RW Shirdoon: Khilaaf dastuuri
ah ayaa igala dhaxeeya madaxweynaha
Raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa
sheegay in khilaaf dastuuri ah uu kala dhaxeeyo madaxweynaha dowladda
federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
War qoraal ah oo laga soo saaray
xafiiska raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in khilaafka ka
dhex aloosan labada mas’uul uusan ahayn mid siyaasadeed, balse la isku hayo
arrimo dhinaca dastuurka ah.
Warka qoraalka ayaa lagu sheegay
in khilaafka looga gudbi karo ku dhaqanka dastuurka qaranka, waxaana lagu xusay
in xal u helidda is-maandhaafka dastuuriga ah ay leeyihiin xildhibaannada
baarlamaanka Soomaaliyeed.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa
faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa ammaanka inay xoojiyaan howlahooda
shaqo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan madaxdoda
qaranka.
Qoraalka ayaa lagu sheegay
muddadii sanadka ahayd ee ay xukuumadda raysul wasaare Shirdoon jirtay la
gaaray guulo wax ku ool ah oo laga sameeyay dhinacyada ammaanka, dib u
heshisiinta, maamulka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo waaxyo kale.
Raysul wasaaraha ayaa ka codsaday
shacabka Soomaaliyeed inay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda iyo
amniga dalka.
DEG DEG AH: Xaafadda Islii oo
saakay laga maqlayo rasaas xooggan
Nairobi- War hadda soo dhaacay oo
naga soo gaaray xafiiska aan ku lee nahay Nairobi ayaa sheegaya in saakay
rasaas xooggan laga maqlay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Wariyaha nooga soo warramaya
halkaas ayaa soo sheegaya in saakay hiirtii la maqlayay rasaas ay furayaan
ciidamada ammaanka Kenya.
Dadka ayaa weli ku sugan
guryahooda maadama ay xilli hore oo aroor ay tahay, waxaana laga cabsi qabaa in
xaafadda Islii ay ka dhacaan howlgallo ay sameenaayaan ciidamada ammaanka.
” Saakay dadku waxa ay hal mar
maqleen dhawaqa rasaas xooggan, taasoo dadkii hurdada ka kicisay.” ayuu yiri
Wariyaheena.
Islii waa xaafad ay ku badan
yihiin Soomaalida ku dhan dalka Kenya, waxaa halkaas ku yaalla xarumo ganacsi
oo waaweyn sida uu lee yahay wariyaha Shabakadda Caasimada Online
Madaxweynaha oo ku Baaqay in
la Joojiyo Dagaalada iyo Collaadaha Jowhar:-War-saxaafadeed
Muqdisho, 12November
2013–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa maanta ugu baaqay dhammaan kooxaha dagaalamy inay si deg-deg ah u
joojiyaan dagaalada ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.
Madaxweynaha oo maanta
warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka
uu ku guuleystay inay dagaalada joojiyo oo uu ciidamo kala dhexdhigay. Sidoo
kale ciidanka Xoogga waxuu ku guuleystey in shacabkii barakacay lagu soo
celiyey guryahoodii.
“Dadkii barakacay ee dagaalada
saameeyeen hadda waa nabad oo dagaaladdii waa lagu guuleystay in la joojiyo.”
Ayuu yiri Madaxweynahu “Dowladdu waxey qorsheyneysaa inay dib-u-heshiisiin dhex
dhigto oo madax dhaqameedka iyo bulshada rayidka deegaanku waxey ku howlan
yihiin sidii shirkaas dib-u-heshiisiinta uu u qabsoomi lahaa. Dagaalada iyo
Collaadahu waa inay joogsadaan oo labada dhinacba ay ka fogaadaan wax soo celin
kara dagaalada.”
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey
madax dhaqameedka, shacabka iyo bulshada rayidka ee deegaanka oo si dhab ah ula
shaqeeyey dowladda, waxaana rajo ka qabnaa in dib u heshiisiinta socota ay
noqoto mid waarta oo dadka deegaanka ay si wadajir ah oo nabad ah ay ku wada
noolaadaan. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa AMISOM iyo Qaramada Midoobey oo
iyagana dowladda ka saacidaya dhanka tasiilaadka.
Ra’iisul Wasaare
Saacid:”Dufaanta Ku Dhufatay Xeebaha Puntland Waxaan U Aqoon sanahay Masiibo
Qaran, Deg Degna Waan Uga Jawaabeynaa”:- War-saxaafadeed
Muqdisho,12, Nov,2013…Golaha
Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi
shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano
balaaran oo ku yaala Puntland taas oo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana
shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Dufantaan ka dhacaday xeebaha
Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay
sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaaraya ilaa
700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaartay deegaamo ku yaala laamiga isku
xira Garoowe iyo Boosaaso.
Ra’iisul Wasaaraha saacid oo
saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu
tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay
beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku
dhufatay.
“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo
leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku
dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo
ku yaala Puntland. Anigoo aad uga xun
kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan
diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana
waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay
Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey
Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu.
Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo
aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare
Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya
u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey
qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya
ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.
“Dufaanta waxaa ka dhashay
khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa
Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn
ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan
yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in
khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan
Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku
Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo
saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka
dhalatay Dufaantas.
Baaqa Golaha
1. In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan
shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka
reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.
2. In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka
dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay
in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan
dhibaatada ka dhacday meeshaas.
3. In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland
si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado
dhibka soo gaaray.
4. In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu
deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo
shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan
gar-gaar kaas la mid ah.
5. Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay
gudi heer Qaran ah oo ka kooban
· Wasiirka Arrimaha Gudaha
· Wasiirka Maaliyadda
· Wasiirka Adeega Bulshada
· Wasiirka Gaashaandhiga
· Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa
magaalada Muqdisho
· Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada
Soomaaliyeed
· Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka
ah
Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa
wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee
ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan
gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah
masiibada ka dhacaday Puntland.
Ballanbal: Barakacayaal laga
dayrinayo xaaladdooda nololeed
Waxaa laga soo dayrinayaa
xaaladda nololeed ee dadka soo barakacay ee ku nool xeryo ku yaalla degmada Ballanbal ee gobolka
Galgaduud.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka
degmada Ballanbal, Maxamuud Maxamed Cabdi
ayaa maanta u sheegay Bar-kulan in dadka soo barakacay ee ku nool
magaalada ay haystaan dhibaatooyin ay ugu daran tahay hoy la’aan.
Maxamuud ayaa sheegay in roobab
xoog leh oo maanta iyo shalay ka da’ay Ballanbal iyo deegaannada hoos yimaada
ay baabi’iyeen baakado iyo cooshado hoy u ahaa dadkaasi.
Mas’uulka ayaa dowladda dhexe ee
Soomaaliya, hay’adaha deeqda bixiya iyo dadweynaha Soomaaliyeed ka codsaday in
loo gurmado dadkaasi.
Dadka soo barakacay ee ku nool
xeryo ku yaalla magaalooyinka Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo Guriceel ayaa
iyagana laga soo sheegayaa xaalad la mid ah midda kuwa Ballanbal.
Doonyo Dheereeyo Oo Loogu
Deeqay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka
Doohyahaan oo gaaraya ilaa 4
doonyood oo ay soo dhiibtay Dowladda Turkiga ayaa maanta lagu wareejiyeey
Wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay in ay ku
howlgalaan ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ayadoo munaasabadda lagu
wareejiyey oo ka dhacday Dekeda Muqdisho ay ka soo qeyb galeen Wasiirku
xigeenka gaashaandhigga iyo qaar ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogda dalka.
Ugu horeyntii waxaa goobta ka
hadlayaay Cabdul Axad oo kamid ah mas’uuliyiinta hay’ada Tika oo wakikiil ka
ahayd dowladda Tuirkiga waxaana uu sheegey in doonyahaasi loogu talagalay
ciidanka ilalada xeebaha Soomaaliya, ay u yaraato falalka burcad badeedda ay ku
qafaalanayaan mariibka isticmaala badweynta India.
Admiraal Faarax Axmed Cumar
“Faarax Qare” oo ah Taliayah ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa ka
sheekeyeey ahmiyada doonyahaan ay u leedahay howlgallada ciidanka badda, isagoo
soo hadalqaaday nidaamkii hore ee ciidanka badda Soomaaliya.
“Doonyahaan oo kale ayaan qabi
jirnay oo ciidanka lagu qaadi jiray iyo hub culus, laakiin maanta doonyahaan
wax weyn ayay nooyihiin maadaama aan xiligan haysanin doonyo dheereeya oo aan
kula dagaalami karno burcad badeedda” ayuu taliyuhu hadalkiisa ku daray.
Abaanduulaha ciidanka xoogga
dalka Soomaaliyeed Jeneraal C/risaaq Qaliif Cilmi ayaa sheegey in ciidamada
badda ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan
qataraha dhinaca ammaanka ah.
“Doonyahaan waxaa rajeyneynaa in
lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka,
waxaan ka rejeyneynaa in ay ku filnaan doonaan howsha loo igmaday ciidamada
ilaalada xeebaha dalka” ayuu Abaanduulaha hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyntii Wasiir kuxigeenka
gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad
celiyeey dowlada Turkiga dowrka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada xoogda
dalka.
Axmed Maxamed Carab ayaa yiri “
waxaa farxad weyn ah in aan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno in
aan hub saarano, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha dalka, waxaana hubaa in
tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaaca xeebaha Soomaaliya”
Arintani ayaa dhiiro gelin karta
dardar gelinta howlaha lagu difaacayo xeebaha dalka oo sanadihii ugu dambeyeey
ay ku soo badanayeen dhibaatooyinka ay ugu weyn yihiin falalka burcad
badeednimada iyo xaalufinta ay maraakiibta shisheeye ku hayaan kheyraadka badda
Soomaaliya.
Marwo Fowsiya oo sheegtay
inaan si khasab ah lagu celin doonin qaxootiga.
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga
caalamiga ah ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji
Aadan ayaa maanta dib ugu laabatay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Kenya
uga qeyb-gashay kulan looga tashaday dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah ee
ku nool dalkaasi.
Fowsiya oo shir jaraa’id ku
qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ayaa sheegtay
in Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ay isla
garteed in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya aan lugu khasbin inay
dalkooda ku laabtaan.
Fowsiya ayaa intaas ku dartay in
haddii ay jiraan dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo diyaar u ah inay ku laabtaan
dalkooda loo fududaynayo.
Natiijada shirka Nairobi ay ku
yeesheen Soomaaliya , Kenya iyo UNHCR
ayaa meesha ka saaraya wal-wal ay qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool Kenya ka
qabeen in khasab loogu celiyo dalkooda , kaddib markii dowladda Kenya ay dhowr
jeer oo hore sheegtay in lagu celinayo dalkooda.
Shirdoon oo taageeray warbixintii
Human Rights Watch
Raysul wasaaraha xukuumadda
federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa soo dhoweeyay
hadal kasoo baxay hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch oo
ku aaddanaa dhowrista xuquuqda dumarka iyo baaritaan cusub in lagu sameeyo
haweeney bishii August ee sanadkan la sheegay in lagu kufsaday Muqdisho.
Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa
sheegay in xukuumadda Soomaaliya aysan marnaba aqbali karin kufsiga iyo
gabood-fallada lagula kaco haweenka.
Wuxuu tilmaamay in xukuumadda ay
qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo dhowrista xuquuqda aadanaha, gaar ahaan
dumarka, isla markaana ciidanka loo fidiyay tababarro ku saabsan ilaalinta
xuquuqul insaanka iyo sinnaanta jinsiga.
Raysul wasaaraha ayaa xusay in
Soomaaliya aysan boos uga bannaaneyn kuwa dhibaateynaya haweenka, isagoo
carrabaabay in rag geystay fal kufsi ah ay la kulmeen ciqaab adag, waxaana la
mariiyay sharciga Soomaaliya.
Hadalka raysul wasaaraha ayaa
imaanaya xilli hay’adda Human Rights Watch ay ku eedeysay laamaha ammaanka ee
dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan sidii la rabay u wajihin
baaritaan ku saabsan eed kufsi ah oo bishii August ee sanadkan lagu eedeeyay
ciidanka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Alshabaab oo sheegtay in
raggii qaaday weerarkii Westgate ay ku dhinteen gudaha xaruntaasi ganacsiga
Website ay leedahay kooxda
Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay warbixin ballaaran oo looga hadlayo weerarkii
lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate kaasoo la aaminsanyahay inay ku
dhinteen dad ka badan 70 qof.
Alshabaab ayaa sheegtay in ragga
weerarka qaaday ay xubno ka ahaayeen qaybta naftood hurayaasha ah ee kooxdu ay
leedahay.
"Ragga weerarka qaaday waxay
ahaayeen walaalo si iskood ah isugu xilqaamay inay galaan gudaha cadowga oo ay
khasaare gaarsiiyaan ka hor intii aan cadowgu dilin" ayaa lagu yiri
warbixinta ay soo saartay Alshabaab.
Alshabaab ayaa beenisay in raggii
weerarka qaaday ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan iyagoo wax lala yaabo
ku tilmaamay hadal uu horay u jeediyay taliyaha ciidamada militariga Kenya
Julius Karangi oo sheegay inay doonayeen kooxda weerarka qaaday inay baxsadaan.
“Karangi wuxuu isku dayay inuu ka
been sheego mujaahidiin doonayay inay naftooda huraan isagoo sheegay in ragga
weerarka qaaday ay doonayeen inay baxsadaaan” ayay sii raaciyeen warbixinta.
Warbixinta ay Alshabaab kaga hadashay
qaabkii loo fuliyay weerarka ayaa waxay xiganaysaa Sheekh
Cali Maxamuud Raage oo ah
afhayeenka Alshabaab kaasoo ku sheegay warbixinta in wixii ka dhacay Westgate
uusan ahayn dagaal ee uu ahaa kaliya farriin loo dirayay dawlada Kenya.
“Westgate wixii ka dhacay ma
ahayn dagaal waxay ahayd farriin, laakiin dagaalka runta ah hadda ayuu soo
socdaa" ayuu yiri Sheekh Cali Raage.
Qirashada Alshabaab oo noqonaysa
tii ugu horraysay oo muujinaysa in raggii weerarka qaaday ay ku dhinteen
goobtii dagaalka ayaa waxay meesha ka saaraysaa warar horay ay warbaahintu u
tabisay oo sheegayay in kooxdii weerarka qaaday ay baxsadeen.
Xaaska R/W Saacid oo wada
abaabulkii ugu xoogaa ee lagu badbaadinayo Xukuumadiisa
Xaaska R/Wasaaraha Soomaaliya
Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa wada abaabul xoogan ay ku dooneyso in ay
ku bad baadiso Xukuumada R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid)
Xildhibaanad Caasha oo ah qof
galaan gal badan ku leh Siyaasada Dalka ayaa wada abaabulo ay Xildhibaano tiro
badan oo katirsan Dowlada uga dhaadhicineyso qaabkii loo bad baadin lahaa
Xukuumada R/Wasaare Saacid kadib markii ay Madaxweynaha isku dhaceen.
Xafiiska R/Wasaaraha Soomaaliya
ayaa ah mid mashquul badan ay kusugan yihiin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka
iyo Xubno siyaasiyiin ah, waxaana halkaasi kasocda abaabul ka dhan ah qorshaha
Madaxweynaha ee ku aadan in R/Wasaaraha is casilo.
Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi
ayaa kulan gaar ah isugu yeertay Haweenka ku jira Baarlamanaka Soomaaliya waxa
ayna doonaysaa in ay ka dhaadhiciso qorsho ku aadan in aan la ridin Xukuumada
loona guntado sidii loo bad baadin lahaa.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa
naftiisa ah mid soo jeed kujira Saacadihii ugu dambeeyay waxa uuna wada tashiyo
la sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada , Xildhibaano iyo Xubno siyaasiyiin
ay isku dhaw yihiin kuwaa uu kala tashanayay sida laga yeelayo dalabka
Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo iyo sida ay Xukuumadiisa kusii jiri
karto.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah
mid si weyn looga dareemayo guuxa ku aadan Khilaafka xargaha goostay ee u
dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaaraha , Xubnaha Golaha Wasiirada
ayaana noqday kuwa labo dhinac u qeyb samay oo labada xafiis kala camiray.
Puntland oo si yaab leh kaga
hadashay Khilaafka R-Saacid iyo M-Xasan Sheekh (DHAGAYSO)
Waxaa sii xoogeestay qilaafka ka
dhax aloosan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh
Maxamuud iyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).
khilaafka labada Masuul ayaa
salka ku haya isbadal muuqda oo lagu sameeo Xukuumada hada jirta iyadoona
Madxaweynaha oo u yeeray
R/Wasaaraha kana dalbaday in uu
booska baneeyo isna casilo si isbadal Muuqda Xukuumada loogu sameeyo.
R/Wasaare Saacid ayaa wax kama
jiraan kasoo qaaday Dalabka Madaxweynaha ee ku aadan in uu iscasilo, waxa uuna
taa badalkeeda
Madaxweynaha ku wargaliyay in
isbadal uu kusameeyo Golaha Wasiirada tirda hada jirtana laga balaariyo.
Mr. Saacid ayaa sidoo kale
Madaxweynaha ka dalbaday in uu u madax baneeyo Howsha Xukuumada si uu usameeyo
isbadal muuqda , waxa uuna R/Wasaaraha kol hore diyaariyay Liiska Golaha
Wasiirada uu doonayay in uu magacaabo waxa uuna u gudbiyay Madaxweynaha hasa
ahaate madaxweynaha ayaa dib usoo celiyay Liiskaasi kadib markii uu ka waayay
xubno muhiim ah oo katirsanaa Xisbigiisa sida Wasiirka Madaxtooyada.
Dhankiisa C/rashiid Xaashi
Dhuubane oo kamid ah Siyasiyiinta iyo nabadoonada Puntland ayaa ka hadlay
Khilaafka labada masuul waxaana uu sheegay markii horaba Ra’iisul Wasaaraha
inuu magacowday Xasan Sheekh oo la tashi lagala samayn beelaha xaqa u leh sida
uu hadalka u dhigay.
Hogamiyaha Al-shabaab oo ka
bad baaday Qorshe Dil ah oo lagu qaarijin lahaa.
Warar hoose ayaa waxay sheegayaan
in habeen hore uu si lama filaan ah ku bad baaday hogaamiyaha Al-shabaab Axmed
Godane isaga oo la dili lahaa.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan In uu
hogamiyaha Al-shabaab uu ku sugnaa guri ku yaalay degmada Baraawe ee Gobalka
Shabeelada Hoose, halkaasi oo uu yimid maalintii axadii ahayd gelinkii dambe .
Hase ahaatee waxaa la tilmaamay
in si lama filaan ah uu halkaasi markii uu uga baxay xalay uu kusoo dhacay
Madfac ilaa iyo haatan aan la ogeen halka uu ka yimid iyo cidda soo tuurtay.
Weli xaaladda degmada Baraawe waa
mid aad u qasan, waxaana dhaq dhaqaaq aan caadi ahayn wada ciidamada Xarakada
Al-shabaab oo baadi goobaaya qofka fariintaan gudbiyay.
Axmed Godane waxa uu ku jiraa
liiska argagaxisada, waxaana loo baadi goobayaa si aan caadi ahayn, iyadoona
xidhiidh wanaagsan uu la leeyahay
ururuka Al-qaacida
Hogaamiye kale oo ka goostay
Godane sheegayna 13 arrin oo uu ku sifoobay
Waxaa mar kale lagu faafiyey mid
ka mid ah mareegaha taageera Ururka Al-Qaacida qoraal dheer oo uu qoray Abu
Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah kooxda ururka Al-Shabaab waxaana uu ka hadalay
arrimo xasaasi ah oo ay ugu muhiimsan tahay Inxiraafka diineed ee ku dhacay
hogaanka Al-Shabaab.
Waxaa qoraalka Abu Yuusuf
Faafisay مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي
waxaana uu cinwaan uga dhigay Abu Yuusuf qelo dhaantiisa إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ الْقَالِينَ رسالة عن
حركة الشباب وإدارتها المنحرفة
Baaq ku socda Ururka Al-Shabaab iyo Hogaankiisa Lumay.
Abu Yuusuf Al-Qariib oo ka mid ah
raga isaga cararay seefta Ahmed Godane Amiirka Al-Shabaab ayaa waxaa uu cabasho
badan ka dib ka hadlay xaqiiqo badan oo ay ugu horeyso taariikh kooban markii
la asaasay Al-Shabaab,cida Amiirka iyo ku xigeen u ahayd iyo qaabkii ay uga
dhexmuuqdeen ururka Al-Shabaab Midowgii Maxaakimta Islaamiga.
Abu yuusuf Qariib ayaa sidoo kale
ka hadlay Markii ay Midowga Maxaakimta Islaamka wadahadal la galeen dowladii uu
madaxada u ahaa Col Claahi Yuusuf Ahmed waxaana kulanka uu ka dhacay dalka
Sudan waxaan wafdi MMI ka mid ahaa Amiirka Al-Shabaab ee haatan Ahmed Cabdi
Godane.
Abu Yuusuf ayaa xusay in Ururka
Al-Shabaab uu ku socday dhariiq sax ah markii ay talada Ururka ay gacanta ugu
Jirtay Amiirka Xarakada Al-Shabaab Ismail Caraale oo markii danbe lagu xiray
Jabuuti lana geeyey xabsiga Guntanaamo walow mar danbe alle ka sii daayey
waxaana ku xigeen u ahaa waqtigaas Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe)
oo haatan ah hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba.
Abu Yuusuf Qariib ayaa ka
sheekeeyey qaabkii ay ku bilaabatay qeylo dhaantii Cumar Xamaami (Abu
MansuurAl-Amriki waxaana uu sheegay in Sheekh Abu Mansuur uu bilaabay in uu si
hoose wax u saxo markii danbana ay noqotay in uu Cod dheer ku sheego
waxyaabihii uu u arkayey in ay yihiin Inxiraaf diini ah ee ka dhex Muuqday
gudaha Al-Shabaab .Abu Mansuur ayuu sheegay Abu yuusuf in dhowr mar uu ka
badbaaday in la dilo waloow markii ugu danbeysay lagu dilay Raamacaday.
Abuu Yuusuf Qariib waxaa ka mid
ah eedeymaha uu u soo jeediyey hogaanka Al-Shabaab.
1Kaligiis talis nimo.
2-Shuuradii oo la joojiyey
3-xukunka oo laga fogeeyey
culumada
4-Fashil ku yimid siyaasada
arimaha dibada ee xarakada
5-Xisbiyo iyo Qabyaalada lagu
qotomiyey (Alwalaa Walbaraa)
6-Xadgudub diined iyo
Gaaleysiinta cid walba oo khilaafta Al-Shabaab
7-Maamul iyo Maareyn xumo iyo
Fasaad
8-Dadka oo diintooda laga
fitneeyo
9-Hadafkii Jihaadka oo la leexiyo
10-Ku xadgudb qeybisga Qanaaimta
iyo qaabka loola mucaamaloonayo dadka lagu qabto dagaalka
11-Abu Zubeyr oo laga dhigay
Imaamkii Caamka Ee Muslimiinta ee lahaa adeecid taam ah
12-Dulmi iyo Xadgudub ka jira
Maxaakimta iyo Qadaaga Xarakada Al-Shabaab
13-dilka iyo leynta hogaankii
Al-Shabaab iyo culumada kale ee Khilaafsan Al-Shabaab.
Abu Yuusuf Al-Qariib ayaa waxaa
uu qoraalkiisa ku soo xooriyey cabasho uu u diray warbaahinta Al-Qaacida iyo
Al-Shabaab isaga oo ku eedeeyey in ay sii deyn wayeen qeylo dhaanta iyo dulmiga
ay tabanayaan Muhaajiriinta iyo Ansaarta ku sugan Soomaaliya waxaana uu ugu
baaqay kuwa daacada ay tahay Jihaadka in ay alle ka baqaan ayna ogaadaan in
qofwalba uu qaldami karo ayna ku gadsoomin qaladaka hogaanka Al-shabaab wuxuuna
talo ahaan u soo jeediyey ilaa 10 qodob oo laga faadeysanayo dagaalada ka socda
Soomaaliya oo ay wadaan Al-Shabaab.
No comments:
Post a Comment