Monday 11 November 2013

Roobab dabeylo iyo qabow daran wata oo Boqol ruux ku dilay Deegaanno ka Tirsan Gobollada Bari, Nugaal iyo Gardafuuy



Isniin, November 11, 2013 (HOL) -
 Roobab xooggan islamarkaana dabaylo wata oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka da’ayey dhammaan gobollada Puntland, ayaa geystey khasaare nafeed iyo maaliyadeed oo baahsan.
Roobabka ayaa khasaaraha ugu badan ka geystey deegaanada xeebaha ku teedsan iyo dhulka miyiga ah ee gobollada Bari, Nugaal iyo Gardafuuy.
Degmooyinka Xaafuun, Caluula iyo Eyl ayaa ah kuwa ugu daran ee ay duufaantaasi sida aadka ah u saameysay, waxaana lagu soo warramayaa in ay gebi ahaanba ciidda ku darsameen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalley inta u dhexeysa degmada Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal iyo degmada Xaafuun oo iyaduna ka tirsan gobolka Karkaar.
Inkasta oo aan tirakood rasmi ah la haynin, waxaa haddana Madaxweynaha Puntland oo saacado kahor magaalada Garoowe warbaahinta shir-jaraa’id ugu qabtay uu sheegay,  in roobabkaasi ay dileen ku dhowaad 100 qof iyo xoolo ay tiradoodu dhowr kun ka badan tahay.
Dadka geeriyoodey ayaa u badan caruur, waxaana intooda badan laayey qabow aad u daran oo ay dabeysha roobku keentay, sidoo kale waxaa jira qaar kale oo ay ay daadad roobabkaas ka dhashay la tageen.
Adeeggii isgaarsiinta ayaa ka go’an inta badan deegaanada kulaala badda Hindiya, waxaa sidoo kale xirmay dhammaan jidadkii muhiimka ahaa, iyadoo ay adag tahay in halkaas is dhaqso ah gargaar loola gaaro.



Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay guddi lagu magacaabay, Guddiga Xaaladda Deg Dega ah iyo Gargaarka Dadka Dhibaateysan, guddigaas oo qiimeyn doona baaxadda khasaaraha islamarkaana dejin doona qorshihii dadka dhibaateysan gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa.
Madaxweyne Faroole oo sheegay in dowladdu ay intii tabarteeda ah ku dadaali doonto sidii dadka ay dhibaatadu gaartey loogu gurman lahaa, wuxuu baaq u diray bulshada Puntland, hay’adaha samafalka iyo guud ahaan beesha caalamka, isagoo ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii dadka ay musiibadu ku dhacday wax loogu qaban lahaa.
Wixii warar ah oo kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa…  
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
xaajidirir@hiiraan.com
Puntland, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...