Saturday 8 May 2010

Ururka Shabaab Oo Sheegay In Ay Qorsheynayaan Maamul Loo Sameeyo Galguduud.

 Dhuusamareeb (RBC Radio):- Ururka Al-shabaab ayaa ku dhawaaqey in maamul Islaami ah ay u sameyn doonaan guud ahaan degmooyinka gobolka Galguduud oo ay sheegeen in qeybo ka mid ah haatan ay gacanta ku hayaan - Ceeldheere, Masaga - Waay, Galcad iyo tuulooyinka hoos taga.
Mas’uulka u sareeya gobolka Galguduud ee Ururka Al-shabaab Yuusuf Shiikh Ciise (Kabo-kutukade) ayaa warbaahinta gudaha waxaa uu uga waramay qorshaha ay ka wadaan gudaha gobolka Galguduud, waxaa uuna sheegay in ay ku guda jiraan sameynta iyo hirgalinta maamul Islaami ah oo ka shaqeeya guud ahaan gobolka Galguduud.
Yuusuf ayaa hadalkiisa raaciyey in maalmihii la soo dhaafey ay u socdeen wada hadalo ay la lahaayeen odayaasha dhaqanka gobolka Galguduud oo ay kala arinsanayeen sida uu sheegay arimaha maamul u sameynta gobolkaasi oo Ururka Al-shabaab uu ku doonayo in uu ka hirgaliyo maamul hoostaga.
Dhinaca kale waxaa uu Sarkaalkani Al-shabaab u qaabilsan gobolka Galguduud uu sheegay in ay wadaan guluf colaadeed oo ay doonayaan in ay ku qaadaan Culimada Ahlusuna ee ku sugan gobolka Galguduud oo ay mabda’ ahaan iska soo horjeedaan, isaga oo sheegay in ay is feer socon doonaan howlgal ay ku qabsanayaan guud ahaan gobolka Galguduud iyo maamul u sameyntiisa.
RBC Radio.
News in Somali & News in English
Contact: Admin@Raxanreeb.com or Raxanreeb@Gmail.com
USA: Tell (347) 878-2177

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...