Sunday 22 May 2011

Dagaalkii Muqdisho ee Maanta Muxuu ahaa Maxaase kasoo baxay?.


somalimemo.netXaqiiqdii waxaa la dhihi Karin dagaalka wuu soo gabagaboobay lkn marka loo eego qaabkii hore ee uu ku bilowday ayaa la dareemayaa xaalad daganaansho ah oo aan cago buuran ku taagneyn waxaana la maqlayaa Rasaas goos goos ah oo hubka cul culus iyo midka fudfud isugu jira ,balse Waxaa iswaydiin leh halkuu ku dambeyey hadafkii uu cadowga ka lahaa duulaankasi.
Waxaan cidina shaki uga jirin in duulaanka saaka Aroortii kirishtanku la soo jarmaadeen uu hadafkiisu  ahaa in gacanta lagu dhigo suuqa wayn ee Bakaaraha oo horay uga daalay duqeymaha ay la dhacayaan iyo in la bililiqeysto hantida shacabka Muslimka ah ee reer muqdisho laakiin hadafkaasi ayaa noqday hal bacaad lagu lisay markii geesiyaasha islamka oo kaashanaya shacabkooda muslimka ah ay jilbaha u Aasteen cadowga kirishtanka ah.
Dagaalka maanta wuxuu ka mid ahaa dagaalada ugu xoogan ee muqdisho ka dhacay inta laga warhayo,waxaa isaga hor yimid gaalada kirishtanka iyo murtadiinta ah oo meel waliba isaga soo habar wacday iyaga iyo taangiyadii ay caabudayeen iyo shacabka reer muqdisho oo taageerayey mujaahidintooda oo iyagana difaaca diinta aan u kala harin.
Waxaana la qarin Karin kaalintii maanta reer Muqdisho ay ka qaateen difaaca diinta iyo sida ay cadowga u wajaheen waxaana furumaha dagaalka lagu Arkayey iyagoo raxan raxan u socda hubkoodana ku labisan.
Waxaa sidoo kale dagaalka maanta ka qeyb galay odayaal dhaqameedyo caan ah,culimada somaliyeed kowooda hormudka u ah sida sheikh c/qaadir muumin iyo sheikh Nur mcalin C/raxman  oo fagaaraha dagaalka kala hadlay ciidanka mujaahidinta ee cadowga wajahayey.
Cadowga kirishtanka ah ee duulaanka soo qaaday run ahaantii waxa uu Aaminsanaa in si fudud uu gali karo suuqa Bakaaraha lkn Markii Taangiyadooda ay soo dhoobeen isgoysyada howlwadaag iyo bakaaraha waxa ay food dareen shacabka reer muqdisho iyo mujaahdinta oo aan cidna ka maqneyn waxaana natiijada ay noqotay in Taangiyii lagu faanayey la arkay iyagoo dib kaga sii guranaya fagaaraha dagaalka.
Qaar ka mid ah wariyeyaasha Idaacada Qur’aanka Kariimka oo xaqiiqda ka soo tabinayey furumaha hore ee dagaalka ayaa soo sheegaya in ciidanka kirishtanka ay maanta ka badsan waayeen in ay ka dul dagaalamaan gaadiidka tow-ga loo yaqaano iyo taangiyada dagaalka,waxaana jirin wax ciidan lug ah oo dagaalka ka qeyb galay.
Inkastoo ay sidaasi Qasaara ka carar u yihiin aanay ka soo dagin gaadiidki dagaalka ee ay wateen hadana waxaa jira baqti iyo dhaawac soo gaaray askartooda intii dagaalku socday.
Goobjoogeyaal muslimiin ah oo ku sugan Km4 oo ay soo xiganeyso SomaliMemo ayaa ku waramaya in ay halkasi ka gudbeen gaadiid ambalaas ah oo dhaawacyo baqti wada kuwaasi oo dhanka xalane iyo goornka ku sii socday.
Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay garoonka diyaaradaha ee muqdisho ayaa sheegaya in 16 ka mid ah Ciidanka kufaarta Uganda laga dhoofiyey garoonka iyo dhaawacyo halis ah oo muqdisho wax looga qaban waayey.
Waxaa sidoo kale jira koox murtadiin ah oo iyaga dagaalka maanta ka qeyb galay lkn kuwaasi waxaa ay sida qashinkii waran yihiin wadooyinka iyo fagaarayaashii lagu dagaalamay xisaabtana kuma jiraan oo ma nooma tirsana.
Waxaa la oran karaa xaalka ma uusan noqon sidii ay filayeen,Arintii ay ku xumaatay riyadoodii iyo shaydaanka ay waliga ka dhigteen ayaa u been sheegay balse Markii ay Arkeen shacabka reer muqdisho iyo mujaahidinta oo horay ugu socda ayey ka fursan waayeen in dib loogu laabto meelihii laga soo abaabulay qorshahan fashilmay.
Afayeenka mujaahidinta Al shabab sheikh Cali max’ud Raage sheikh Cali dheere ayaa sheegay in mujaahidinta Somalia aanay hadafkooda ahayn in bakaara oo la difaaca iyo dabka oo la qabsado lkn waxaa uu sheegay in ay hiigsanayaa muqadasaadka maqan ee islamka iyo hirgelinta iyo difaaca diinta islamka.
Shir jaraa’id oo uu qabtay sidoo kale waxaa uu ku sheegay in loo baahan yahay shacabka iyo mujaahidinta in ay la samir tamaan cadowga islamarkana waxan ay yihiin imtixaan Imaankeena lagu tijaabinayo.
Geesiyaasha towxidka waxaa uu kula dardaarmay in naftooda ay Allaha ka Iibsadaan si ay janadiisa u Hellaan,waxana uu tilmaamay in cadowga lala dagaalamyo uu yahay mid caabuda sanamka hadii uu guul helana sanamkaas u sajuuda hadii uu jabana barya isaga lkn mujaahidinta taas badalkeeda ay ku dhawaaqayaa Takbiirta iyo XASBUNALAHU WA NICMAL WAKIIL oo hal heys ay ka dhigteen,sidaas darteedna labadasi dhinaca aanay Aaqiro wada kulmi doonin.
Waxaa ugu dambeyn Umada muslimka ah meel walba oo ay joogto ugu bishaareyey in ay soo socdaan bishaaroyin waa wayn,isbadalo iyo guulo lagu farxo Taas oo aan la ogeyn waxa uu kala jeedo balse mujaahidinta Somalia ayaa lagu yaqaanaan weeraro qorsheysan iyo bartilmaamed Taaktikeysan oo cadowga ku halaagsamo dal iyo dibadba.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...