Monday 9 May 2011

Mujaahidiinta oo Godad Hub ay ka helay Gobolka Gedo.

amiirnuur.com
Ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Gedo ayaa maalinba maalinta kasii dambeysa helaya hub iyo saanado dagaal oo ay ka carareen maleeshiyaadka murtadiinta ee Itoobiya soo anshax xumeysay.


Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta uu iskusoo dhiibay mid kamida saraakiisha maleeshiyaadka Mushrikiinta ee hogaamiyahoodi dhawaan lagu dilay dagaalkii Garbahaarey.

Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Dheere ayaa iskasoo dhiibey aagga Garbahaarey wuxuuna watay qori BKM ah kadibna waxaa lageeyay deegaanka Tuulo Barwaaqo halkaasi oo lagu wareystay.

Sarkaalka isisoo dhiibay ayaa sheegay in uu Alle u towbad keenay uuna kasoo laabtay shirkigii iyo gaala raacnimadii uu galay, markii uu nastay oo lasiiyay cunto iyo wixii uu u baahnaa haraadkiina daayay ayuu kashifay sir uu ka hayay saaxiibadiis.


Cabdi Dheere wuxuu mujaahidiinta u tilmaamay meel ay ku aasnaayeen saanado hub ah iyo rasaas farabadan sidoo kale wuxuu bixiyay macluumaad muhiim ah oo ku aadan qorshayaasha ay Itoobiya ugu talagashay dagaalka Gedo.


Bohol weyn iyo godad ku yaal hareeraha Tuulo Barwaaqo iyo agagaarka Carra Case ayaa lagasoo faagay qoryo gacmeedyo farabadan iyo rasaas ay ku aasteen Maleeshiyaadka Garbahaarey ku sugan.

Sida muuqata hubkan lasoo faagay ayay maleeshiyaadku doonayeen in ay ku dagaalamaan marka xaalku ku xumaado maadaama ay wadada isku xirta Garbahaarey iyo Beled xaawo halis noqontay balse Alle ayaa fashiliyay qorshahoodii.


Ciidamada Mujaahidiinta oo wata gaadiidka dagaalka iyo gaadiid xamuul ah ayaa soo daldalay wixii hub ahaa ee cadawga ku aasteen dhulka baadiyaha ah, maalin ka hor ayay mujaahidiin heleen hub kale oo ay banaanka soo dhigeen daadka Roobka.

Duulaanka ay maleeshiyaadka Itoobiya raacsan soo qaadeen kuma khasaarin mujaahidiinta waxayna ka heleen hub qaali ah iyo rasaas farabadan oo muddo sanada ah lagula dagaalami karo cadawga.

AmiirNuur Media,Baardheere Gedo

Amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...