Saturday 8 May 2010

Sarkaal dawladda ka tirsan iyo xaaskiisa oo xalay qarax miino lagu dilay kadib markii sariirta loo hoos dhigay

Qaraxan xoog leh oo daryankiisa laga maqlay xalay inta badan degmooyinka Muqdisho ayaa xalay lagu dilay sarkaal dawladda ka tirsan oo daganaa degmada Xamarweyne.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabi jiray C.lle Habarwaa waxaa miinada loo galiyey sariirtiisa jiifka , waxaana la qarxiyey xili ay wada jiifeen xaaskiisa oo iyadana qaraxa uu salafsaday.
"Labadoda oo meyda ah ayaan ka so bixinay sariirtooda alaha u naxariistee waana baareynaa cidi ka dambeysa koleey waxaan qiyaaseynaa in sariirta loogu rakibay"ayu yiri xildhibaan Caraale oo guriga sarkaalka booqday qaraxa kadib xusuus.com la hadlay.
Ciidamada xooga dalka ayaa isku gadaamay xalay guriga sarkaalka qaraxa lagu dilay , waxaana ay isla degmada Xamarweyne ka soo qabteen laba gabdhood oo midi adeegto ka aheyd guriga iyo mid kale oo ay saaxibo ahaayeen xaaska sarkaalka si su'aala looga weydiiyo waxa ay ku ogyihiin miinada la galiyey sariirta.
Waa markii ugu horeysay ee sarkaalka dawladda ka tirsan miino loo galiyey sariirtiisa , waxaana ay taas cadeyneysaa sida Shabaab ay uga go'antahay khaarijinta cid walba oo ay bartilmaamedsadaa,

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...