Wednesday 18 May 2011

Mudaaharaadyo looga Soo Horjeedo Gooni-Isu-taaga Somaliland oo ka Dhacay Laascaanood iyo Badhan

 

Laascaanood (RBC) Dibadbaxyo looga soo horjeedo xuska gooni isu taagga Somaliland oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay maanta magaalooyinkaLaascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo Badhan oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Mudaaharaadka ka dhacay magaalada Laascaanood oo rabshad watay ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne u badan dhalinyaro, haween iyo ardayda iskuulada magaalada kuwaasoo sitay calanka Soomaaliya ee Buluuga ah.
Dadka mudahaaradayey ayaa isugu soo baxay wadada laamiga ee marta bartamaha magaalada, waxayna iyagoo hor iyo gadaal u socda ku dhawaaqayeen ereyo ay ku diidan yihiin kala go’a Soomaaliya, waxana dadku lahaayeen ‘marna raali kama nihin Soomaaliya oo labo ah’.
Dibadbaxa ayaa dhagaxtuur isu bedelay kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay isku dayeen inay dadka kala ceyriyaan, waxayna ridayeen rasaas dusha loo tuurayey.
Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in illaa 4 ruux ay ciidamadu xireen kadib markii ay isku dheceen dadkii bannaanbaxayey iyo ciidanka.
Dhanka kale degmada Badhan ayaa sidoo kale waxaa ku mudaharaaday dadweyne sitay calanka Soomaaliya iyo boorar lagu soo qoray waxyabo lidi ku ah maamulka Somaliland.
Sida warku nagu soo gaaray ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhacay mudaaharaadka Badhan, waxayna dadku illaa duhurkii ku dhex wareegayeen xaafadaha iyo wadooyinka degmada Badhan iyagoo muujinaya sida ay u diidan yihiin gooni u goosashada Somaliland.
Gudoomiyaha Maamulka gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Nuur oo isaguna ku sugan degmada Badhan ayaa digniin u jeediyey rag uu sheegay inay Sanaag u dhasheen balse xiriir la leh Somaliland oo uu sheegay in qas ka dhex wadaan deegaanka.
Dibadbaxyadan ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalooyinka Somaliland ee Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Gabiley ay ka dheceen isu soo baxyo lagu taageerayo xuska 18-ka May oo maanta ku beegan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...