Monday 6 June 2011

Goday & Jigjigana waxa lagu Qabanayaa Mu’tamar Islaami ah; Gaarisana Mu’aamaro lagu dhibayo Culumada, Odayaasha, ONLF, iyo Salafiyiinta! Dhageyso Ibraahim-dheere oo BBC-da ka Eedeynaya sheekh Xassaan & Admiral Maxamed.


Somalimidnimo.com:- Burburkii Soomaaliya kaddib; Gaarisa waxay ahayd magaalooyinka cadowgu heystay ee helay fursad dacwo iyo mid ganacsi. Intaan la gaarin bartamihii sagaashanaadkiiba waxay Gaarisa noqotay magaalo camiran oo qof walbaa arki karo. Waqtigaas kaddib waxay sii gashay cirka oo dacwo iyo ganacsi ahaanba waa bulaashay.
Iyadoo xaaladda waddanku halkaas marayso baa waxaa cirka ka soo dhacay niman Ibraahim-dheere ka mid yahay oo dadkii ku riday hiyi-kac iyo in loo noqdo Soomaali Galbeed; la joojiyo Jihaadka; lana heshiiyo Tigreega.
Cidi uma diidana haddii Jigjiga laga dhigayo sida Gaarisa oo kale laakiin qof kasta waa ogyahay in cadowga Tigreegu ay cadaawaddiisu gaamurtay; macquulna aysan ahayn inuu dadka siiyo fursado dacwo iyo ganacsi.
Asbuucyo ka hor waxaa Ibraahim-dheere sheegay in la gaari doono barwaaqo iyo baraare markuu la heshiinaye Tigreega laakiin hadda Tigreegii waxay bilaabeen in dadkii hoos joogay ay cadaadis xun saaraan dhowaanahaan. Baabuurtii dadkii Soomaalida ahaa ee Itoobiya inay u dhasheen sheegan jiray baa loo diiday in lagu dhex wato dhulkay naga heysato. Waxaa ciriiri la gashay in raashin iyo alaabo la geyso xitaa dhulkii aan la dagaalin Tigreega sida Gallaaddi, Bookh, Dudub, Buuhoodle, Wanaagsan, Docmo iyo meelo kale! Hadda waxaa Tigreegu tuseen gumeysi xun oon horay u jirin.
Ibraahim-dheeraha sheeganaya inuu la heshiiyey cadowgii koowaad ee Soomaalida; wuxuu cadow ka dhigtay ehelkiisa! Wuxuu BBC-da ka eedeeyey sheekh Xassaan Xuseen iyo admiraal Maxamed Cumar Cismaan! Haddiiba Ibraahim eedeeyey raggaas; ma idin la tahay inuu cafinayo niman qabiil kale ah?
Waxaa isna cirka ka soo dhacay Axmed-madoobe! Meesha Maqtal iyo  xitaa dumar weli u xiran yihiin Tigreega; waxaa la soo daayey Axmed-madoobe oo loo heystay inuu ku martabad yahay Abu Zubeyr, Abu Mansuur, iyo Fu’aad oo kale oo haddii ay cadow u gacan galaan aan dib dambe loo arkayn! Waxaa la arkay ninkii oo ka bixi la’ huteello ku yaal Addis Ababa! Shoow ninku sida Shariif sheekh Axmed buu jaasuus ahaa! Ma war baa ka nool!
Hadda wuxuu bilaabay inuu dab gasho Jubbooyinka iyo dhulka Kenya naga heysato. Shacabka halkaas ku dhaqan oo sanado dhowr ah ku naalloonayey nabad iyo is-dhexmar buu sidii shimbirtii meeshii ehelkiis dego dab gashay! Hadda waxay doofaarka kala goostaan niman Kenya u dhashay iyo maryocalas lagu soo tabo baray Siyoolow.
Daashashka Dhoobley ku yaal waxaa mid kasta ka soo jeeda mid sidiisa oo kale u guban oo jaad taqsiisan ooy u daaran tahay hees liilaloow ah! Markii qaar ka mid ah shacabka magaalada iyo weli kuwa isaga la socda dhaheen: war waxaan nolol ma ahee aan ka qabanno nimanka akhlaaq xumadaas magaalada keenay oo gabdha waxaa la ag fadhiya? Wuxuu Axmed-madoobe ku jawaabay intaan isku dhici lahayn mooryaantaas waxaa  fiican in indhaha laga laabto! Waxaysan ogayn in nin riddo ku jira aysan waxaas munkar la ahayn marka waa hadal siyaasadeed!
Waxaa cirka ka soo dhacay isna cilmaani prof. Gaandi oon diin iyo dhaqankii Soomaalidaba ka raadgatay. Isagoo cabbeysan oo Faransiis iyo reer Galbeed soo buuxiyeen buu na soo galay! Hadda waxay maraysaa in odayaashii adduun-raadiska ahaa ee lahaa waxaan ka soo cararnnay Shabaab; in lagu jir dilo oo lagu bahdilo Gaarisa dhexdeeda! Odayaasha waxaa loo kulmiyey dumar, carruurtii, iyo dhallinyaro wax-ma-garad ah oo la yiri uleeya oo dhagxeeya! Yaa u maciinaya odayaasha Gaandi iyo Ibraahim-dheere ku xumeeyeen Gaaris dhexdeeda?
Ibraahim-dheere waa tuu toddobaadyo ka hor shiriyey wadaaddo Nairobi jooga dabadeedna halkaas dadka wax uga akhriyey iyagoo ku boorriyey in Soomaali Galbeed la aado! Waxaa halkaas lagu dhisay guddi lagu sheegay jaaliyadda Soomaali Galbeed ee Kenya deggen.
Saan horay u sheegnnay hadda Tigreegii waxay bilaabeen in ganacsata deggen Kenya loo rabo Addis Ababa iyo Jigjiga! Waxaa la saadaaliyey in qalalaasaha ka jira dhulka Kenya naga heysato iyo magaalooyinka Nairobi iyo meelo kale ay Tigreegu ka dambeyso. Yaa shaki kaga jiraa in niman ONLF ah ee lagu dilo xerooyinka qaxootiga ay ka dambeeyaan Tigreegu? Soow intii Ibraahim-dheere is dhiibay waxaas ma dhicin?

Sirta Zenawi oo Muxaadarooyin wadaaddo ku Dagaya Shacabka Soomaaliyeed

Zenawi waa nin Soomaali joogay oo akhrista diinta Islaamka. Qabiilkiisu Muslim badan bay leeyihiin inkastoo intooda badan qabiilkoodu wax kasta kala weyn yahay. Marka Zenawi wuxuu diinta Islaamka u isticmaalayaa si kale. Waxaad mooddaa in sida Siiradu u xusto in markii heshiiskii Xudeybiya markii Qureysh soo dirtay Budeyl waa tii Nabigu (SCW) lahaa waa dad weyneeya Shacaa’irta Xajkee, ka hor geeya xoolaha Xajka loo wado sida budanada, idinkuna Talbiyeysta (LABEYKALLAAHU MA LABEYKA). Budeyl markuu arkay warba ma sugini inta Qureysh ku noqday buu yiri: war dad saas ah oo Beytka Ilaahay u socda ha hor istaagina ee ka beyra!
Hadda Mu’tamarada Jigjiga looga dhawaaqay wuxuu ka dhigan yihiin in la tuso in Tigreegu sida Kenya oo kale dadkii fasaxeen oo Dacwada xor tahay! Wuxuu rabaa in maangaabka laabta loo gasho arrinta ah: marba haddii Jigjiga ay ka muxaadareyn karaan wadaaddo “Salafiyiin” ah maxaad mooddaa ganacsi? Waxay rabaan inay arrintaas qabuul uga helaan shacabka Soomaaliyeed oo diin jecel hadday helaan ducaad fiican.
Hadda shirka berri oo Juun tahay 7 loo ballansan yahay waxaa la sheegayaa in wadaaddada waaweyn qaar diideen. Qaar labaclabac baa ku jirta oo arrintoodu meel uma dhicin. Kuwii bilo ka hor halkaas tagay haddee iyagu waxay xeerinayaan ma jirto oo waa la filayaa inay halkaas tagaan.
Marka nimankaan is lahayn Dacwo Islaam iyo ganacsi bay soo wadaan, sidoo kalana waxay wax la qeybsanayaan Tigree baa hadda nagu soo guryo noqday. Waa sida loo dhaho:

اصبر على حسد الحسود         فان صبرك قاتله

كالنار تأكل بعضها                ان لم تجد ما تأكله

Ku samir xaasidnimada xaasidka; runtii sabirkaagaa dilaya. Waa sidii dabka oo kale oo qaarba qaar cuno hadday weydo waxay cunto! Waa runoo haddii dab la shido oo wax la saari waayo soow dabku iskama baaba’ayo oo qoryaha ama dhuxusha ma dhammaaneyso? Marka kollay dad badan bay maranayaan laakiin haddii la iska aruuriyo iyagaa iska maranaya markay sida xaabada u dhammaadaan. Laakiin waxaan ka baqaynno waa shacabka Soomaaliyeed oo makas u badan oo caleemo qallalan oo kale noqday marka iyaga  iyo dab maxaa iskaga daran?!  Marka Ilaahay ha gargaaro Islaamka iyo muslimiinta.
Horaa loo yiri qofkii tuke ka dhigta hogaamiye wuxuu dul geyn raq iyo bakhti! Xaggee Gaandi, Ibraahim-dheere, iyo Axmed-madoobe na geeyeen? Soow ma keenin madaafiic ku socota Dhoobley, dilal iyo jirdila ka socda Gaarisa & xeryaha qaxootiga iyo Ibraahim-dheere  oo cadow ka dhigtay sheekh Xassaan Xuseen, admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo ehelkiis; inta ka saaxiib la noqday Gabre iyo Zenawi. Marka addoomaha Ilaahayoow baraaruga.
Marka haddii Ilaah nafta noo daayo waan arki doonnaa halkuu ku dambeeyo Mu’tamarka berri oo Talaado ah la leeyahay wuxuu ka furmi doonaa Jigjiga! Yaa wadaaddo ah oo tagaya? Laakiin hadda waxaa Mu’aamaraad (shirqoollo) ka socdaan Gaarisa! Marka mar horaba nimankaas dhibkaas baan ka aragnnay. Hoos ka dhageyso waraysigii BBC-du la yeelatay Ibraahim-dheere.

Halkan ka dhageyso Ibraahim-dheere oo inta Zenawi la heshiiyey eedeynaya culumada waaweyn ee Soomaaliyeed iyo admiraal Maxamed Cismaan Cumar.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...