Monday 6 June 2011

Geeddi Ow-Hilowle "Ficilada ay la soo baxeen AMISOM ayaan xamili la'nahay, Labo aroos, Oday iyo islaantiis ayay dileen"

Xildhibaan Maxamuud Geeddi Ow-Hilowle oo ka mid ahaa Xildhibaan maanta shir jaraa'id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa qeyl dhaan xoog leh ka muujiyay duqeymaha cusub ee ay habeenadan bilaabeen Ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in taas ay xamili waayeen.

Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ugu sheegay in ogaadeen in inta lagu mashquulsan yahay khilaafka Madaxda Dowladda ay bilaabatay dhibaato taas ka culus, kaasoo uu tibaaxay in Ciidamada AMISOM ay la soo baxeen ficilo cusub oo madaafiic madaafiic naxariis daro ay ugu garaacayaan goobaha shacabka.

"Ficilada ay beryahan la soo baxeen Ciidamada AMISOM ayaan xamili la'nahay, habeenadan madaafiic ayay ku miraan shacabka masaakiinta, waxaa lagu dilay Labo aroos ah, Oday iyo islaantiis"ayuu yiri Xildhibaan Ow-Hilowle.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay in Ciidamada AMISOM ay la yimaadaan istiraatiijiyad ka duwan tan hada ay ku socdaan, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in meelo ka baxsan goobaha lagu dagaalamayo ay duqeeyaan.


"Waxaan diidanahay in dadka masaakiinta ee aan Xildhibaanka u nahay ayay dhibaatada ku socotaa, Ciidamada AMISOM waxaan weydiisaneynaa inay la yimaadaan istiraatiijiyad ka duwan, Madaafiicda ay ku mirayaan umada masaakiinta, cida xamar kala hor timaado ha iska dhiciyaan, duqeynta haka joojiyaan"ayuu yiri Xildhibaanka oo intaa ku daray meelaha dhibaatada ku socoto ay tahay deegaanadii isaga laga soo dooran lahaa.

Waxaa uu sheegay inay aad u dhibeyso in dadka markii ay habeenka seexdaan lagu duqeeyo guryahooda, waxaana uu ugu baaqay Ciidamada AMISOM inay ka joojiyaan shacabka, isagoo u jeediyay hadii cid kula dagaalameyso aagaga hore ay iska dhiciyaan, balse aanay aheyn inay meelo fog fog ay beegsadaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalka ka soo yeeray Xildhibaanka ayaa imaaneysa xilli duqeymo culus ay habeenadii la soo dhaafay ku garaacayeen qeybaha Muqdisho ee ka fog aagaga dagaalka, iyadoo Ciidamada ay Madaafiicda BM-ka ay ku mirayeen xaafadaha degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan iyo Huriwaa, kuwaasoo dad fara badan ay ku dhinteen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...