Garowe (RBC Radio) Wasiirka amniga Puntland ayaa caawa sheegay in dowlada Puntland ay ka xun tahay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Buuhoodle ee dhexmarey dadka degaanka iyo ciidamada Ethiopia.
Yuusf Axmed Khayr oo caawa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Buuhoodle ayaa sheegay inuu ku baaqayo in dagaalka la joojiyo dowlada Ethiopiana ay xakameyso ciidankeeda.
“Waxaan ka codsaneynaa dowlada Ethiopian ina ciidankeeda xakameyso oo ay wax ka qabato arimaha ka taagan degaankaasi, Anagoo aad uga xun waxaan laanahay hala wada hadlo, shacbiga reer Buuhoodlena dagaalka ha joojiyeen”, ayuu yiri Gen Yuusuf Axmed Khayr.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment