Monday 2 May 2011

Kulankii Golaha Wasiirada oo ay ka soo baxeen xaalada deg deg ah muddo hal bil ah kadib dilkii Usama Bin Laden

Kulan looga hadlayay Ammaanka oo ay maanta ku yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah, iyadoo kulanka oo ahaa mid deg deg ah oo yimid kadib dilkii Hogaamiyihii Ururweynaha Al-Qaacida Usama Bin Laden.

Inkastoo kulanka Golaha Wasiirada aanu wax faah faahin ah rasmi ah ka soo bixin, ayaa hadana waxay Golaha si cad ugu qeexeen adkeynta xaaladaha ammaanka, iyo suura galnimada inay dhici karaan weeraro loogu aar-gudi dilka Usama Bin Laden.

Golaha Wasiirada ayaa go'aamiyay xaalad deg deg ah muddo hal bil ah, kaas oo ku wajahn feejignaan sare oo dhinaca ammaanka, sida ay sheegayaan wararka lagu kalsoonaan karo oo aanu ka heleyno ilo ku dhow dhow Golaha Wasiirada.

Sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada waxaa ka horeeyay kulan gaar ah oo dhex maray Gudiga Amniga Qaranka, oo isugu jiray laamaha Hey'adaha Amaanka, Madaxweynaha iyo Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhiga.

Xarakada Alshabaab oo dagaal kula jirta Dowladda KMG iyo AMISOM ayaa horay u qaaday weeraro ismiidaamin ah oo ay ku bartilmaameedsadeen, iyadoo horay Shabaabka u cadeeyeen inay taageersan yihiin Usama Bin Laden.

Kulankan deg degta ah oo ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada iyo Gudiga Ammaanka qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli howl gal ay fuliyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay ku dileen Usama Bin Laden.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...