Mid ka mid ahaa wasiiradii xilka wasiirnimo iska casilay bilooyin ka hor ee ka tirsanaa Xukuumadda Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa si aan horay loo arag weerar afka ah ugu qaaday Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya
C/raxmaan Cabdi C/shakuur oo ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ahna haatan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Sheekh Shariif inuusan ka faa’ideysan fursad weyn oo uu heystay inta uu xilka Madaxweynenimada Soomaaliya hayo, isla markaasna uu dhumiyey xubnihii isbaheysigiisa ee dowladda kula jira, kuwaas oo kala ahaa Isbaheysigii Asmara iyo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, sidoo kalena uu lumiyey saaxiibadiisii gobolka.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment