Sunday 8 May 2011

Ciidamada Dowladda KMG oo faarujiyay qeybo ka mid ah Gobolka Gedo

 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ay faarujiyaan deegaano ka tirsan degmada Ceel-Waaq, halkaas oo ay horay dagaalo uga qabsadeen, iyadoo saaka la soo warinayo in goobihii ay ka baxeen si nabadgelyo u gaareen Ciidamo ka tirsna Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda ayaa xalay faarujiyay deegaanka la yiraahdo Busaar, oo ka tirsan Ceel-Waaq, kadib markii sida la sheegay uu khilaaf soo kala dhex galay saraakiisha Dowladda.

Xiriiro aan la sameynay Saraakiisha Dowladda ayaa inoo suura geli weysay inaan ku helno qadka taleefanka, ha yeeshee wali waxaa qeybo ka mid ah Gedo ka jira dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal.

Ciidamada Dowladda ayaa ku sugan ilaa afar degmo sida Ceel-Waaq, Garbahaarey, Beledxaawo iyo Luuq, halka Shabaab ay ku sugan yihiin labo degmo iyo tuulooyin hoos taga degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo.

Shabaab ayaa mudooyinkii u dambeeyay bedelay xeeldaha dagaalka, gaar ahaan dagaalkii fool ka fool ahaa, oo uu qasaare lixaad leh ka soo gaaray, waxayna taas u badaleen weeraro dhuumaaleysi ah oo ay jidka ugu galaan Kolonyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusuna.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii wadada u dhaxeysa degmooyinka Garbahaarey iyo Luuq ay ugu galeen Kolonyo ay saarnaayeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Ahlusuna, iyadoo weerarkaas markii dambe dhaawac soo gaaray uu u dhintay Gudoomiyihii Ahlusuna ee Gobolada Koofur Galbeed Sheekh Xasan Khoryooley.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...