Sargaal magaciisa ku soo koobay Sheekh Isaaq o saxaafada la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dagaalka maanta ka dhacay gobalka Gado in ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab kuwaasi oo uu ka mid ahaa Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Adan Shangole.
Masuulkaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka ay ku dileen saraakiil Ajnabi ah kuwaasi oo u dhashay wadanka Kenya isla markaana ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab.
Sheekh Isaaq ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in arintaasi ay tahay mid cad isla markaana la hubo in saraakiishaasi ay dhinteen oo ay dagaalada ay ku dileen.
Marka laga soot ago hadalka saraakiisha Ahlu Suna Waljamaaca ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soobaxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan in laga dilay saraakiishaasi.
Sidoo kale marto ilo madax banaan oo muujinaya in ay dagaalada maanta ay ku dhinteen saraakiisha uu ka mid yahay Sheekh Fu’aad Shangole.
No comments:
Post a Comment