Thursday 19 May 2011

Boqolaal katirsan Ciidamada Mujaahidiinta oo Caawa Muqdisho soo gaaray iyo dagaallo kala bax ah oo dhacaya maalmaha soo socda..


somalimemo.netIyadoo ay magaalada Muqdisho ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamda Mujaahidiinta iyo kuwa Kuffaarta Afrikaanta ah ayay mujaahidiinta Somaliya gurmadyo lixaad leh usoo dirayaan caasimadda.
Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab oo ku hubeysan gaadiida dagaalka iyo hubka nuucyadiisa ayaa caawa maqribkii kasoo gudbay Ceelasha Biyaha.

Ciidanka caawa Muqdisho soo gaaray ayaa watay 7 baabuur oo Sedax kamid ah ay ahaayeen Waaraad midkiiba uu qaadi karo 300 oo ah Askar Mujaahidiin ah.

Goob jooge ku sugan deegaanka KLM13 ayaa SomaliMeMo u sheegay in gaadiidka ay ciidanka wateen qaarkood ay jiidayeen madaafiicda goobta.

Ciidamada Caawa Muqdisho soo galay ayaa ku dhawaaqayay Takbiir iyo Erayo ay ku muujinayeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay wadooyinka Muqdisho kula loolamaan cadawga.

Qulqulka ciidamada mujaahidiinta ee Muqdisho soo gaaray ayaa kusoo aadaya waqti ay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka socdeen dagaallo culus.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...