Wednesday 18 May 2011

Kulan maalintii labaad mar kale isugu yimaadeen Labada Shariif iyo Wafuud caalami oo kulamo la kala leeyihiin

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta mar kale kulan isugu yimid, iyadoo kulankooda uu goor dhow soo gaba gaboobay, kaasoo ahaa mid uu albaabada uu u xirnaa.

Warar ay ka heshay Shabakada Jowhar.com ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa u sheegay in kulanka maanta ee Labada Shariif uu daba socday kulan saacado badan qaatay oo shalay ay ku yeesheen Madaxtooyada, isla markaana ku wada quraacday.

Ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah lagama haayo kulanka maanta ay mar kale isugu yimaadeen, hase ahaatee waxaa muuqanaya isu soo dhowaansho labada dhinac ka leeyihiin arrimaha la isku maandhaafsan yahay ee waqtiga kala guurka ee Dowladda ugu ek-yahay Bisha Agosto.

Ma jirto ilaa iyo hada cid ka warbixisay kulamadooda is daba jooga ahaa ee shalay iyo maanta ay qaateen, laakiin ilaha war galka ayaa tilmaamaya inuu muuqanayo cadaadis dhinacyo kala duwan ah oo Madaxda Dowladda lagu saarayo in khilaafkooda ku aadan waqtiga kala guurka ay soo afjaraan, isla markaana Hey'adaha Dastuuriga ay meel dhow isugu yimaadaan arrinta doorashada ee uu muranka weyn ka taagan yahay.

Dhinaca kale markii uu soo gaba gaboobay kulanka Labada Shariif ayaa waxaa Madaxtooyada soo gaaray Wafdi ka socda Midowga Yurub, oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana wafdigan uu ka socdaa Dowladda Norway, iyadoo haatan kulan gaar ah la leeyihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, isla markaana ay isa soo arkeen Madaxweynaha.

Wixii ku soo kordha isha ku haay Jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...