Muqdisho (RBC Radio):- Afhayeenka Ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa maanta si rasmi ah uga soo horjeestay isticmaalka lacagaha cusub ee la sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay keentay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed kuwooda ku nool gudaha magaalada Muqdisho waxaa uu uga digay in ay isticmaalaan lacagtaasi, isagoo intaa raaciyey in ciddii ku isticmaasha lacagtaasi goobaha ay iyagu ka taliyaan ay talaabo cad ka qaadi doonaan.
Sii Akhri
No comments:
Post a Comment