Tuesday 4 October 2011

Labo Muuqaal oo aad u kala Duwan Saacad Gudaheed!! (Daawo)


Labo Muuqaal oo aad u kala Duwan Saacad Gudaheed!! (Daawo)

 
Share
Wiil dhalinyaro ah oo qaraxii maanta ku dhaawacmay oo jiifa isbitaalka Banaadir
Muqdisho (RBC) Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdo naxdin iyo murugo ku reebtay dadka Soomaaliyeed guud ahaan isla markaana taariikh madow lagu fasiri karo!!!!.  Waxayna maanta dadweynaha u bixiyeen SHAAMO 2.
Qarax naxariis darro ah oo ay ku naf waayeen 75 ruux ugu yaraan 150 kalana ku dhaawacmeen kaasoo masuuliyadiisu ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa barqanimadii maanta ka dhacay iridka hore ee xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha oo ay degan yihiin siddeed wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda KMG Soomaaliya.
Haddaba bal aan dib u fiirinayo muuqaaladii xarunta ka hor qaraxa iyo markii uu qaraxu dhacay ka dib ee ay soo qaadeen wariyaashii gaaray goobta.
MUUQAALADA HORE WAA KA HOR QARAXA IYO SIDA DHISMUHU AHAA!
Sawirkan waa albaabka laga galo xafiisyada wasaaradaha oo ay taagan yihiin qaar ka mid ah arday galaysan imtixaano ay qaadaysay wasaarada waxbarashada

Halkani waa qeybta ay degan tahay wasaaradda ganacsiga oo ka mid ah isla xaruntan

Halkani waa qeybta baabuurta la dhigto ee gudaha xarunta ay degan yihiin wasaaraduhu

Waa arday fiirsaneysa magacyadooda oo la soo saaray kuna guuleystay deeqo waxbarasho oo dibadda ah
SIDEE GOOBTA ISU BEDESHAY QARAXA KA DIB!!
Qaraxa oo sababay in dab uu qabsado guryihii iyo baabuurtii dad badana laayey

Muuqaalka dhismihii oo sidan isu bedelay qaraxa kadib

Ardaydii magacyadooda liiska ka baareysay oo meydad ah

Qaar ka mid ah arday saf ku jirtay bannaanka oo dhulka daadsan iyagoo meydad ah

Dhismihii dabaqa ah ee wasaaruduhu deganaayeen oo dhulka la sinmay!!! YAAB

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...