Sunday 8 May 2011

Tarzan:Hawiyaa Ka Masuul ah Dhibaatada Soomaalida ku habsatay


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Saturday, 07 May 2011 08:53

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Tarsan oo munaasabada kulan beeleedka lagu casumay, ayaa hadal dheer ka jeediyey halkaa, isagoo ka hadlay dhibaatada dalka ku jirey mudada dheer iyo sida loogu baahan yahay in nabada loo guntado.

“Waxaa la rabaa in lagu tartamo waxqabad, yaa dhisay iskuul yaa dhisay isbitaal, yaa dadka caawiyey iyo nabad ee maaha in beel iyo reer hebel lagu tartamo,” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa odayaal, haween, dhalinyaro iyo waxgarad kulan beeleedka joogay u sheegay in dhibaatada Soomaaliya mudada dheer aysan wada wadaagin beelaha oo dhan balse meelo gaar ah ay sal u yihiin dhibaatada.

“Hadduu Wacaysle Hagaago waxaa hagaagaya Abgaal oo dhan, Hadduu Abgaal hagaago waxaa hagaagaya Muduloow, hadduu Mudulood hagaago waxaa hagaagaya Hiraan oo dhan, Hiraab hadduu hagaana waxaa hagagaaga Hawiye oo idil,” ayuu yiri Tarsan oo in taa ku sii daray “Hadduu Hawiye hagaago Qarankii Soomaaliyeed oo dhana wuuu hagaagayaa”waxaana 20-kii sanno ugu dambeysay Soomaali la haray oo lugaha ku dhagay Beesha aan ka dhashay oo boob iyo mooryaanimo shaqo ka dhigtay,halka Daarood iyo Isaaq ay deegaamadoodii ka dhiseen maamulada kala ah Somailand iyo Puntland"ayuu yiri Gudoomiye Tarzan oo dhiiri-gelinayey Reer Tolkiis

Hadalka ka Soo Yeeray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka badaanir ayaan La Ogeen  Waxa Uu Ula Jeedo Iyadoo Dadkii Ka qeebgalay Munasabadaasi ay Sheegeen In Ay Run tahay Hadalka Godoomiyaha.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...