Muqdisho:- Siday Shabaabku u bilaabeen farsamada cusub ee ah in loo soo qaato darayska maryocalasta baa waxaa Amisom ku dhacay cudurro cilmi-nafsi ah. Arrimahaasi waa kuwii gumeysigii reer Yurub looga saaray Kuuriya iyo Fidaynaam!
Waa qofkee qofka kala saari kara Soomaali darays gashan? Waxaa hadda Amisom lagu khasbay inay ka baxaan saldhigyadii ay ku lahaayeen Dabka, guriga Shaqaalaha, Shaneemo Ikwatoore, Safaaraddii Masar, iyo dhismayaashii Tahliil Warsame.
Ma durbadiiba? La isma gaarin. Calal-uusta waxaa ku filan lacag. Weliba hadday lacag u sii baahi qabaan marka la yiraahdo: ma dhex mari kartaan magaalada idinkoo hub sita! Haddii arrintaas lagu khasbi karo maryocalasta; Soomaaliya mar horay nabad ka dhici lahayd.
Boggagga Amisom taageera baa leh: Amisom waxay aadeen furimaha! Waa iska-hadlid! Soow maryocalas lama joogaan furimaha? Haddii Amisom gudaha loogu tagay; yaa diidaya in furinta loogu tago? Waxaa halkaas ka cad caqli xumada shabakadahaas! Haddii la yiraahdo shacabkaa laga dheeraaday; Shabaabku shacab isuma ekeysiin ee waxay isu ekeeyeen maryocalas. Waxa Amisom furimaha la joogana waa maryocalas. Marka markay soo dhowaadaanba waxaa badan fursad lagu halaagi karo. Waxaa u fiican inay iska baxaan.
Dhowaan war baa geli doona Amisom! Mar dhow waxaa dhici karta in Indhocadde ula ekaado Abu Jabal, Sidoo kalana Murtad Shariif ula ekaado Fu’aad Shongole dabadeedna toogasho ku bilaabaan nimankaas! Micnuhu waa iyagoo leyn doona maryocalasta la shaqeysa markay u qaataan inay Shabaab yihiin!
Waa Toogasho ciddii lagu arko iyagoo Tuute Qaba ama Qori ku dhex sita Magaalada!

Cidda Amisom dili doonto waa nimankaas tuutaha iyo qoryaha wata iyo maryocalastooda!
Maxamed Xaamud
No comments:
Post a Comment