Idaacada Shabelle oo Maalintii 15aad u
xiran DF Soomaaliya
idaacada
Shabelle oo ah idaacad madax banaan oo Xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho ayaa
xiran Maalintii 15aad kadib markii Ciidamada Dawladda ay soo galeen xoogna ku
xireen idaacada Shabelle maalin Sabti ah oo ay Taariikhdu ku beegnayd 26 Oct
2013 iyadoo Shaqaalihii idaacadana la
xiray inkstoo maalintii maqribkii la sii daayey kuwaa oo tiradoodu ahayd 37
Wariye.
ma
jirto weli xal ah oo la gaaray iyadoo gebi ahaan ay maqan yihiin qalabkii idaacada
shabelle wana jirto wax war Rasmi ah oo ka soo baxay DF Soomaaliya.
Shabakadda
Warbaahinta Shabelle oo la aasaasay 6dii May 2002 ayaa ku soo shaqaysay
marxalado kala duwan una soo dhabar adaygtay tananina waxa ay ka mid noqonaysaa
marxalad Taariikhda gasha oo aan la iloobi doonin.
Idaacada
Shabelle ayaa la gudoonsiiyey Abaalmarinta Idaacada ugu fiican Caalamka
Sanadkii 2010 taasoo ay ku mutaysatay Dadaalkeedii shaqo ee idaacadeed, waxaana
waqti ay noqotaba la filayaa in dib ay hawada u soo laabato idaacada Shabelle
Xaafada Gubta oo koronto laan ka
jirtay iyo alshabaab oo amray in la damiyo (Tolow sababtu maxay tahay wax badan
ka ogow warbixintaan…
Waxaa
Labadaan Maalin Xaafadda Gubta oo ka tirsan Degmada Dayniile ee Magaalada
Muqdisho Ka Jirtay Koronto la,aan oo sababtay in Muddo Xaafadaas ahaato Xaafad
aan lahayn Koronto Kadib Markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al shabaab amar ku
bixiyeen in la damiyo matoor weyn oo xaafada gubta qeybo ka mid ah koronto
siinayay.
Sidoo
kale wararka waxay intaas ku darayaan in ciidamo ka tirsan al shabaab oo
hubaysan ay tagayn goob korontada bixiso oo ku taal Xafadda Gubta oo Kamid Ah
Xaafadaha ka Jira Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho waxay ku amreen
Shaqaalaha Shirkadda iney damiyaan matoorka oo aysan dib dambe u shidin .
Saacado
kadib ayaa ciidamo ka tirsan kuwo dowladda oo degaanka joogay soo gaaray Goobta
Matoorka yaalay waxayna Shaqaalaha ku amrayn in la shido matoorka laakin
hadalkaas Amarka ah waxaa ka madax adeegay Milkiilaha Shirkadda Kurantada
Bixisa ee ku taal Xaafada Gubta waxaana isla Goobta lagu xiray Milkiilihii.
Xiritaanka
Milkiilaha kadib ayaa shaqaalihi lagu amray inay korontada shidaan iyagana way
ka madax adeegeen in ay shidaan Matoorka Halkaasina waxaa lagu wada xiray
Shaqaalihii Shirkadda Korantada Bixinjiray waxaana goobta soo gaaray Shaqaalo
kasocday Dowladda Waxayna ku Guuleestayn in ay Shidaan Matoorkii Goobtana waxaa
hadda la wareegay Ciidamo ka socoda Dowladda Soomaaliya oo Sugaya Amaanka
Goobta uu yaal Matoorka .
Madaxweynaha Soomaaliya oo Xiray
Shirweynihii Caafimaadka ee ka Socday Muqdisho
Shirweynihii
caafimaadka dalka oo mudada sedaxda maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka
qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray
shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka
Soomaaliya,kaddib aragtiyo iyo doodo kala duwan oo ay isku geeyeen xirfadlayaasha,quburada
caafimaadka iyo wasaarada horumarinta adeega bulshada,waxaana gunaanadkii
maanta ka soo qeyb galay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya
mudane Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada
Drs Maryam Qaasim Axmed, wasiir ku-xigeenka wasaarada horumarinta adeega
bulshada Maxamuud Macalin Yaxye, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka
Soomaaliya,ergadii shirka ka qeyb galeysay iyo marti sharaf kale.
Dr
khaliif Bille Maxamuud oo kamid ah quburada caafimaadka ee ka qeyb gashay
shirweynaha caafimaadka ayaa ugu horeyn goobta ka aqriyay shanta qodob ee ku
aadan horumarinta caafimaadka dalka,kuwaa oo kasoo baxay doodihii iyo
aragtiyadii ay is-dhaafsadeen ergadii
shirka ka qeyb gashay.
Qodobada
ka soo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ah:-
1:
In la sameeyo maamulka caafimaadka iyo maareeyntiisa
2:
In la sameeyo siyaasad iyo istiraatiijiyad caafimaad
3:
In dib loo habeeyo nidaamka iyo sharciyada caafimaadka
4:
In la xoojiyo hogaanka iyo maareeynta guud ee caafimaadka
5:
In la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga ay wasaaradda caafimaadku la leedahay
hay’adaha si loo helo wada shaqeyn fiican,taasi oo horseed u noqoneeysa ka
faa’ideysiga dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka xaga caafimaadka.
Drs
Maryam Qaasim Axmed wasiirka wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda
soomaaliya oo ka hadashay xiritaanka shirweynaha ayaa ku cel celisay in
dowladda ay muhiimada weyn siineyso caafimaadka,iyadoo horumar ku tilmaantay
qodobada shirkan ka soo baxay.
Drs
Maryan Qaasim Axmed ayaa madaxweynaha ka codsatay in muhiimad gaar ah la siiyo
caafimaadka dalka.
Madaxweynaha
jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo
xiray shirweynaha caafimaadka ee mudada sedaxda maalin ah socday ayaa jeediyay
khudbad uu dhowr arrimood kaga hadlayo isagoo balan qaaday in ay muhiimad weyn
dowladiisu siin doonto sidii adeeg caafimad oo tayo leh ay dadka soomaaliyeed u
heli lahaayeen iyo dhaqan galinta shanta qodob ee saldhiga ah horumarinta
caafimaadka dalka oo laga soo saaray shirweynaha caafimaadka.
“Waxaan
balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada,canuga iyo
waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo hadii alle idmo,iyo in qof waliba
oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu
xanuunsado”Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhakhaatiirta
iyo quburada caafimaadka ee ka qeyb galay shirweynaha looga hadlayay
caafimaadka dalka ee maanta la soo gabagabeeyay ayaa si wadijir ah u qeexay in
hadii ay dhaqan galaan shanta qodob ee saldhiga u noqonaya horumarinta
caafimaadka dalka Soomaaliya ee ka soo baxay shirka ay wax badan ka badali
doonaan xaaladaha caafimaad xumo ee ka jira Soomaaliya.
Wadooyinka Muqdisho oo markii u
horeysay muddo 20-sano laga hirgeliyay nalalka Samaafaraha
Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho
ayaa markii u horeysay muddo labaatan sano ah maanta laga hirgeliyay nalalka
samaafaraha ee kala haga gaadiidka isticmaala wadooyinkan.Taliyaha Ilaalada
Nabadgelyada wadooyinka ee Taraafikada Jen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa
sheegay in nalalka Samaafaraha uu ka qeyb qaadanayo sharciga iyo nidaamka
wadooyinka, isagoo ugu baaqay wadayaasha gaadiidka inay u hogaansamaan
sharciga.”Nalalka Samafaaraha waxaa si tijaabo ah looga hirgeliyay wadada maka
Al-Mukarama oo ah markii u horeysay muddo labaatan sano ah, waxaan rajeynayaa
inay wadayaasha u hogaansamaaan sharciga”ayuu yiri Jen. Cali Gaab.
Sarkaal ka tirsan al shabaab oo la
dilay, (Magaca Sarkaal la dilay)
Warar
soo baxaya ayaa sheegaya in maleeshiyada daacada u ah hogaamiyaha al shabaab ay
dileen mid ka mid ah saraakiisha ugu caansan maleeshiyada shabaab.Sida laga soo
xigtay xubno muhiim ah oo shabaab ka tirsan dablay daacad u ah Axmed Cabdi
Godane oo shabaabka dhexdooda loogu yeero Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa dilay
horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo lagu magacaabo Jiinoow Ibraahim
Aadam oo loo yaqaanay (Macalin Jinow).
Macalin
jinow ayaa horey gacan saar la lahaa horjooge Axmed Godane.
Maleeshiyaadka
ka amar qaata horjooge Axmed Godane ayaa xalay weerar ku qaaday deegaanka
Raamacadeey oo ka tirsan gobolka Bay halkaasi oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad
uu watay Macalin Jinow.
Labada
maleeshiyo ayaa sida wararku sheegayaan waxaa dhex maray dagaal culus,iyadoo
ugu danbeeyntii laga itaal roonaaday maleeshiyaadkii uu watay Macalin Jinow
waxana la soo qabtay qaar ka mid ah maleeshiyaadka oo uu ku jiray.
Maleeshiyaadka
ka amar qaata horjooge Axmed Godane ayaa keenay Macalin Jinow tuulo u dhaxeeysa
Qoryooleey iyo Baraawe halkaasi oo ay ku dileen.
Maleeshiyaadka
ka amar qaata Axmed Godane ayaa horey u dilay horjoogayaal waaweeyn oo ka
tirsanaa kooxda Al-shabaab waxaana ka mid ahaa Ibraahim Afghan,Macalin Burhaan,iyo
abuu Mansuur Al-amriikii halka uu naftiisa kala soo baxsaday Xasan Daahir Aweys
oo hada ku jira gacanta dowlada soomaaliya.
Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay oo
sii kordhay iyo Al-Shabaab oo sheegatay (Sawirro)
Qasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay
Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa kordhay, iyadoo weerarkan
ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Col.
Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteenilaa shan ruux,
25-kalena ay ku dhaawacmeen, isagoo tilmaamay inay gacanta ku dhigeen Ciidamada
ammaanka ruux doonayay inuu isku qarxiyo gudaha Hotelka Maka Al-Mukarama.
Fanaanada Muslimo Qaasim Hilowle oo
Hees Dhiiri Galin Ah oo Ku Saabsan Nabada Muqdisho Soo Bandhigtay .
Fanaanad
caan ah oo Hees Dhiiri galin ah oo ku Saabsan Nabada Muqdisho soo Bandhigtay
Magalada Moqdhisho ayaa Ka soo ka banayso dhibaatoyin horey ugu jiray Caasimada
Dalka waxayna hada u Muqata Maagalo si weyn loogu soo Qul Qulayo Nabada ka
jirta waxayna Dadka soo Garaya Caasimada Dalka ay ku shegayan in haday Xammar
Hagaagto Dalka intisa ay Hagaagayan.
Cabdi Weli Gaas oo Soo Gaaray Galkacyo
Laguna Soo Dhaweeyay .
Cabdiweli
Gaas oo ka mid ah Musharaxiinta u tartamaya doorashada Puntland ka dhici doonto
bisha Janaayo ayaa ka degay maanta garoonka magaalada Gaalkacyo, halkaasoo si
diiran ay ugu soo dhoweeyeen taageerayaashiisa.
Waxgarad,
siyaasiyiin iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta Musharax
Cabdiweli Gaas, isagoo hadal uu u jeediyay Saxaafadda ku sheegay inuu yahay
Musharax u taagan xilka Madaxtinimada Puntland.
Cabdiweli
Gaas ayaa bulshada Puntland ka codsaday iney ka shaqeeyaan sidii doorashada
Puntland ugu dhici laheyd si nabadgelyo leh, wuxuuna ka digay in ciidamada
amaanka aan loo isticmaalin si qaldan si doorashada loo qalqal geliyo.
Puntland
ayaa 8 Janaayo waxaa la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynenimo oo u
tartamayaan musharaxiin badan, waxaana socda loolanka loogu jiro doorashadaasi.
Mid ka mid ah abwaanadii Somalia ugu
caansanaa oo ku geeriyooday London
London
(Caasimada Online) Magaalada London ee dalka Britain, waxaa ku geeriyooday
Allaha ha u naxariisto Abwaanka weyn ee
Sahal Macalin Ciise.
Wariyaha
Shabakadda Caasimada Online ee London ayaa sheegay in abwaanka uu xanuusanayay
muddooyinka dambe.
Allaha
ha u naxariisto Abwaan Sahal Macalin Ciise ayaa ka mid ahaa abwaanada ugu
caansan dalka Soomaaliya, waxaana uu sameen jiray heesaha afka Maayka ah.
Waxaa
uu sameeyay heeso badan oo uu qaaday fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar, waxaana
uu caan ku ahaa HEESAHA HUBUROW.
Haddaba
maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Caasimada Online, waxa ay halkan tacsi uga
dirayaan ehelka iyo dhammaan dadka uu ka baxay marxuum Sahal Macalin Ciise gaar
ahaan fannaaniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
ETHIOPIA oo dooneyso in ay ku biirto
ciidaamada AMISOM (Mowqifka DF?)
Addis
Ababa- Warbaahinta Kenya iyo Ethiopia ayaa ku warramaya in ra’iisul wasaaraha
Ethiopia uu sheegay in ciidankiisa ay diyaar u yihiin in ay ku biiraan
howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM.
Arrintan
ayaa soo baxday kaddib markii ay Kulan ku yeesheen ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Hailemariam Desalegn iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto magaalada
Addis Ababa.
Ethiopia
ciidamo badan ayaa ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo xooggan la
galay Al-Shabaab kana qabsaday dhul badan.
Bishii
hore ayaa Midowga Afrika waxa uu sheegay in uu u baahan yahay in la kordhiyo
ciidanka AMISOM ee Soomaaliya jooga oo lagu daro lix kun oo ciidan oo dheerin
ah.
Dadka
Soomaalida ma jecla ciidamada Ethiopia waayo waxaa labada dal dhex maray dagaal
qaraar sannadkii 1977-dii, balse xiriirka dowladahaa Soomaaliya iyo Ethiopia
ayaa hadda wuxuu mid wanaagsan waxaa dhawaan magaalada Muqdisho tagay wasiirka
arrimaha dibedda Ethiopia.
Ciidamada
AMISOM oo hadda tiradooda gaareyso ilaa 18,000 oo askri waxa ay ka socdaan
waddamada Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya iyo Siriliyoon.
Weli
ma cadda mowqifka dowladda Somalia ee arrintan, inkasta oo ay hadda DF ay raali
ka tahay joogitaanka ciidamada Ethiopia ee Somalia.
Laba warqad oo jahwareer ka abuuray Muqdisho
& Odayaal qeyliyey (Daawo Sawirro)
Odayaal
Dhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Dowladda in
ay wax ka qabato Dhul danta guud ah oo ay dhisanayaan dad shaqsiyaad ah.
Odayaashaan
oo manta shir isugu yimid ayaa waxa ay baaq udireen Masuuliyiinta dowladda
Federaalka Soomaaliya oo ay ugu sareeyaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha
Barlamaanka, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxa ayna
ka codsadeen in ay soo faragaliyaan Dhul la sheegay in uu yahay danta guud,
gaar ahaan gaar ahaan jardiin ku yaalla isgoyska Falooransa oo ka tirsan
Degmada Warta nabadda Ex Wardhiigley ee Gobalka Banaadir.
Xabiibo
Ismaan oo leh booska ku dhagan Dhulka Banaan ee Jardiinada ah oo iyadana
goobjoog eheed kulanka ayaa waxa ay tilmaantay in ay dacwad iyo cabashaba
ugudbisay Dowlada hoose ee gobalka Banaadir kadibna lasoo siiyay warqad ay
dowladda hoose ku amreeyso in aan ladhisan Karin guud ahaan dhulalka jardiinada
ah ee kuyaala dhamaan dagmooyinka Gobalka Banaadir.
Si
kastaba waxay sheegtay in ninkii boobka ku dhisananay dhulkaasi jardiinada ah
isna lasoo siiyay warqad ruqso ah oo iyana kasoo baxday isla dowladda hoose
markii ay isku dayday in ay is hortaagto howsha dhisidana la jirdilay dhaawacna
loo geestay.
Sidoo
kale Xabiibo ismaan waxa ay tibaaxday in iyadu ay xitaa diyaar u tahay in ay
dhisto jardiinkaas maadaama uu ku dhaganyahay dulka ay iyadu dagantah
Mo Farah endorses female
British-Somali MP hopeful
STAR BACKING: Amina Ali and Mo Farah
Amina
Ali gains support of popular Somali-born British Olympic champion in fierce
selection campaign taking place in Harrow East this month.
A
WOMAN hoping to become Britain’s first female MP of Somali heritage has received
the backing of Team GB’s golden Olympic hero Mo Farah.
Amina
Ali, founder of the Labour Friends of Somali who is battling with Helen Dennis
and Uma Kumaan to become Labour’s Prospective Parliamentary Candidate (PPC) in
Harrow East, received a “well done and carry on” from the Olympic champion.
The
long distance runner who holds the European record for the 10,000m might have
moved to the United States for better sport training but his support for Ali
shows the popular athlete is still interested in current affairs at home.
Ali
believes that Farah, who was born in Somali but raised in London from the age
of 8, threw his support behind her campaign in order to help get other Somalis
in the UK more involved in politics.
“He
was quite encouraged that I am British Somali and I was getting involved in
politics,” Ali told The Voice.
Members
of the Labour party in Harrow East will decide this month (Nov 16) whether to
select Ali, Dennis or Kumaan as their representative for the next general
election which will take place in 2015.
But
Ali who has already received a major boost with the support from the long
distance runner could also benefit from the rising BME population in the area.
Recent
data shows that 3.5 per cent of people that reside in Harrow East are Black
African, many of which many are Somalis.
Ali
who had previous intentions of standing in Brent Central – currently held by
outgoing Liberal Democrat Sarah Teather – hopes the Somali community would come
out to vote.
“I
like getting communities to get involved in politics. I want them to know that
they have power to [bring] change,” she said.
The
MP hopeful encouraged members to nominate her, and added: “I hope the people of
Harrow East will select somebody that has the background and vision to win.
“I
hope they select me because I have the experience. I have a lot to offer. I
have good experience having worked as a researcher for Tony Benn. I know how
Parliament works [and] I can work in a diverse setting.”
Typhoon Haiyan: Thousands feared dead
in PhilippinesRupert Wingfield-Hayes reports from the airport at Tacloban: ''A
scene of complete devastation''
Police
in the Philippines say they fear 10,000 people may have died in the devastation
wreaked by Typhoon Haiyan.
The
Philippine government has so far only confirmed the death of several hundred
people after the storm struck.
But
regional police chief Elmer Soria said he was told by the provincial governor
of Leyte that there were about 10,000 deaths on the eastern island alone.
Hundreds
of thousands of people are reported displaced from their homes.
The
BBC's Rupert Wingfield-Hayes reports that the scene in the city of Tacloban on
Leyte island is one of utter devastation.
Houses
in Leyte's capital have been flattened by the massive storm surge that accompanied
Typhoon Haiyan.
There's
no clean water, no electricity and very little food.
City
officials said they were struggling to distribute aid and that looting was
widespread.
Our
correspondent says hundreds of people are at the airport, itself badly damaged,
trying to get on a flight out of Tacloban.
----Iran nuclear: Geneva talks
'something to build on'Iranian Foreign Minister Mohammad Javad Zarif: ''We are
all on the same wavelength''
Talks
between world powers and Iran have failed to reach an agreement on Tehran's
nuclear programme.
EU
foreign policy chief Catherine Ashton told a press conference that there had
been a lot of "concrete progress but some differences remain".
Baroness
Ashton, who coordinated talks, said they would resume on 20 November.
Iranian
Foreign Minister Mohammad Javad Zarif said he was not disappointed with the
outcome, and that the talks were "something we can build on".
He
said all parties were "on the same wavelength" and "there was
the impetus to reach an agreement".
Meanwhile
US Secretary of State John Kerry said: "There is no question in my mind
that we are closer now than we were before."
No comments:
Post a Comment