Wednesday 6 November 2013

DEG DEG:Shirkii arrimaha Jubbooyinka oo la soo gaba-gabeeyey iyo qoddobo ka soo baxay


Shirkii arriShirka oo la soo gaba gabeeyeymo Jubbooyinka oo xiritankiisa barri laga dhigay
Shirka oo la soo gaba gabeeyey
Muqdisho[RBC Radio]Waxaa goor dhaweed ku soo af-meermay xarunta Habar Khadiijo ee nabadsugidda Soomaaliya,shirkii looga hadlayey dibu heshiisinta dadka wadda degga Jubbooyinka iyo Gedo.
Shirkaan oo muddo saddex maalin ah socda ayaa xiri tankiisa lugu balan sanaa inuu dhaco galinkii danbe ee shalay balse waxaa la sheegay in ergooyin dhinaa maantay loo laalay inay dhacdo,waxaa la sheegay in xiligaan is af-garad buuxa laga gaaray arrimo ay ka wada-hadleen dhinacyadi lugu heshiisinayey.
Munaasabada xiri taanka shirka waxaa ka soo qeyb galy masuuliyin kala gadisan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo xubno kale oo iyagu madasha lugu casumay.
Xubnaha shirka uu qoseeyey ayaa iyagu sheegay inay wadda doonayan xal nabdeed oo ay kula laabtay goobihii ay ka yimaaden.
Qoddobo dhor ah oo laga soo saaray shirka ayaa waxaa si wada-jir ah u saxiixay xubno ay ka mid yihiin Iftiin Xasan Baasto,Cabdi Baaleey,Maxamed Amiin,Cabdi Shire,Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga dheere),C/casiis Sheekh Dayib.
Illaa hadda qoddobada la sheegay in lugu heshiiyey ee Raxanreeb soo gaaray,waxaa ka mid ah.
1-In la mideeyo ciidanka ku sugan duleedka Kismaayo iyo kuwa jooga Magaalada.
2-In la dhiso dhaqaalaha iyo horumarka Bulshada Jubbooyinka.
3-In la dhameystiro Maamulka Jubba, xilli ay udhan yihiin beelaha Jubbooyinka.
4-In deeganada Shabaab ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka laga saaro oo gacanta maamulka lasoo geliyo.
Dhammaan iyagu heshiiska wada gaaray ayaana mid mid u saxiisay qodobbada heshiiska, iyadoo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, waxa ay saxiixeen in ay goob joog ka ahaayeen heshiiska la wada gaaray.
Sidoo kale munaasabada waxaa hadal ka jeediyey masuuliyin kala gadisan oo uu ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh,balse wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Itoobiya, Tedros Adhanom oo hadal madasha ka jeediyey ayaa dhankiisa soo hadal qaadau in dowladda Itoobiya ay soo dhaweneyso natiijada shirweynaha ka soo baxday, isla markaana ay sii wadayaan garab istaagidda shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khubad ka jeediyey munaasabadda xiritankeeda ayaa isna soo hadal qaaday arrimo dhor ah oo ay ka mid yihiin in shacabka Jubbooyinka ay dowladdu ku taageeri donto waxa ay jecelyihiin.
Madaxweynuhu waxaa kalo uu sheegay in nabadda la gaaray ay leeyihiin shacabka Jubbooyinka ku nool, waxa uuna kula dardaarmay in colaad dambe aysan ka dhicin deegaannada Jubbooyinka, wixii horey u dhacayna la iska iloobo.
Ugu danbeentina madaxweyne Xassan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Ethiopia, Urur gobolleedka IGAD, Qaramada Midoobey iyo dhammaan wadamadii garab istaagay shirweynaha uga mahadceliyey taageeradooda, waxa uuna ku baaqay in natiijadanshirweynaha la taageero.
War-murtiyedka shirka oo dhameystiran
_________
Iimaan Maxamed Jaamac
Deegaan1994@gmail.com
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...