Sunday 2 May 2010

Muqdisho: Hogaamiyayaashii dagaalka ee Muqdisho oo markale ka soo muuqday Muqdisho...WARBIXIN....

Muqdisho(AllPuntland)- Hogaamiyaashii dagaalka ee Muqdisho oo magaaladaas mudo gacanta ku hayay, balse ay kala wareegeen Midowgii Maxaakiimta Islaamka ayaa sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay lugu arkay fagaarayaasha qeybaha ay maamusho dawladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ay daba socdaan Maleeshiyaad dagaal oo fara badan, isla markaasna ujeedadoodu tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen Hogaamiyaashooda.

APL ayaa horay soo bandhigtay qorshe ay dawladdaha faragalinta ku haya xaaladaha Soomaaliya, garwadeen ka ahaayeen oo ay ku doonayaan in ay ku hubeeyaan Maleeshiyaadka hogaamiyaasha dagaalka iyo Beelaha, si ay uga hortagaan Xarakada Al- Shabaab & Xisbul Islaam oo hada maamulaya Koonfurta Soomaaliya badankeeda.

Hogaamiyaasha ciidamada hada ka dhistay Muqdisho, oo ay ku jiraan qaar guud ahaan hubkoodii ay hada wataan Dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee Soomaaliya, ayaa doonaya in ay markale kuceliyaan Muqdisho in ay ku laabato sidii ay xaaladedu ahayd 2006-dii wixii ka horeeyey oo aysan magaalada cidna isku socon jirin.

Wararka ayaa sheegaya in ay hada dhisteen ciidamo Bashiir Raage Shiiraar, Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Cumar Xabeeb, oo dhamaantood xubno wanaagsan ka ahaa Ururkii ay tirtireen Midowgii Maxaakiimta Islaamka ee magaalada Muqdisho sannadkii 2006-dii, markii ay Maxaakiimtu weeraro ku qaadeen Hogaamiyaashaas.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan loo bixiyay magaca Ahlu Suna, isla markaasna ay ahaayeen ciidan weerar ku qaaday dhawaan meelo ay joogan Xarakada Al- Shabaab, balse dib looga soo saaray, waxaana wararku ay sheegayaan in ay hada ciidamadasi joogaan meelihii ay horay ujoogeen ciidamada dawladda KMG ah.

Raga lugu tirinayo in ay madax ka yihiin ciidamadan oo ay la xariirtay APL ayaa ka gabsaday in ay tafaasiilaad ka bixiyeen, balse dad lugu kalsoon yahay ayaa uxaqiijiyey AllPuntland in ay ciidamadan ku dagaalamayaan magaca Ahlu Suna.

Wajiga cusub ee dagaalada Muqdisho ayaan la garan karin waxa uu soo kordhin doono, iyadoo mudo dheer ay dawladda KMG ah ciidamadeeda isku duba riday qorshayaal ay ku doonaysay in ay kula wareegto Muqdisho, balse ay fashil ku soo dhamaadeen mid kastaa.

Dawladdaha Mareykanka iyo Itoobiya oo faragalin kuleh xaaladaha Soomaaliya ayaa loo tiirinayaa fikrada asaaska kooxdan cusub, maadaama ay umuuqatay dardarta ay Al- Shabaab kula wareegayaan inta badan Koonfurta dalka, gaar ahaana Muqdisho iyo Galguduud oo ay meelo ka mid ah joogaan kooxo la dhacsan faragalinta dawladdaha Reer galbeedka.

F. C. Maxamed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...