Siyaasiga Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa waxa uu noqday shaqsiga labaad ee caqabadda ku noqday Heshiiska Addis Ababa ay kusoo kala saxiixdeen Ahlu sunna iyo Dowladda federaalka.
Dhowaan ayaa Guddoomiyaha Ahlu sunna ee Gobolada dhexe Macallin Maxamuud waxa uu shaaca ka qaaday in Heshiiskii Ahlu sunna iyo dowladda uu bur buray kadib markii ay soo dhex galeen gacan saddexaad oo xukuumadda taageero ka helaya.
Arrintani ayaa markii hore waxaa lagu eedeynayay dhowr qof oo indhacadde laga carabaabay, waxaase maanta lasoo shaaciyay in ninka labaad ee caqabadda ku ah arrintani uu yahay Soomaali Canades-ka lagu magacaabo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan.

No comments:
Post a Comment