Friday 3 June 2011

Ciidamada AMISOM oo galabta ka guuray Fariisimihii Isgoyska KM4, Gurigii Shaqaalaha iyo qeybo ka mid ah Jidka Maka Al-Mukarama

Ciidamada AMISOM ayaa galabta ka guuray Fariisimo ay ku lahaayeen Wadada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho ee Wadada Maka Al-Mukarama, halkaas oo muddo saddex sano ay ilaalinayeen, wadadaas marin muhiim u aheyd Madaxda Dowladda KMG.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM ayaa gudaha u galay furimaha dagaalka iyo deegaanadii dhowaan lagala wareegay Shabaab, halkaasoo ay saldhigteen, iyadoo goobaha ay galabta ka qalab rarteen lagu wareejiyay Ciidamo Boolis ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo saldhigyo dhirirsan ku lahaa Wadadaas ayaa meelaha ay ka guureen waxaa ka mid ah Dhismaha Shineemo Ecaudor, Safaaradii Masar, Dhismaha Tahliil Warsame ee Isgoyska KM4.

Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa ka guuray Gurigii Shaqaalaha oo ay saarnaayeen muddo labo sano ah iyo Sartii Dabka, iyadoo la sheegay inay u guureen fariisimo cusub oo ay ka sameysteen Wadada Wadnaha iyo qeybo u dhow Jidka Sodonka.

Ciidamada AMISOM oo muddo ku hoyan waayay Wadada Maka Al-Mukarama kadib weeraro lagu soo qaadi jiray ayaa caawa ku hoyanaya meelo horay weerarada looga soo maleegi jiray, oo ku yaala Wadada Wadnaha.

Tallaabadan guuritaanka Ciidamada ayaa ku soo beegmeysa xilli Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay horumar ka gaarayaan dagaalada, isla markaana fariisimo cusub kula wareegayaan, iyadoo maanta u dambeysay oo ay la wareegeen Gurigii Saraakiisha iyo Shiirkole.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...