Wednesday 18 May 2011

Khudbadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka Jeediyey Fagaaraha Kheyriyada Hargeysa (Khudbadii oo Dhan)

Hargeysa (RBC) Xafiiska wararka RBC Radio ee magaalada Hargeysa, waxaa uu halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa khudbadii madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ka jeediyey fagaaraha Kheyriyada ee magaalada Hargeysa ee xuska 18-ka May oo ku began 20-Guurada Gooni isu taagga Somaliland.
Khudbada oo ka hadlaysa dhinacyo kala duwan, ayaanu haddaba gebi ahaanteeda halkaan ku soo gudbinaynaa:-
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 ka May waxaynu u dabaaldagaynaa sannad-guuradii 20 aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanideena. Maalintani waa maalin ku weyn Qarankan Somaliland. Mudanayaal iyo Marwooyin, munaasibada maalintan qaaliga ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha reSomaliland dib iyo gudo meel kasta oo ay joogaan, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa ciidamadda kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo ka mid ah astaamaha iyo tiirarka uu Qarankani ku taagan yahay.
Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhammaan golayaasha kala duwan ee Dawladda, kuwaas oo ah unugga iyo aasaaska Qaranimadda. Waxaan kale oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa duqayda, waxgaradka, madaxdhaqameedka iyo culima-awdiinka kuwaas oo ah mudankii badbaadiyey bulshadan aan maanta hoggaaminayo. Waxa xusid mudan, oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhalinyradda iyo aqoonyahanka oo ah kuwii dhiigooda ku waraabiyey dhalashada gobanimadda.Sii akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...