Waxaa beryahan danbe jirtay in cabshooyin iyo eedaymo badan ay u soo jeedinaysay beesha Ciise dawladda deegaanka Somaalida Itoobiya gaar ahaa intii ka dambeysay markii dhawaan uu baarlamaanka deegaanku ansixiyay 15 degmo oo cusub oo ku soo biiraya degmooyinkii hore uga jiray deegaanka.
Beesha Ciise arrintoodu kuma koobnayn cabsho keliya ee waxaa jirta xilligan in ay si cad uga horyimaadeen nidaamkii dawladnimo ee ka jiray deegaanka Soomaalida maadaama ay dhawaan shaqaalihii dawladda ee ka hawgeli jiray dhulka beeshani degto ee aan ka soo jeedin dhalasho ahaan qabiilka Ciise ay ka soo eryeen dhulkooda.
Haddaba qoraalkan waxaan ku fallanqayn doonaa cabashooyinka beesha xaqiiqo ahaan waxa ka jira iyo guud ahaan kaalinta beeshu ku leedahay maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Beesha ciise waxay ka mid tahay beelaha soomaaliyeed, waxayna degaan seddex wadan oo kala ah Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Beesha Ciise waa dad leh dhaqan iyo xeer soo jireen ah oo ay ku dhaqmaan dhexdooda, kulana macaamilaan Soomaalida kale ee ay deriska yihiin. Beesha waxay leedahay hal ugaas, waxayna u qaybsamaan dhexdooda lix (6) qabiil hoosaad. Kuwaasi oo kala ah seddexda Ciise (oo ah kuwa wada dhashay) iyo seddexda soo raac, taasi oo macnaheedu yahay in ay xeer Ciise ku noqdeen laakiin dhalasho aanay la wadaagin. Beesha ciise waxay ku jirtaa weli qabiilada Soomaaliyeed ee dhexdooda ismaqla, una hogaansama go’aanka ugaaska iyo oday dhaqamoodkoodu ay gaadhaan inkasta oo beryahan danbe aad moodo inay ku kala qaybsan yihiin dhinaca siyaasadda oo ay ugu wacan tahay seddexda wadan ee ay degaan.
Dhinaca degaanka ay beeshu degto haddii aan u soo laabto waxaad moodaa xornimadii dalka jabuuti in beesha Ciise banaysay degaano badan oo ay horay u deganaan jireen sida Itoobiya haddii aan soo qaato Araabi, Lo’wanaaje, Danbal iyo degaano badan oo Jaare u dhaw taasi oo ay ugu wacnayd colaaddii sokeeye ee dhexmartay beesha Ciise iyo Gadabuursi (1989-1991) oo sidii ay qaxootiga jabuuti u tegeen ayna soo noqon labaatankii sano (20 sano) ee u danbeeyay. Haddii aan soo qaato dhinaca Soomaaliya waxaa jirta oo marag madoonto ah in saylac ilaa jabuuti ay beesha Ciise deganaan jireen oo xataa ay ka soo bixi jireen xubnaha xildhibaanada baarlamaanka ee xukuumadihii shacabka ee ka talin jiray Soomaaliya1960-1969 kacaankii milateriga ka hor, maantana waxaa la sheegayaa in boqolkiiba sagaashan (90%) ay degan yihiin beesha Gadabuursi oo xataa caleemo saarkii ugaaska Ciise dib loola soo cararay nabad gelyadiisa oo halis gashay awgeed. Dhinaca is riixa degaanadu waa wax iska caadi ah, matalan beesha Gadabuursi waxay sheegan jireen inay leeyihiin Gabilay, Arabsiyo ilaa Wajaale maantana waxaa lagu haystaa Baki iyo Lughaya.
Haddaba inta aanan u gelin dulucda qoraalkayga aan waxoogaa dib u yara jaleecno taariikhda. Waxaa Itoobiya sanadkii 1991dii xukunka talada dalka la wareegay xisbiga EPRDF ee uu gadhwadeenka ka yahay raysul wasaare Meles Seenaawi, waxayna ummadda Soomaaliyeed ee degta Itoobiya nasiib u heshay wixii ay ku weyday qori caaradii in la siiyay, taasi oo loo aqoonsaday ismaamul gaar ah oo leh degaan, calan iyo xukuumad u gaar ah iyo inay isku maamulaan afkooda, dhaqankooda iyo diintooda.
Kalfadhigii ugu horeeyay waxaa lagu qabtay magaalada Diri dhaba sanadkii 1992dii kaasi oo odayadii, aqoonyahankii u dhashay ismaamulka soomaalida itoobiya talo ku bixiyeen dhowr arrimood oo kala ah:-
A. In magaalo madaxda ama caasimada degaanka laga dhigo Diri dhaba oo ah magaalo madaxda labaad ee itoobiya iyada oo laga lahaa labo u jeedo mida hore oo ahayd dhaqaale iyo si uu u hadho maranka Oromo iyo soomaali dhex yaala ee magaalada Diri dhaba iyo mida labaad oo ahayd si loo badbaadiyo magaalooyin badan oo aan oromo isku haysanay sida baabili, fiyaanbiiro, ajarse gore, jinacsani, ma’ayso iyo erer.
B. In xukuumada la dhisaayo la siiyo madaxweynaha beesha ogaadeen balse ay keenaan nin aqoon iyo karti leh oo umadda soomaaliyeed ku maamuli kara si cadaalad ah.
C. In xukuumadda la dhisaayo ummadda Soomaaliyeed loogu qaybiyo si cadaalad ah, isla markaana qabiilada soomaaliyeed ka wada dhex muuqdaan.
D. In calanka iyo magaca degaanka loo bixinayo ka madax banaanaadaan wax qabiil la xidhiidha.
Nasiib daro go’aamadda kor ku qoran waxaa burburiyay beesha ciise, sababta oo ah waxay heshiis hoose la gashay ONLF waxayna ku balan fureen ummadda Soomaaliyeed wixii ay ku heshiiyeen iyaga oo ka doortay dano gaar ahaaneed. Waxaa madaxweyne noqday Allaha u naxariistee Cabdilaahi Maxamed Sacdi, ku xigeena Siyaad badri oo labaduba ka socday ONLF. Beesha ciise waxay ONLF siisay Xoghayaha degaanka oo loo magacaabay (Mahdi Axmed Warsame) waxaa kale oo la siiyay gudiga fulinta oo dhawr xubnood ah iyo shan wasiir (5); Waxaa kale oo ay beesha ciise ka baxeen go’aankii ahaa in magaalo madaxda laga dhigo Diri dhaba iyada oo loo eedaynaayo qoomiyada Oromo oo xoog iyo dhaqaale gelisay oo siisay siyaasiyiintii beesha ciise ugu jiray iyaga oo leh haddii Diri dhaba magaalo madax noqoto mustaqbalka fog beesha ciise iyo beesha gurgure waa lagala wareegi.
Haddii aan u leexdo dhinaca xukuumaddii labaad ee degaanka soo martay waxaa loo doortay Allaha u naxariistee Xasan Jire Qalinle oo madaxweyne ah, Axmed Cali Daahir oo kuxigeen ah iyo Iid Daahir oo loo doortay xoghayn, halkaasi oo lagu burburiyay maamulkii xaaraanta ahaa ee ONLF iyo Beesha Ciise.
Inkasta oo aan ka dhergsanahay masuuliyiintii soo martay ismaamulka soomaalida; waxaan rabaa in aan soo qaato mudaddii ay beesha ciise hayeen talada degaanka sida madaxweyne oo uu ahaa Cabdi Jibriil muddo seddex sano ku dhaw iyo Maxamuud Dirir oo ahaa wasiirka keliya ee ay umadda soomaaliyeed ku lahayd dawlada federaalka in ka badan toban sano (10 sano) isla markaana ahaa gudoomiyaha ururka talada degaanka hayay, isaga oo ka horna ahaan jiray wasiir ku xigeenka dawlada federaalka imikana ah safiirka dawladda itoobiya u fadhiya dalka masar.
Waxaa dhacday in mudaddii ay Cabdi Jibriil iyo Maxamuud Dirir hayeen masuuliyada ismaamulka degaanka Soomaalida in la bixiyay ama gacanta loo geliyey degaano badan oo Soomaaliyeed qoomiyada Oromada. Ma dhicin in Cabdi Jibriil isugu yeedho golihii baarlamaanka ee wakhtigaasi jiray ama golihiisa wasiiradaba; sidoo kale ma dhicin in Maxamuud Dirir isugu yeedho golihii dhexe iyo gudigii fulinta ee xisbiga talada degaanka hayey ee labada masuul ayaa iyaga oo aan qofna kala tashan ku wareejiyey degaano Soomaaliyeed qoomiyada Oromadda iyada oo la sheegayo in ay gateen dhulkaasi oo Oromo siisay dhaqaale iyo Oromo xubnaha ugu jira EPRDF ay u balan qaadeen in ay ku hayn doonaan labada masuul xilalka ay hayaan, taasi oo ku tusaysa in ay dano gaar ahaaneed ka doorteen masuuliyadii guud ee ay ummadda u hayeen tusaale markii madaxweyne loo doortay Cabdilaahi Xasan Lugbuur waxaa lagu qasbay in Cabdi Jibriil laga dhigo madaxweyne ku xigeen iyada oo qorshuhu ahaa mudo ka dib in xilka laga qaado oo loo dhiibo madaxtinimada Cabdi Jibriil inkasta oo qorshahaasi la fahmay Cabdi Jibriilna laga qaaday xilkii uu hayay lagana saaray gudigii fulinta ee xisbiga talada degaanka hayay.
waxaa lagu tiriyaa mudadii uu Cabdi Jibriil hayay xilka madaxtinimada degaanka dawladii ugu musuq maasuqa badnayd ee soo marta degaanka, wax horumar ah oo ummadda degaanka loo qabtay ma jirin ee miisaaniyada degaanka waxaa lagu kala qaybsan jiray magaalada jigjiga dhexdeeda.
Taas haddii aan intas ku dhaafo baal wax ka idhaado arrinta 15ka degmo ee dhawaan la magacabay. Shan iyo tobanka degmo ee ay xukuumadu ansixisay waxaa loo kala qaybiyey shan Gobol oo min hal degmo la siiyay sida Gobolka Jigjiga, Wardheer, Qoraxay, Godey iyo Shiniile halka Seddex Gobol la siiyay min labo degmo sida Gobolka Fiiq, Liibaan iyo Afdheer iyo Gobolka dhagaxbuur oo la siiyay afar degmo, Halkaas waxaa ka cad in beesha ciise la siiyay degmada Hadhagaale oo aan odhan karo wax xadgudub gaar ahaaneed oo loo gaystay ma jirto.
Aniga aragtidayda waxaan odhan karaa gobolka jigjiga waxba uma soo kordhin sababta oo ah degmada jigjiga waxaa muddo labaatan sano ku dhawaad loo ansixiyay in ay u qalanto ugu yaraan labo degmo; Iyadoo laga fiiriyay dhinaca walba sida tirade dadka, dhaqaalaha iyo baaxada dhulka; Waxaa loo kala qaybiyay Jigjiga1 oo dhinaca beesha Jidwaaq ah iyo Jigjiga2 oo dhinaca beesha Geri ah; waxaa intaasi dheer iyada oo magaalada jigjiga tahay casuumadii degaanka lagana dhigay Council city taasi oo uu qorshuhu ahaa in degmo nimaddii Jigjiga loo kala raro Tulli-guuleed oo dhinaca beesha Geri ah iyo Xaadaw ama Haroorays oo dhinaca Jidwaaq ah; Inkasta oo degmada cusub ee tulli-guuleed la ansixiyay waxaa weli lasugayaa meesha loo raro degmadii kale ee Jigjiga siduu qorshuhu ahaa.
Xagga seddexda madaxweyne ku xigeen waxaa la raacay nidaamka qoomiyada Oromada oo leh afar madaxweyne ku xigeen si hawsha loola qaybsado madaxweynaha oo arrimuhu u fududaadaan; ma jiro arrinta beesha ciise ku andacoonayso ee ah anagaa xaq u leh madaxweyne ku xigeenka; beesha ciise waxay ka mid tahay qabiilada soomaaliyeed, kursiguna waxaa qaban kara shaqsi kasta ama muwaadin kasta oo buuxin kara shuruudaha looga baahan yahay sida xagga aqoonta, kartida, daacadnimada iwm; Dhinaca kale kuma jiro xeerka ama sharciga degaanka qodob odhanaya qabiilka ama beesha ciise ayaa waxaa xaq u leh; waxaase ku jira in masuuliyiinta degaanku cadaalad ku maamulaan ummadda soomaaliyeed; iyada oo sidaasi jirto ayaa haddana xeer Soomaali ama xeer jajab la isticmaalaa si loo helo xal; Matalan Madaxweynaha degaanku (Cabdi Maxamuud Cumar) waa beesha Ogaadeen oo laf dhabarka degaanka ah, Afhayeenka waxaa ah (Maxamed Rashiid Isaaq) oo ah Garre kana soo jeeda gobolada Liibaan iyo Afdheer, Gudoomiyaha xisbiga islamarkaana ah wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dawlada federaalka itoobiya oo ka soo jeeda gobolka jigjiga iyo dhagaxbuur Cabdifataax sheikh Cabdilaahi waa beesha Jidwaaq. Madaxweyne ku xigeenka koowaad waa Aadan Faarax oo ah beesha ciise kana soo jeeda gobolka shiniile ahna wasiirka hawlaha guud; madaxweyne kuxigeenka labaad oo ah Axmed-deeq Maxamed Cabdi oo ka soo jeeda beesha Geri degaan ahaana gobolka jigjiga; hayana xilka wasiirka dakhliga iyo Suldaan Weli oo ka soo jeeda gobolka fiiq ahna (Ogaadeen, Caamir) hayana xilka wasaarada biyaha).
Haddii aan u soo laabto beesha Ciise marka dhinac walba laga fiiriyo sida horumarka, waxbarashada, caafimaadka, isgaarsiinta, jidadka, xubnaha ugu jira baarlamaanka heer federal iyo heer degaan, safiirada, badhasaabyada gobolada iyo xubnaha golaha wasiirada beesha ciise wax dulmi gaar ahaaneed oo loo gaystay ma jiraan, maamulkuna waa wax wareega oo markii ay beesha ciise hayeen labada jago ee ugu saraysay sida madaxweynaha (Cabdi Jibriil) iyo gudoomiyaha xisbiga islamarkaana ahaa wasiirka keliya ee ay ummadda Soomaaliyeed ku lahayd dawlada federaalka ma jirin wax leh beesha ciise ayaa na maamulaysa;
waxaan leeyahay in beesha ciise ka fogaato wixii burbur iyo fidmo ku keenaya ismaamulka degaanka Soomaalida itoobiya.
Waxaan kula dardaarmayaa Soomaalida kale in ay gacmaha is qabsadaan oo aanay ku dhicin sida jamhuuriyadii Soomaaliya oo maanta maraysa labaatan (20) ismaamul goboleed; qaarada Afrikana ugu hoosaysa iyaga oo ku jiray dalalkii ugu hor qaatay xoriyada iyaga oo wadaaga sida ismaamulka soomaalida itoobiya oo ah isku af, isku midab, isku diin iyo iyagoo ah dad ehel ah oo wada dhashay.
Dhinaca Madaxweynaha Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo aan ka dheregsanahay wax qabadkiisa sida isaga oo wax weyn ka qabtay xagga Amniga,Ka qayb qaatay ama dadaal badan geliyay ururada nabada qaatay sida UWSLF iyo garabka ONLF ee Saaluxudiin uu hogaaminaayo; Dhinaca Jaaliyadaha Dibada oo la xoojiyey , ansixintii shan iyo tobanka degmo oo aan filayo inay wax ku soo kordhin doonaan dhinaca horumarka, nabad gelyada iyo maamulka suuban, dhinaca deeqda waxbarasho ee uu siiyay walaalaheena Soomaaliyeed ee aan deriska nahay sida Somali land iyo Punt land; Waxaa kale oo uu wax badan ka qabtay dhinaca horumarka, jidadka,isgaarsiinta iyo arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo wax soo saarka beeraha iyo xoolaha iwm; waxaan kula dardaarmayaa madaxweynaha in uu dib u fiiriyo haddii ay jiraan cabashooyin aniga oo aaminsan in madaxweynuhu yahay kii ugu da’da yaraa ee soo maray degaanka aanan odhan karo waa kii ugu waxqabadka badnaa marka loo fiiriyo mudada yare e uu xilka hayay; isla markaana ah shaqsi wax dhegaysta, talana qaata oo ay ka go’an tahay in uu wax qabto.
Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga waxaa Soomaalida lagu xantaa in ay wax dumiyaan ee aanay waxba dhisin ee ku fara adayga hana la ilaashado waxa yare e aan haysano madaxweynahana halala shaqeeyo.
Yussuf Ciise
Wixii talo iyo tusaale ah waxaad igala soo xidhiidhi kartaan
Emailka ah, yussuf.ciise@yahoo.com
Jigjiga; Ethiopia.
No comments:
Post a Comment