Wednesday 18 May 2011

Sheekh Maxamed Ismaaciil oo Ka Hadlay Dareenkiisa kadib 7-Sano oo uu Xabsi ku Jiray

 

Hargeysa (RBC) Sheekh Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa culimada Somaliland oo mudo 7 sano ah u xirnaa maamulkii Daahir Rayaale ayaa shalay duhurkii markii ugu horeysay laga siidaayey xabsigii uu ku jiray.
Siideyna wadaadka ayaa ka dambeysay kadib cafis lagu soo beegay munaasabada 18-ka May oo uu fidiyey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo taasoo si rasmi ah wadaadka loogu siidaayey.
“Alle ayaa mahada iska leh oo iga soo furtay xabsigii aan ku jiray, xabsigu waa dhibaato badan yihiin. Waxaan sidoo kale umahadcelinayaa intii uu ciriiriga ku hayey xarigeyga” ayuu yiri Sheekh Maxamed Ismaaciil oo intaa ku daray inuu joogi doono gurigiisa.
Wuxuu sheegay in dhibaato fara badan uu kala kulmay mudadii uu ku jirey xasiga, wax walbana ay iska bedeleen sidii uu ahaa.
“Waxaan la mid ahay sida ilme sebi ah oo hadda dhashay, waxaan rajeynayaa inaan nolol cusub bilaabo”, ayuu sii raaciyey Sheekha oo intaa ku daray in uu aaminsan yahay in waxa loo xiray ay ahayd oo kaliya diinta Islaamka sheegideeda.
Sheekh Maxamed ayaa inkastoo uusan ka hadlin hadda, wuxuu hore u xaqiijiyey in jirdil, koronto jirkiisa lagu gubay iyo garaac loo geystey mudadii uu xirnaa oo har iyo habeenba la garaaci jirey si uu u qirto dembi.
Wuxuu hadda Sheekh Maxamed Ismaaciil la midoobay ehelkiisa oo degan Hargeysa, waxaana siideyntiisa soo dhaweeyey culimaa’udiinka Hargeysa iyo dadweynaha yaqaana Sheekh oo qaarkood shalay iyo maanta booqasho ugu tagay gurigiisa.
Bilawgii 2005 ayaa Sheekh Maxamed Ismaaciil ay xireen ciidanka Somaliland ee maamulkii Daahir Rayaale, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu cambareeyey falalka ciidanka Ethiopia ka wadeen gudaha Soomaaliya, waxaana xilligaasi Sheekha laga qabtay xarun dadka lagu Quraansaaro oo ku taalla gudaha Hargeysa.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...