Socdaal aan dhawaan ku tegay Bay iyo Bakool ayaan kusoo arkay waxyaabo ay indhaheygu ku qaboowsadaan, shacabka Bay iyo Bakool waxay u muuqdaan kuwa ka faa'iideysanayaan Kheyraadka Alle siiyay.
Waxgaradka Bay iyo Bakool ayaa ii sheegay in sanadkan Roobka da'ay uu yahay mid aad uga badan roobabkii horay uga da'i jiray dalka Soomaaliya.
Reer Bay iyo Bakool oo wax ku qaatay dhibaatadii sanadkii lasoo dhaafay dhacday ayaa ka tanaasulay in ay beertaan dalagyada aan faa'iidada u lahayn shacabka xiliga xaalada xumaato.
Dhaqaala-yaqaano ayaa shacabka kula taliyay in ay beertaan dalagga keydka gala sida Galeyda, Mesegad iyo Digirta, Sanadkan waxaa lajoojiyay beeridda Sisinta iyo Liinta oo larumeysan yahay in ay hoos u dhigaan dhaqaalaha beeraleyda marka xaalad abaar ah lagalo.
No comments:
Post a Comment