Sunday 8 May 2011

Rabshado Maanta Ka Dhacay Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool

Laascaanood (RBC Radio):- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa ku soo waramaya in maanta degmada Laascaanood ay ka dhaceen rabshado ka dhashay macalim ay xireen ciidamada Maamulka Soomaaliland ee Laascaanood ku sugan.
Ardey careysan ayaa la sheegay in ay ku banaanbaxeen xarumaha maamulka Soomaaliland uu ku leeyahay degmada Laascaanood, ardeydaasi oo ka careysnaa xarig iyo jirdil ay ciidamada Soomaaliland u geysteen Macalim Maxamed Xasan oo ka mid ahaa barayaasha Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood.
Ciidamada Soomaaliland ayaa la sheegayaa in ay xabsiga magaalada Laascaanood dhigeen ardey farabadan oo ku banaanbaxday xarumaha maamulka, waxaana la sheegay in ciidamadu ay weli gacanta ku hayaan ardeydaasi isla markaana ay u diideen in waalidiintu soo booqdaan dhalinyarada la xir xiray.
Mid ka mid ah Waxgaradka magaalada Laascaanood ayaa sheegay in ardeydu ay ka careysnaayeen macalimka la xiray, wuxuuna intaa ku daray in Macalim Maxamed Xasan uu yahay shaqsi nadiif ah oo in badan la noolaa bulshada Laascaanood, isla markaana aysan suurtagal ahayn waxa maamulka Soomaaliland ay uga shakisan yihiin.
“Macalimka waxaa soo qafaalay ciidamada Nabadsugida Soomaaliland, markii ay soo qafaalayeen waxay sidoo kale handadaad ku sameeyeen macalimiin iyo ardey iskuulka ku sugnayd, annagu inta aan ka naqaan Macalim Xasan waa nin dhowrsan oo hagaagsan, waxa loo xirtayna waa khalad” ayuu yiri Oday ku hadlayey magaca Waalidiinta ubadkoodu dhigtaan Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood.
Xaalada Magaalada Laascaanood ayaa haatan ka duwan sidii maanta duhurkii ay ahayd, waxaana ciidamada Booliska Soomaaliland ee halkaasi ku sugan ay ka baqdin qabaan in rabshado kale ay magaalada gudaheeda ka dhacaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...