Friday 8 August 2014

6-Gaari oo Tikniko ah oo Somaliland si xeeladaysan loogala baxsaday

6-Gaari oo Tikniko ah oo Somaliland si xeeladaysan loogala baxsaday xili ay Qaad u fadhiyeen oo ay Marqaansanaayeen Ciidamadda(Xagee la keenay Gawaaridan Gaashaaman?
 2014-08-07 17:23:25

Ciidamo ka tirsan Beesha Dhulbahante oo ka tirsanaa Ciidamadda Somaliland ee Laascaanood jooga ayaa si xeeladaysan ula soo baxsaday 6-Gawaari oo Tikniko ah.

Gawaaridan ayaa Ciidamadii Gaanariga ka ahaa,waxay ku mashquulsanaayeen Qaad iyo Marqaan,balse intii ay Marqaanka Qaadka ka raadinayeen ayaa si farsamaysan gawaaridda looga qaatay.

Waa markii ugu horeystay oo Gawaari cadadkooda intaas la eg-yahay si xeeladaysan looga dhaca Maamulka Hargeysa oo sida aan xogta ku heleyno hadda kadib ka fikiraya inay Gawaari Tikniko ah ay ku aamineen Ciidamo Beesha Dhulbahante ka soo jeeda.

Dabaaldag ayaa laga dareemay Tuuladda saldhigga u ah Maamulka wareega ee Khaatumo ee Saax-dheer oo la keenay 6-dan Gawaari ee Gaashaaman ee raggi lahaa iyagoo Marqaansan lagala soo hoos-baxay.

Waxaana arintaan Gawaaridda Ciidamada Dhulbahante la soo baxsadeen,ku soo aadaysaa xili uu Xildhibaan Cali Khaliif ku guuleystay inuu 32-qof oo Jufooyinka Reer SSC uu ka soo aruuriyay uu ka dhigay Xildhibaano isagoo doonaya inuu magacaabo Madaxweynaha Wareega ee Khaatumo.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...