Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa dhabbo gal u dhigay Maleeshiyaad Xabashi kal kaal ah, iyadoona weerarkaasi ay ku geeriyoodeen inta la xaqiijiyay Afar ka tirsanaa Maleeshiyaadkaasi. Dagaal culus oo udhaxeeya Ciidamada Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadka Xabashi kal kaalka ah ayaa halkaasi ka qarxay, waxaana dagaalka intii socday Mujaahidiintu ay gubeen mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee ay wateen Maleeshiyaadka. Ujeedka Maleeshiyaadka Amxaaro kal kaalka ah oo markii hore ahaa inay gaaraan degmada Luuq ayaa fashilmay, waxayna Ciidamada Mujaahidiintu ay u diideen ay ka hor istaageen inay socdaalkooda sii wataan.
Weerrarada Kamiinka ah ee Ciidamada Mujaahidiinta todobaadyadii lasoo dhaafay ay la beeganayeen Maleeshiyaadka Cadow kal kaalka ah ee kusoo duulay wilaayada Gedo ayaa waxay dhabarka ka jebisay Cadowgaaso, waxaana weerarradaasi kamiinka ah lagu laalayay Saraakiil Maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Qurbuuriyiinta lagu soo anshax xumeeyay gudaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay gumeysato.
No comments:
Post a Comment