Friday 9 December 2011

Maxaa ka Khaldanaa Soo Dhoweyntii Ban-Ki Moon uu Ku Yimid Muqdisho (Sheeko Xiiso Badan)


Share
Bani-Ki Moon oo jaagada rasaasta celisa loo xiray oo dhinac taagan raysul wasaare Gaas
Muqdisho (RBC) Iyadoo masuuliyiinta DKMG min xafiiska raysul wasaarah illaa hay’adaha amaanka ay si weyn ugu diyaargaroobeen soo dhoweynta wafdiga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban-Ki Moon uu ku yimd maanta caasimada ayaa haddana waxaa jira dhacdooyin layaab leh oo wariyaashii joogay garoonka ay la kulmeen.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan oo diyaaradii siday wafdiga Ban-Ki Moon ay ka soo degtay ayaa waxaa ku sugnaa raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas, wasiiro ka tirsan xukuumadda, gudoomiyaha gobolka Banaadir, saraakiisha ugu sareysa ciidamada. kooxaha muusikada ee Bambeyda iyo haween kuwaasoo dhamaantood u diyaarsanaa soo dhoweynta wafdiga heerka sare ee garoonka ka soo degaya.
Diyaargarowga Dawladu sameysay
Xukuumada ayaa dadaal weyn ku bixisay soo dhoweynta wafdiga. Waxaa saaka aroortii la xiray waddoyinka muhimka ee caasimada iyo gaadiidkii iyo xitaa dadkii lugeynayey loo diiday inay jidadka muhimka isticmaalaan amaanka dartiis.
Muqdisho waxay saaka u ekeyd sida meel uu damaashaad caalami ah ka dhacayo sida loo adkeeyey amniga oo dhaqdhaqaaqii dadka caadiga ah xitaa la xanibay.
Wasaaradda arimaha gudaha oo nidaam ahaan masuul ka ah amniga iyo kala dambeynta ayaa garoonka iyo hareerahiisa geysay ciidamo boolis ah. Sidoo kalana waxaa garoonka lagu diyaariyey kooxda muusikada oo ay taageerayaan haweenka ALALAASKA DHEER ee sida weyn uga qeybqaata qaabilaada wufuuda caalamiga ah.
Jahwareerkii dhacay markii diyaaradii Ban-ki Moon timid:
Diyaaradii keentay Ban-ki Moon oo taagaan meel geeska ah Garoonka
Iyadoo nidaamku uu ahaa mid wanaagsan oo wax kasta ay caadi yihiin subixii hore ayaa markii diyaaradii siday Xoghaye Ban-Ki Moon ay soo cagadhigatay waxaa markaliya isku dhex yaacay habkii wax u socdeen, taasoo loo aaneynayo inay masuuliyadeeda lahaayeen qolyaha amaanka u qaabilsan UN-ka oo iyagu la socday diyaarada.
Dadkii garoonka joogay oo ay wariyaasha iyo masuuliyiinta dawlada ku jireen waxay filayeen in diyaarad UN-ka calaamadiisa wadata ay keeni doonto wafdiga, hase yeeshee taasi ma dhicin. Abaare 9:30 ayaa mar qura waxaa la arkay iyadoo diyaarad nooca caadiga ah ay keentay wafdiga. Markii diyaaradu timidna qoladii amniga u qaabilsaneyd UN-ka ee wafdiga la socday waxay diyaarada geeyeen baabuur nooca aysan rasaastu ka dusin oo muraayado madow- halkii wafdiga ay ka iman lahaayeen goobta VIP-da garonka oo weli raysul wasaaruhu taagan yahay!.
Kooxdii Bambeyda oo garoonka lagu diyaariyey
Markay arintu halkaa mareyso oo masuuliyiintii DKMG ogaadeen in Ban-Ki Moon garoonka dhexdiisa joogo isla markaana qolada amaanka ay rabaan inay deg deg ula cararaan ayaa waxaa arinta ka dhex booday wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud oo ka mid ah dadkii goobta joogay, wuxuuna wasiirku amar ku bixiyey in wafdiga UN-ka haddii aysan imaaneyn halka ay madaxda dawlada joogaan ee ay wasiiradoo dhan diyaarka ku yihiin in dawlada ay dib u celin doonto wafdiga.   Waxaa dhashay buuq mudo nus saac ah iyadoo markii dambe arinta uu soo dhexgalay Augustine Mahiga oo ah wakiilka UN-ka ee Soomaaliya oo laftiisa diyaarada saarnaa.
Ban-Ki Moon ayaa loo geliyey jaakada rasaasta celisa [bullet proof] iyadoo la arkayey raysul wasaaraha Soomaaliya oo dhar caadi ah sita oo dhinac taagan halka Ban-Ki Moon uu aamin ku qabi waayey garoonka gudihiisa- Arintaasi waxay markale caro ku beertay madaxdii meesha joogtay.
Wadada Makka al mukarama
Bani-Ki Moon ayaa loo dhaqaajiyey xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya isagoo saaran baabuur ciidamada AMISOM leeyihiin oo ah nooca gaashaaman, waxaana uu ka wareareegay inuu raaco baabuurta lancruser-ka ee ay saarnaayeen madaxda DKMG.
Waxaa xusid mudan in wadada isku xirta garoonka diyaaradaha illaa Makka al-mukarama oo tagta madaxtooyada ay xirneyd oo xalay ciidamo la sii dhigay halkaasoo labo milyan oo caasimada ku nool looga xayiray wafdiga shanta ruux ee maanta caasimada yimid- Kuuwaasoo caawana dib ugu laabtay Nairobi.
Waxaa isweydiin mudan ma Nairobi ayaa ka amni fiican Muqdisho?

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...