeeyo, aritaasi iskadaa kilika dhexdiisee, laga dareemayo magaalada Addis Ababa, isagoo markuu rabo sida budcad badeeda ama qowlaysota uu dadka uga soo afduubo meelo ka baxsan kililka hawguba badnaato Addis Ababa, isaga oo adeegsanaya, ciidamada nabad galyada, hantida iyo qalabka kililka, kuna xad gudbaya, sharciyada Federaliga ah ee kala xadidaya gobalada Ethiopia ay ka koobantahay, arintaas oo in badan looga digay. Hadii ay usooro gali waydo inuu dadkaas oo xidhana, dadka qaraabadooda ah xabsiga ka buuxiya. Hadana ay magaalda Addis Ababa ka buuxaan dad farabadan oo siyaasiyiin iyo masuuliyiin hore isugu jiro oo xiligaan halkan fadhino, dowlada dhexe ay ku ilaaliso magaalada Addis Ababa, lagana ilaalinayo Cabdi Iley inuu qafaalo oo uu xidho. Waxaa arintaan markhaati ka ah, in laba kooxood oo Cabdi Iley Jijiga ka soo direy ay hada Addis Ababa ku xidhan yihiin, ku was oo rabay in laba nin oo dowlada Federaalka soo magan galay afduubaan, ninmankaas la xidh xidhay ayaa waxay ka tirsanyhiin ciidanka  Poliska kililka, watayna baabuur iyo hub kililku leeyahay.

  1. Inuu badanaa ku faano, in ciidamada Mulatariga ay isaga taageersanyihiin, sidaas owgeed uusan dan kalahayn, lana hadli Karin, hayadaha kale ee Federaalku, oo uu ugu horeeyo Raysalwasaaraha, arintaas oo aad uga cadhaysiisay Abaanduulaha ciidamada Itoobiya, Samora Younus oo isagu goobta fadhiyey, Cabdi Ileyna goobtaas ugu sheegay inuu beenaale yahay, cid militariga ka mida oo taageertana ayna jirin, kuna eedeeyey inuu anshax xumo badan uu baray madaxda ciidamada federalka ee ka howl gala gobalka, arintaasna ay sidii ay wax uga qaban lahaayeena ay hadda ku gudajiraan.

  1. Inuu miisaaniya loogu talagay in dadka shacabka ah wax loogu qabto, oo aad farabadan ku maalgaliyo kumanaan dad ah oo uu ugu yeedho inay qurbo joogyihiin, kana soo uruuriyo dhamaan dalalka dibada oo dhan, dadkaas oo isagu uu tikidhada, Huteeladooda, iyo dhamaan qarshaka inta ay Etoobiya joogan uu bixiyo.  Dadkaas oo intooda badan yihiin dad markay dibada joogaan ma shaqaystayaala, waxbana ku soo kordhinaynin dalka, waxa kaliya ooy qabtaana ay tahay, inay isaga amaanaan markay gudaha joogaan iyo markay dib u noqdaanba.

  1. Inuu si dadban u taageero ONLF, isagoo ka duulaya, in hadii urukaasi xoogaysto ay isaga dan u tahay, sidaas darted uu dadka shacabka ah aad u dhibaateeyo, si ay dhalinyaradu ugu biirto ONLF, waxaa taas ka markhaati ah, kumanaanka xeryaha qoxootiga Kenya ku jira, ee dhamaan tood ka cararey dhamaan goblada kililka ka tirsan ee ay Qabiilka Ogaadeenku dagaan, howshaas oo inteeda badan ay fuliyaan ciidanka isaga u gaarka ah ee Liyuu Polika looyaqaan. Waxaan xog ku haynaa, in dadka shacaka ah magaalooyinkaas degan ay marba mark aka dambeeya aad uu sii yaraanayaan tan iyo intii Cabdi Iley Hogaanka nabad Galyada noqday, magaalooyinka qaarkoodna ay, dad waaweeyn iyo maato aan meela aadi Karin ay isagu soo hadheen, meel ay aadaana aan la garanayn marka laga reebo xeryaha qoxootiga Kenya ku yaala, xitaa waxaa jirta arin aad u cajiiba oo ah, in dadka shacabka ah ee ciidanka Cabdi Iley ee Liyuu Poliska ka cararaya ay u galaan xaryaha militrariga Federaalka, arintaas oo aad ugu baahaysa magaalooyinka Wadheer, Qabri Dahar, Dhagaxbuur iyo Fiiq

Ugu dambayn, waxaa loo sheegay, kooxdii Cabdi Iley la socotay, in aysan jiri doonin siina socon doonin in Cabdi Iley ku amar ku taagleeyo talada 5 million ee dadka ah eeku nool kilika, xil balaadhana uu dowlada Federaalka ah ka saran yahay, laga bilaabo maantana, in idinka laydinkala xisaabtami doono wixii qaladaada ee ka dhaca kililka, masuuliyaduna ay dhamaantiin idin wada saarantahay, amaankiinana ay masuul ka tahay dowlada federaalka ah, oo waajibaadka idin saran aydaan cabsi aad ka qabtaan Cabdi iley ay daan isaga indha tirikarin,

Muxyadiin Aweys(Kalafoge)
Waa wariye wax ka qora keeska Africa
Kalafoge2@outlook.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...