Monday 2 May 2011

Warar dheeraad ah dagaalo lagu riiqmay oo saacado badan ka dhacay maanta Garbahaarey (in ka badan 50-ku dhimatay)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo wax ka badan 8-saacadood ka soconayay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, iyadoo dagaalkaas uu ahaa kii ugu qaraaraa, oo gacmaha ay isula tageen dhinacyadii ku dagaalamay halkaas, waxaana dagaalka uu soo gaaray galabta casir liiqii.

Dagaalka oo ahaa mid qorsheysnaa, isla markaana Shabaab ay goobo dhowr ah ka weerareen ayaa waxaa uu bilowday abaarihii 6-dii subaxnimo, kaasoo ilaa galabnimadii soo gaaray, iyadoo qasaaraha dagaalka uu ahaa mid aad u fara badan oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 50-ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamayay, waxaana la soo warinayaa in gudaha iyo daafaha degmada lagu arkay meydad fara badan oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa.

Saraakiil u hadashay Dowladda KMG ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaba gaboobay galabta, si buuxdana u xaqiijisteen degmada Garbahaarey oo ay gudaha mar la isla soo galay dagaalkii ay ku soo qaadeen Shabaab.

Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga C/rashiid Xidig ayaa sheegay in dagaalkaas aanay u kala harin Hogaamiyeyaasha Shabaab, isagoo soo qaatay in dagaalka ay ku jireen Saraakiisha kala ah Abuu Mansuur, Xasan Dahir iyo Fu'aad Shongole.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xusay in dagaalka ay ku qabteen dagaalyahano, isla markaana Meydadka ay hayaan ay ku jiraan ragg caan ah oo isugu jira Ajaaniib iyo Soomaali sida uu sheegtay.

Ma jirto ilaa iyo hada war ka madax banaan sheegashada Mas'uuliyiinta Dowladda KMG ee ku aadan dagaalkaas, sidoo kale mana jirto Saraakiisha Alshabaab oo si rasmi uga hadlay dagaalada cuslaa ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Xaalada degmada Garbahaarey ayaa caawa degan, waxaana wararku sheegayaan in magaalada ay isaga barakaceen dadkii ku dhaqnaa, waxaana jira qasaaro soo gaaray dad rayid ah, iyadoo dagaalka uu si rasmi saameyn ugu yeeshay degmada oo idil oo ay ku gubteen guryo fara badan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...