Monday 23 May 2011

Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo gubay Taangi ay lahaayeen Gaalada AMISOM ee ku soo duushay Soomaaliya.


Iska hor imaad kooban oo dhexmaray Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo Gaalada Saliibiyiinta ah ayaa waxaa u suura gashay Mujaahidiinta Soomaaliyeed inay Gubaan Taangi ay lahaayeen Ciidamada Saliibiyiinta ee Duulaanka ku yimid Soomaaliya.

Taangigaan ayaa la sheegay in uu xalay ku dhacay dabin ay dhigeen Mujaahidiintu kadibna dagaalkii saaka ay Mujaahidiinta Soomaaliyeed la helaan Madfac, kaas oo sababay in Taangiga uu isku daray Uuro iyo Olal.

Taangigaan ayay Mujaahidiintu ku gubeen inta u dhaxaysay Howlwadaag iyo Sayidka , Warbaahinta Islaamiga ah ayaa ku howlan sidii ay Sawiro uga soo qaadi lahayd Taangiga laga gubay cadowga walow ay arintaasi adkaan karto.

Warbaahinta Cadowga ayaa dagaalkii markii ay ku jabeen bilaabay in ay dacaayaad raqiis ah ku faafiyaan Warbaahinta u abaabulan Gaalo Jacaylka iyaga oo sheeganaya inay horumar sameeyeen taasoo ah mid aad xaqiiqada uga fog .

Xaqiiqada reer Muqdisho ay ka dharagsan yihiin ayaa ah in  isku dayagii Cadogu uu ku dhamaaday Fashil iyo ayagoo afka Ciida loo daray Bakhti badan iyo dhaawacna ka soo jiidanayaa furimaha Dagaalka.

Waxaa kaloo Sugnaasho iyo Alle ku xirnaasho muujiyay Geesiyaasha Towxiidka oo aaminsan in guusha uu Allaah bixiyo ,ciribta danbana ay leeyihiin kuwii Allaah ka cabsada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...