Madaxtooyada DKMG oo Goor Dhow Beenisay in Nin Kenyan ah uu Fuliyey Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho (War-Saxaafadeed)

War saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ah nasoo gaaray ayaa u qornaa sidan:
War SaxaafadeedMadaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay haybta qofkii is-qarxiyay
(Muqdisho, 4 Oktoobar 2011) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijineysa in Asad Cabdi Saciid uu ka mid ahaa ardeydii dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ku sugeysay natiijadii imtixaankii laga qaaday, mana ku lug lahayn howlo argagixiso.Asad wuxuu ka mid ahaa ardeydii imtixaanka ku gashay Safaaradda Soomaaliya ee Nayroobi, wuxuuna dalka u yimid arrinta ku saabsan waxbarashadiisa.Mudane Asad wuxuu naftiisa ka mid yahay dhibbanayaasha wax ku noqday weerarkii bahalnimada ahaa, waxaana haatan lagu daaweynayaa isbitaal ku yaalla Muqdisho.Haybta dadkii isqarxiyay waxaa lagu dhawaaqi doonaa marka ay soo gabagaboobaan baaritaannada socda.Waxaan ka xunnahay khaladkaas dhacay.DHAMMAAD
No comments:
Post a Comment