Jabuuti (RBC) Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa shaaca ka qaaday in ururka Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro ka dhaca gudaha Somaliland iyagoo taasi uga jeeda sida uu sheegay geerida hogaamiyaha Al-Qaacida. Wasiirka oo ka qeybgalayey xaflada caleemo saarka saddexaad ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha ay dhibaatadu ka soo gaartey Al-Shabaab isagoo sheegay in dawlada Somaliland ay adkeyneyso amaankeeda.
Maxamed C/laahi Cumar ayaa xusay in sanadkii 2008 weeraradii qaraxyada ahaa ee ka dhacay magaalada Hargeysa ay ka dambeysay Xarakada Al-Shabaab oo ku xiran Shabakada Al-Qaacida taasoo uu ku tilmaamay inay muujineyso sida Somaliland uga soo horjeedo waxa la yiraahdo ‘argagixisanimada’.
Dhanka kale wuxuu wasiirku eedeeyey ururka SSC ee degaanka Sool, Sanag iyo Ceyn oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka yihiin falalka aman dari ee gudaha ka dhaca gaar ahaan falalkii ka dhacay magaa;lada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Hadalka wsiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ku soo beegmay iyadoo guud ahan amaanka meelo badan oo caalamka ah la adkeynayo sababo la xiriira baqdinta laga qabo ururka Al-Qaacida oo Mareykanku sheegay in hogaamiyahoodii Osama Bin Ladin ay ku dileen wadanka Pakistan 2-dii bishan May.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan taageeray dilka Osama bin Ladin.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment