Thursday 19 May 2011

SOMALILAND…QABIIL QARAN MA NOQDO.

SOMALILAND…QABIIL QARAN MA NOQDO.
W/diyaariyay Qoraa Sare : Cali Cabdi Cali “Suxeyfa”
Email: asuheifa@hotmail.com
Mogadishu-Somalia
Somaliland magac ahaan marka loo sharxo waa “dhulka Soomaaliya”, waxaa ay ku taalaa cirifka waqooyi galbeed ee Soomaaliya, waxaana horey u gumeysan jiray Boqortooyadii England,dhulkaasi waxaa ugu caansan Magaalada Hargeysa oo ah Caasimadda Labaad ee dalka Soomaaliya oo uu dhisay Sheekh Madar, waxaana Code-keeda Teleefoonku uu yahay (252-“2”) maadaama ay tahay caasimadda labaad , waxa ayna qaadatay nambarka “2” , halka caasimadda koowaad oo ah Muqdisho ay ka qaadatay Code number-ka (252-“1”).
Magaalooyinka Hargeisa, Burco iyo degmooyinka kale ee ku xeeran malahan wax soo saar gudaha ah , lagama helo wax beero ah , sababo lagu sheegay roob yarida deegaankasi ka jirta iyo dhulkoo dhagax ah oo aad u ooman oo aanu marin wax webi ah am il-biyood intaba , dadka halkaasi ku nool oo tiradooda lagu sheegay sanadkii hore ee 2010-ka  800,000 ruux oo u badan hal qabiil , ayaa waxa ay noloshooda ku tiirsan tahay dhaqaalaha qoysaskooda qurba-jooga ku ah wadamada Yurub iyo Mareykanka ay u soo diraan bil waliba , si ay ugu maareeyaan baahida nolosha.
Dhulka deegaanada loo yaqaan “Somaliland” waa mid aad uga yar dhulka uu ku fadhiyo Maamul goboleedka “Puntland” oo ah dhul aad u balaaran iyo xeeb dheer , hadaba Somaliland waxa ay sheegatay inay Soomaaliya ka go’day 18-kii Mey sanadkii 1991-kii oo aheyd muddo afar bilood ka dib qaran- burburkii Soomaaliya , inkastoo ay deegaanadaasi ay ka hergeliyeen nabad ,deganaansho iyo nidaam jaceyl , hadana ma suurta-galeyso inay rumowdo riyada ay ku naaloonayaan ee ah inay noqdaan dowlad gaar ah , waayo hal qabiil qaran ma noqdo , waxaase loo baahan yahay in la helo qowmiyado kala isir duwan iyo duruuf cad oo qeexi kara in dowlad gaar ah ay noqdaan.
Qormadan inaan qoro ayaa waxaan ku dhiiraday kadib markii nin aan saaxiib nahay teleefoon laga soo wacay Hargeysa ,telfoonkaasina uu soo diray nin ay ka wada shaqeyn jireen Wasaaradda Beeraha dowladii hore ee Milatariga ee Soomaaliya ,kuna wargeliyay in uu ka lumay Document-gii cadeynayay lahaanshaha dhul beereed uu ku leeyahay agagaarka Degmada Jamaame ee gobolka J/hoose , ayna ahmiyad weyn ugu fadhido in Muqdisho looga soo sameeyo document la mid ah midkii hore ee ka lumay , isagoo sheegay in gooni isku taagga Somaliland uu yahay halkudhig ay siyaasiyiinta ku seexiyaan caruurta iyo jiilka cusub ee hadda soo koray , isagoo cadeeyay in hadii gobolada koonfureed ay nabadooda dib u soo laabato ,laga soo kala guuri doono Hargeysa , loona soo kala carari doono kheyraadka koonfurta Soomaaliya , halkaasina ay  ku baabi’i doonto iskudayada lagu doonayo in Somaliland ay ku noqoto dowlad gaar ka ah Soomaaliya.
Somaliland, waxaa u banaan oo u furan inay noqoto ayaa ah dowlad goboleed la mid ah Puntland State , hayeeshee ujeedka ay hadda u qeylo dhaamineyso ay tahay mid aad u adag sababo badan oo jira awgood.
Hargeysa hilibka laga cuno waa ariga iyo geela looga keeno koonfurta Soomaaliya , waxaana ay adeegsadaan khudrada noocyadeeda kala duwan ee lagu beero gobolada Sh/hoose, /Sh/dhexe iyo Hiiraan oo gawaari xamuul ah loogu qaado.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...