Sunday 8 May 2011

Waa yaabe dadku wax magarato miyaa, Abdi Omarow?


Warqadan furan ayaan waxaan rabaa inaan kaga hadlo dhowr arimood oo ubaahan in dadku isku dheeli tiro, sidoo kale waxaan kusoo gudbinayaa fariin kusocota Qurba joogta, Dowlada, gaar ahaan madaxweynaha, iyo shacabka Somalida Ethiopia oon rabo inaan wax dareen siiyo.

Dhinaca Shacabka:
1.    Shacabku waa kuwa loo adeego, ee mudan in si cadaalad ah loo gaarsiiyo adeega loohayo
2.    Shacabku waa kuwa ayida dowladooda iyo maamulkooda
3.    Shacabku waa kuwa dhaleecayn kara maamulkooda
4.    Shacabku waa muraayada Maamulka
5.    Shacabku waa kuwa istaakuleeya, ee fikir wadaaga,
6.    Shacabku waa kuwa danta guud iyo darisnimada ilaaliya
7.    Shacabku waa kuwa qaanuunka iyo nindaama lagu maamulo tixgaliya una hogaansama
8.    Shacabku waa dawlada dhista maamulka wax hogaamiya
9.    Shacabku waxay leeyihiin tixgalin iyo maamuus
10.Shacabku waa nabada, horumarka, dareenka wacan, talobixinta, iyo lafdhabarta maamulka
Hadaba su’aashu waxay tahay shacabku mahelaan xuquuqday lahaayeen, msie waa lookala eexdaa?

Dhinaca Dowlada:
Dowlada ayaa waxay aad iyo aad baryahan ugu mashquulsantahay sidii ay usoo xero galin lahayd qurba joogta deegaanka meel kasta oo ay joogaan.
Maamulka Cabdi Omar ayaa waxuu noqday mid aan fadhiisan xafiiska oon u adeegin shacabka, balse waxuu ku  caanbaxay dibad wareeg iyo tafaraaruqa iyo kalafogeynta Shacabka, maamulkan Abdi Omar ayaa lagu xasuusan doonaa qodobadan soo socda, Maamulkan oo sanad kayar xilka hayay ayaa hadana waxay shacabku kuqiimeeyeen ilaa hada sidan soo socota:
1.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqoday maamulkii 10 naad ee qabta xilka,
2.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqday maamulkii ugu fursada wanaagsanaa een kafaa iideysanin ilaa lahada,
3.    Maamulka Abdi Omar ayaa  noqday maamulkii ugu dad xidhka badnaa iyo ugu dilka badnaa,
4.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqday maamulkii loogu dacwada badnaa
5.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqday maamulkii Labaad ee ugu Musus maasuq badnaa
6.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee si cadaan ah oon gabasho lahayn ugu dhaqma qabyaalad iyo cadaalad daro lookala eexanayo shacabka uu maamulo
7.    Maamulka Abdi Omar ayaa nabada Horumar badan ka gaadhay Nabad diidka, isagoo lacag iyo dhul bilaash ah ugu badalay qorigii ay wateen in badan.
8.    Maamulka Abdi Omar ayaa noqday maamulkii ugu awooda badnaa ee dadka Cabudhiya


Waxaa jira wax yaabo badan o wanaagsan balse waxaa qariyay xumaanta faraha badan ee mudada yar hadheeyay shacabka ee kudhaqmay maamulkani.
Sidoo kale waxuu xooga saaray siduu usoo hanan lahaa ama usoo xero galin lahaa qurba joogta qaldan ee nabad diidka ah, balse su’aashu waxay tahay Abdi Omar Qurba joogta uu soo xerogaliyay waa ayo? Jawaab:, 98% waa qabiilka uu Madaxweynuhu kadhashay. Maxuma midaasi oo wuu dadaalay, ee balse Away qurbajoogtii kale ee iyagu waligoodba nabada haystay isga hortii ee halganka kujirtay? Jawaab: Waxay noqdeen Yamyam iyo Qadaad Weyn? Maxaa loo balan qaaday Qurba joogta?  Jawaab: Waxaa loo balan qaaday Tigidh Bilaash ah, Dhul Bilaash ah, Qandaraas lagu naas nuujinaayo. Waakuwee kuwaasi? Jawaab: Waa kuwa dhalasho lawadaaga Abdi Omar oo kaliya.
Dowlada Federaalku may laqabtaa fikirkaas? Jawaab: Maya, Hadii aan eegno siyaasada dowlada Federaalka Ethiopia ee kuwajahan soo dhaweynta qurba joogta ayaa waxay tahay qodobadan soo socda (qaar kamid ah)

Ujeedada kadanbeysa xerogalinta ayaa waxay isugu jirtaa qodobadan:
1.    Kaqeyb qaadashada Nabada,
2.    Joojinta taakuleynta Nabad diidka
3.    Kaqeyb qaadashada Horumarka Dalka iyo Dadkaba
4.    Booqashada iyo Barashada Dalkoodii Hooyo
5.    Maalgashiga wadanka
6.    Kaqeyb qaadashada siyaasada iyo hadafka maamulka suuban
Sidaas daraadeed dowlada ayaa waxay aad iyo aad isugu dhabar jabisay inay gacmo furan kusoo dhaweyso, qurbajoogta udhalatay wadanka. Dowlada ayaa sameysay xidhiid wanaagsan dhinaca qurbaha, halkaas oo ay kalsoonida qurba joogta kuhanteen.
Masuuliyiinta Dowlada ayaa booqasho shaqo kutagey wadamo badan, halkaas oo sihagar la’aan ah ay qurbajoogtu ugu soo dhaweeyeen, iyagoo hiil iyo hooba lagarab taagnaa, sidoo kale nabad galyadooda damaanad qaaday, iyadoo ay jiraan xubno mucaarad ah oo isku dayey inay khatar galiyaan naftooda, balse qurbajoog xanbaarsan wadaninimada ayaa naftooda halis ugaliyay oo damaanad qaaday abaabulayna shirarka ay sida nabada iyo qurxda badan kuqabteen.

Shirarkii goonini goonida ahaa ee masuuliyiinta DDS iyo Qurbajoogta dhaxmaray ayaa waxaa laga fahmay qodobadan soo socda, inay qurbajoogtu lagud boontahay, guud ahaan
1.    Qurbajoogta iyo dowladu inay isfahn balaadhan sameeyaan
2.    Qurba joogtu maalgashato wadanka
3.    Qurba joogtu taakulayso dadkooda iyo dalkooda
4.    Qurba joogta kii waxbartay dadkiisa iyo dalkiisa uga faaiideeyo waxbarashadiisa
5.    Qofkii raba iinuu xaqiiqda iyo beenta kala ogaado wadankii soo booqdo
Waxaa layaable, Shookaantii ayaa waxaa lawareegay Shaqsiyaal Abdi Omar dhalasho hoose wadagaan  waxayna  markiiba bilaabeen, Yaad tahay, iyo Yaa aaminsan Ogaadeenya, islamarkiiba waxaa dhashay guux badan oon qiyaas lahay, kaas oo kadhax aloosmay qurbajoogtii walaalaha ahayd ee isjeclayd, Waxaa lasameeyay Leyuu Policeka Qurbaha, kuwaas oo shaqadoodu noqotay inay dadka kala miiraan.
 Mudo 30 bari gudahood ayaa lagu kala miirmay, waxaa dib loogu noqday hadaladii iyo qudbadihii Abdi Omar oo ay kujireen hadalo caadifadeysan oo dadka kala fogeynaaya. Waxaa lookala bixiyay Qurbajoogta Abdi Omar iyo Qurbajoogta Somalida Ethiopia.

Waxaa bilaabmay diwaan galintii iyo tirakoobkii Qurbajoogtii Abdi Omar, kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda halqabiil 98%, waxay soo galeen safaf dhaadheer iyagoo usoo socdaalay Magaalo Madaxda DDSI, iyagoo raba inay la kulmaan maamulka dawlada, waxa ay raadinayaana ay tahay boos bilaasha iyo tigidh dalkiisa iyo dadkiisa ku soo arko.
Qurbajoogta Abdi Omar ayaa dhamaantood ah kuwii lacagta shacabka lagu laayo bixin jiray, nabad doonkana dili jiray, Qowleystayaashana Qoriga ugadi jiray.

Hadaba waxaa is waydiin mudan su’aalahan soo socda oon wali jawaab loo helin iyagoo khuseeya dhinacwalba, bal hadaba waa in la isku dheeli tiraa oo la isgarab dhigaa dhibaatada laxalinaayo iyo dhibaatada la abuuraayo, “Baadigoobka Nabada Iyo Burburinta Beelaha”. Sidaas daraadeed bal su’aalahan dhuux micnaha iyo murtida kulifaaqan adigoo jaleecaya daacadnimada.


v Maxay  qurba joogtu albaabka musuqmaasuqa ufurayaan?
Waxaa layaableh, shaqsi shalay wadanka iyo dadka iyo dowlada dhibaateynaayay in manta lacag lasiiyo oo walibana dhul lasiiyo, tigidh laga bixiyo, hotel laseexiyo, cuntada laga bixiyo, qandaraas lasiixyo, walina uunan ku qanacsanayn waxaas loo samaynaayo oodhan.
v Shalay ninikii lacag ku bixinayay in shacabka la dhibaateeyo  hadii uu ogaaday inuu khaldanaa maxaa  diiday inuu dadkiisa iyo dawladiisa taakuleeyo oo iyaga wax uga sugayaa?

v Waxaa is waydiin mudan qofka nabad doonka ah dhulkiisa laga qaadayo ee lasiinayo nabad diid?

v Waxaa is waydiin mudan hantida shacabka ee xaqlaha laga qadinaayo oo nabad diidka lagu maslaxaayo?

v Waxaa is waydiin mudan ninkii nabad doonkii shacabka dadntiisa kahadla oo laxiraayo laguna eedaynaayo nabad diid hadana ninkii nabad diidka ahaa lagu marti qaadayo hantidii shacabka?

v Waa yaabe dadku wax magarato weeyaan yaa yidhi?

v Waa yaabe ninkii runta sheega maxaa loo canbaareyaa?

v Waa yaabe muxuu hal qabiil ugu durduriyaa Qabiilada degan Deegaanka?

v Waayaabe yaayidhi Qabiilka aan Ogaden ahay waa Shisheeye?

v Waayaabe maxaa tuke canbaarleh kadhigay Qabiilada kale?

v Waayaabe muxuu nabadiidku uga wanaagsan yahay nabad doonka?

v Waa yaabka yaabkiise maxaa umada kala yagleelay?
v Waa yaabka yaabkiise maxaa Qabiilada kala fadilay?

v Waa yaabka yaabkiise maxaa Qaranka loo duminayaa?

v Waa yaabka yaabkiise maxaa hantida loo boobayaa?

v Waa yaabka yaabkiise miyaynan jirin dad miyir qaba, ama maankoodu joogo, ama caqli lasaaxiib ah?

v Waa yaabe Leyuu Police Qurba joogta mushaarka lasiiyo xagee laga keenaa?

v Waa yaabe yaa yidhi dadku waa indhoole?

v Waa yaabe yaa yidhi dadku waa dareen laawe?

v Waa yaabe Gumeysigii Xalyle Salaase, Gumeysigii Mingiste Hayle Marm, Demuqradiyada EPRDF iyo Gumeysiga  Qaadashada Ogadenya keebay Shacabku Dooran karaan?

v Waa yaabe sow kii la odhan jiray Gumeysi waxaa badala Xoriyad, sowkan Gumeysi Ogadenya layidhaahdo noo bilowday?

Dhamaan su’aalahan iyo kuwo kale oo badan ayaa waxay kadhax guuxayaan shacabka Somalida Ethiopia meelkasta oo ay joogaan, waxaana lagama maarmaan ah in si miisaaman loo fahmo oon laga soo qaadin mid mucaaradnimo iyo cadho keentay, ee waxaa Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Somalida Ethiopia Mudane Abdi Omar iyo dowladiisa laga rabaa inay wax kabadalaan siyaasada fashilan.
Cabudhis iyo ceebayn horaa xal loogu waayay, oo Mingiste Halye Maram ayay usocon wayday, mida kale dadku waa dadkaakii, dalku waa dalkaagii, waxii kaa qaldan halagaa saxo, waxii kaamaqan halaguu sheego, qofkii kucaaya ha ceebaynin, hana ka aargoosanin, waayo masuuliyadii shacabka ayaad gacanta ku haysaa.
Dadku dhagool mahan, Wax magarato mahan, Doqon mahan, Jaahil mahan, Nina Cidlo kama dhalanin ee cid buu leeyahay, garasho iyo aqoon buu leeyahay, waayo aragnimuu leeeyahay, hortaa baa latalin  jiray, dabadaana waa latalin doonaa.
Wiilkayagii baad tahaye ee (Qabyaaladu) bahashu waa nacas ee yaynan kumadax marin, maanlaawe hanoqonin, meel soke eege hanoqonin, murti laawe hanoqonin, madax faluuq hanoqonin.
Hadalkaaga iyo maamulkaaga miisaan uyeel oo dadka usinow, Dhamaan Qabaailada wadanka daga qolo walba xuquuqda ay leeyihiin waa inaad ilaalisaa.
Waa inaad joojisaa ood kanoqotaa eexda aad hada kujirto, iyo xuquuqda qabiilada kale eed ulisayso qabiilkaaga, iyo waliba jilibkaaga Cabdiyow?

Warqadani waa warqad furan qof kasta fikir buu kusoo darsan karaa
 
Dareen Gurxan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...